In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
isbedelka ku dhisan siyaabaha kala duwan waxaa jira arimo ku haboon in wax laga bedelo ama wax ka bedelkoodu uusan dhib keenay iyo arimo ka caagan in wax laga bedelo sida :- Diinta iyo caqiiqada, Go,aanka, Balanta, Guurka, dhaqanka iyo hidaha, jinsiga,iyo Nasabka iwm
hadaan tusaale u soo qaadano waxyaabaha ku wanaagsan in la bedelo, waxaad soo iibsatay shay ama aalad aad doonayso inaad u isticmaasho ujeedo si aad ugu gaadho hadafkaaga, tusaale ahaan qalabyada lagama maarmaan u`ah nolosha, isticmaalkiisana aad u baahantahay mar walba haddii shaygii ama aalladii aad ka waydo intifaacii aad u soo xulatay waxaa lama huraan ah inaad bedesho si aad u hesho mid hawshaada kuu fududeeya sida adigu aad doonaysayna wax kuugu qabta.
Waxaa taas la mid ah oo sidaasoo kale ah marka ruux ama shaqsi xil loo dhiibo maaha ujeedadu inuu yahay shaqssigan mid lama taabtaan ah oo meeshaas ama jagadaas loo xushay aan lagaga daba imanayn ee waxuu ku jiraa tijaabo hawleed hadduu ku guulaysto oo waajidbaadkiisa guto waxaa laga yabaa inuu helo fursad mar labaad u saamaxda waxqabadkiisa inuu sii wado ama sii kordhiyo, si uu bulshadiisa u gaadhsiiyo hadafkooda siyaasadeed nololeed nidaam ahaaneed dhaqan dhaqaale hadduu guulaysto bakse qaybo ka mida hawlihii loo xilsaaray gudan kari waayo waxaa laysku miisaamayaa waxaa uu qabtay iyo waxaa uu dhimay hadba kii bataa miisaanku ayuu dhinaciisa u badana , tusaale ahaan hadii wax dhimaalihiisa , dhagartiisa, wax is dhaafiskiisu bato waa lays dhaafinayaa isagana, haddii horumarkiisa, dib u dhiskiisa, daryeelkiisa daacadnimadiisa badato waa la daysanayaa iyada oo dhaliishiisii horena loo sheego lana tusayo si uu u saxo.
Hadaba maadaama aan nahay bulshadeena Soomaaliyeed dhawr siyaabood ayay wax u xulan jireen berigii hore qaabka xulshada hogaanka siyaaasadeed iyo kan dhaqanka labadaba iyada oo laguu qiimaynayo qof walba ahmiyada uu bulshada u leeyahay.
Qaabka koowaad:- waxaa lagu xulan jiray qaab maxali oo ninkaasi inuu yahay nin bulshada isku wada kara dhinaca maskaxda, garaadka , diinta , xishoodka, deeqsinimada, xaqdahwrka , naxariista, waa inuu yeeshaa hogaamiyaha ama beeldaajiyuhu astaamo badan oo xitaa ay ka mid tahay muuqaalkiisa iyo haybadiisa raganimo hadduu buuxiyo badi shuruudaha loo baahanyahay waxuu noqon jiray nin la soo xulay xitaa ma dhici jirin inuu isa soo sharaxo ee bulshada inta markaas hogaan ama baarlamaan ama xeerbeegti u ah ayaa u yeedhi jiray una sheegi jiray in isagu noqdo shaqsiga hormuudka u ah deegaankaas ama beesha halkaas degan.
Qaabka labaad :-waxaa lagu xulan jiray dhalasho oo hogaanku waxuu ku koobnaa qoys sida boqortooyada ah , salaadiinta ama ugaasyada ama imaamyada iwm waxaana qaabkan labaad laftiisa la waafajin jiray kii hore oo ah nimanka dhaxalka iska leh ninka ugu mudan ee buuxin kara kaalinta hogaamiye in laga dhigo.
Qaabka sadexaad:- Hogaamiyaha dagaalka ayaa isagana lagu xulan jiray inuu leeyahay xirfad dagaal ama dagaalyahay , fardafuula, geesiya, dabeecad leh uu ciidankiisa isugu wado dulqaad uu ku samro xiliyada dhibaatada iyo adkaysi,dareen uu ku saadaalin karo jabkiisa iyo guushiisa iyo inuu yahay shaqsi colaad iyo nabad labadaba qaadan kara go,aankiisana ka midho dhalin kara sidaas ayaana iyada oo aan tartan iyo isa sharax jirin waxgaradka beeshu ku gu`doomin jireen inuu hogaamiye dagaal noqdo.
Qaabka afraad:- Markii aqoonta iyo xadaaradu timid waxaa qofka lagu xulan jiray inuu shaqada xirfad u leeyahay soo bartay ama mudo ka shaqeeyay shaqo dowladeed mid ganacsi iyo mid xoogba tusaale ahaan (Wadde baabuur qof aan weligiis noqon malagu aamin karaa baabuur xamuul ah iyo rakaabkiisa) waxaan ula jeedaa aqoonta waa u lama huraan jagada qofku qabanayo haddii uu khibrad u leeyahay dheeeraada mudo iyo haddii uu soo bartay labadaba, mararka qaarkood nin shahaado haysta waxaa ka mudan mid aan waligiis shahaado qaadan balse khibrad badan u leh shaqada uu qabanayo ilaahayna u sahlay fahamkeeda.
Dhamaan siyaabaha aan kor ku xusay waxay cadaynayaan inaan bulsho ahaan hadaan soomaali nahay lahayn qaab wax loo doorto oo ka heer sareeya dimoqraadiyad kasta kuna salaysnaa aqoon iyo cadaalad iyo waliba hanaan furfuran. qaababka aynu soo sheegnay haddii wax lagu xusho waxaa iman kara in qof waliba helo meeshii ama booskii uu ku haboona , waxaa nagu dhacay hadaan nahay umada soomaaliyeed caynwareeg waxaan ka tagtay habkii aan u noolayn markaan ahayn xooladhaqatada iyo reer baadiyaha mana aynaan u gudbin qaabka xadaarada magaalada iyo ilbaxnimada danbe ee caalamka ku soo korodhay dhexdooda ayaan taaganahay labadii marxaladood.
Haddii shaqsi walba la waydiiyo waxuu yaqaan laguna hagaajiyo waxuu yaqaan booskiisana loo daayo dawa iman lahayd dalkuna waa dhaqaaqi lahaa isbedel la yaqaan waa ka soo bixi lahaa haddii la yidhaahdo ama kornayl ayaa laga dhigaya wasiir caafimaad , digtoorka caafimaadkana laga dhigo wasiirka gaashaandhiga looguma talo gelin wax horumar ah iyo wax xal ah in la gaadho.
Nin aan aqoon shaqadiisa lamaba eedayn karo waayo waa taan hore ku soo xusay waa nimaan waligiis darawal noqon loo yidhi adigaa ku haboon ee umadan iyo hantidan masuuliyadeeda qaad hadduu uu dhaqaaqa baabuurka ugu horeeya dadka iyo hantida ku halaago oo la gediyo waa la filayay hadduu ilaahay ku guuleeyana waa arin aan la filaynayn balse dhacday.
Waxaan ujeedka qoraalkayga yahay dadka madaxda hada noo ah ma jiraa shaqsi haya jago isaga ku haboon ama jagadaas loogu dooray inuu leeyahay aqoonteeda ama lagu aamini karayo .Waxaynu halku dhig ka dhiganay (Haddii la bedeli lahaa waxbaa is bedeli lahaa) haddiise la odhan lahaa haddii wax la bedelayo halagu bedelo qof ku bedelma oo macnaheedu yahay qof shaqadan qaban kara aqoonteeda iyo xirfadeeda leh hawshan qaban karaya barashada jaamacadaha maraykanka iyo yurub ama aasiya shaqsiyada qofka waxba kama bedelayso, hadaanu lahayn hindise iyo hawlkarnimo hadaanu u dhalanin waxqabad iyo garasho laguma dhigto jaamacadaha iyo goobaha wax lagu barto.
Yaa aqoon badnaa ragii 1960-1990 maamulka soomaaliya ku dhex jiray dhinac walba iyo kuwa 1990-2012 labada waqti ee ay kala joogeen isku eeg xaadarada iyo horumarka dalka markaa siduu ahaa iyo hada siduu yahayna isu eeg, dadnimo ahaan siday kuwii hore ahaayeen iyo intay aqoontoodu le,ekayd iyo kuwan isu eeg.
Nina xeer, xaq, iyo xurmo kuma joogee xal iyo xoog ,xeelad iyo xoolo ayuu ku joogaa way yartahay inta shaqsiyada wadaniyadeed iyo daacadnimo lagu tilmaami karaa dadka maanta hogaaka dalka haya ama xubnaha ka ah.
Ninkii xil loo dhiiba waxuu taaganyahay waa lay dhiibi karaa laakiin laygama qaadi karo, kii la doortaa dadkii doortay ayuu inkirayaa marka maxaynu odhan karnaa ma dad masuuliyad hayaa mise waa umad wax kala boobaysa.
Bal hadda u fiirsada waxaa kala haysta baarlamaanka iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka markay doorteen waxuu yidhi waxaa laygu doortay kooram ama cadad dhamaystiran markay diideene waxuu yidhi waan kala diray 283 qof oo magaca soomaaliyeed metela lana aqoonsaday oo magaca baarlamaanka umada soomaaliyeed ku jooga ayaa waxuu shaqsi leeyahay iyo laba anagaa ka mudan mana bedei karaan waxba.
Gudoomiyihii hore haddii la hor dhigay daliil cad inuusan gudan karin xilka gudoomiyanimo awalba waa loo doortay ileen maaha hanti uu isagu leeyahay ama uu ka dhaxlay waalidkiis ee waa kusrigii golaha shacabka umada soomaaliyeed miyaysan mudnayn inuu yidhaahdo hadaad i diideen , codkaad igu doorateena , dib ula laabateen, waan idiin daayee, cid kale doorta.Waa su,aale madaxda dalku waa la dooran karaa miyaa keliya ee lama diiddi karo? Aniga oo ku dabaqaya dareen suugaanee ayaan tixdan ku soo arjarayaa qoraalkayga mahad
markuu darawalkii waday
doontii la baydhee
dadka iyo rakaabkii
dusha sare u saarnaa
mar keliya daryaameen
diidnay diidnay odayoo
ka deg ay yidhaahdeen
midka kalaa diyaaree
degi maayo buu yidhi
Oday dooran baan
keli darawalbaan hay
kama dege ayaan ahay
iga daaya qaylada
duulyahow wareersani
dadkii waxay yidhaahdeen
Nimankii ku doortee
shalay duubka kuu xidhay
Kuu tumay durbaankee
Duqnimada ku siiye
Haddii ay ku diidaan
Dibna ay ka laabteen
Markaan doojin weyde
Dawliskeeda diidee
Habka loo durduuriyo
Iyada dar soo tuban
garan weyday doorkeed
iyo daajinteedaba
digdig maaha xaajadu
Iska soo dawaafiyo
Hadba dayr ku dega iyo
Dowladaha kala baro
Dantaguud ilowdiyo
Meeshii laguu diray
Markaad dacar walaaqdee
Albaabkii dabooshee
Shirarkiina daysee
Furihii la dooshee
Dibadaha la aadee
Booliis u diratayee
Tidhi yaan la daakhilin
Haddii ay ku diideen
Ma danbibaa adeeroow
Haddii ay ku doorteen
Ooy dabaq ku saareen
Kursi dahaba xaajoow
Maantana ku diidoo
Dood kaa diyaarsheen
Iyo mooshin daacada
Doorashana ku baaqeen
Ma danbibaa adeeroow
Doodii kamuu hadhin
waxuu yidhi ma daalihii
Kuli waa danbiiloo
Anigaaba kala diray
Dadkiina waxay yidhaahdeen
Dalka maadigaays ka leh
Dadka malaha dookhoo
Ima diidi karayaan
Adigaa la duubane
Ma daliil quraaniyo
Waxyi soo degaad tahay
Umadyahay dantaa garo
Kii diida samahee
Marna aan dantaa wadin
Ka daliiqa dajarada
Ka dejiya xilkuu sido
Dabacsanida naga jira
Isku duubni wada jira
Jidka dowladnimadiyo
Dawga maamul loo maro
Soomaaliyeey ku diirsada
Waa Qalinkii & Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Add comment
Comments