“Besheyada Ma Ahanee, Inta Kale Waxba Ma Ahan”

Keydmedia Online - Nabad iyo is-gacalaysi in lagu wada dhaqaaqo Cid walba ayay dan u tahay. In wixii dhacay layska hilmaamo waa dan guud. Hase yeeshee haddii aan la Qorin wixii dhacay, haddaan Gardarrada la saarin Ciddii wax bi'isay...Documentary
Faallo Keydmedia Online
“Besheyada Ma Ahanee, Inta Kale Waxba Ma Ahan”

Haddaan Runta laga sheegin Ciddii wax marin habaabisay, haddaan la tilmaamin Ciddii dhibka keentay, haddaan Taariikhda Runta laga sheegin sidee looga hortagi doonaa dhibka dambe oo iman doona? Sidoo kale, Taariikhda lagama beensheego, lama mari habaabiyo, lama dhalanrogo, waa hadaad Run sheeg tahay.

Xaqiiqada waa mid la baadi goobo oo loo huro Waqti, Taariikhda waa la Qoraa meel baana lagu kaydiyaa. Dib ayaa loo xusaa inaan dhacdooyinka dhibaatada Dadka iyo Dalka u keenay kuwo lamid ah ayna dib noogu soo noqon. Ayadoo laga runsheegayo, Hala isku dayo in dib loo aruuriyo dhibkii dhacay iyo sababbihii dhibaatooyinkaas keenay, iyadoo laga afeefanayo inaan la abuurin dhacdooyin keeni kara Boogo cusub.

Fiiro gaar ah: Dhib kasta oo meel walba oo Dunida ka dhacay waa Qoran yahay, kii xumaana waa la dhaleeceeyaa, kii fiicnaana waa lagu daydaa.

Nasiib daro, Soomaalida khaar ka mid ah Dhaqankooda Maantay wuxuu ku jahaysan yahay:

Kii xumaa yaan la sheegin wayo isku hayb baan nahay. Tuuggii yaan farta lagu fiiqin waayo waa Ina Adeerkey. Khaa’inkii yaan la dhaleecayn. Diradiraalihii yaan la qoonsan. Beenlowgii yaan warkiisa la burin. Hudhudka yaan layska qaban. Ninkayga Dilaagaa oo damiir laawaha ah haloo Ceebqariyo, Runta ha laga gambado, Beentana ha laysaga markhaati kaco.

Aqristayaasha Sharaftalahow intee baad aragteen KUWO Qabiilku dhuuxa ka galay oo baadilka Difaacaya salaadana safka hore ku jira? Aqristayaasha Sharaftalahow intee baad aragteen KUWO xadiiska meerinaya, Aayad Qura’aana daliilsanaya Dilka iyo Xaqdaradana ku Garab istaaga Dagaal Oge dan shisheeye wada.

Iskeedana Saxaafadda Madax bannaanu waxay ku nooshahay inay soo shaaciso dhacdooyin laga diimoonaa ama laga beensheegay. Waxaa kaloo jira, in Maanta la haysto Qalab Dhacda kasta lagu qabto oo lagu kaydiyo Maqal iyo Muuqaal ahaan iyo Muuqaal ahaanba.

Waxaa la joogaa casri Runta iyo Beenta aan laysku qaldi karin oo wax walba si cad loo muujin karo. Been lasoo dhodhoobay ciduuna kaama qaadan karto. Waxaa kasii daran in been lagugu barto oo waxaan jirin loo qaato intii Akhrisan jirtey Qoraallada aadmsoo Bandhigto. Run baa reerka lagu dhaqaa!!



Keydmedia Online ayadoo ogsoon inay Runtu qaraar tahay ayaa Tiirarka Aas-Aaskeedaa waxaa kamid ah in Xaqiiqada la iiftiimiyo. Keydmedia Online waxey heshay Daawada Hudhudka: Waxey ku Daaweeneysaa inay Runta side tahay u sheegto ayadoo Sadexda Boqol a iyo Lixdanka grad dhinacnah aan dhaafeyn.

Keydmedia Online waxaa lagu amaanay Documentaryaalka Maqal iyo Muqaalka ah oo Marag madoontada ah oo ay Bulsha Soomaaliyeed had iyo jeer usoo Bandhigto. Bal u fiiso Documentryada iyo Wareysiyada SYL-ka, bal u fiiso Shaqsiyaadkii Soomaaliya Caalamka ku xiray oo ka muuqda taxanaha Dhacda Ugub ah, bal u fiiso Cilaaqdii Dagaalada Sokeeye iyo Qaabkii ay wax u dhaceen. Xogtaas hadii aadan heli laheyn side baad ku ogaan laheyd Maxaa Run ah maxaase Been Abuur ah. Yaase u sabab ah Burburka iyo Qaran duminta Soomaaliya.

Keydmedia Online waxaa lagu Amaanay inay ku Dadaasho Xushmada Figradaha kala duwan iyo Heybadda iyo Anshaxa Saxaafaddu leedahay.

Keydmedia Online waxaa lagu Amaanay Hordhaca Sadaalinta Siyaasadda mudooyinka fog kusoo wajahan Soomaaliya. Mana yara inta Keydmedia ay Saadaalisay oo soo Ifbaxay.

Rab ama ha rabin, beentu waa Xumbo oo kale, Runtuna waa lama huraan  oo waa Horseedka Nabada.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Yusuf Abdi Lali - Keydmedia Political Analyst - Nairobi, Kenya - Yusuf.a.lali@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.