Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya!

Ahmed Ali - Dastuurka cusub ee la doonayo in laga ansixiyo shirka wadatashiga Soomaaliya marka si degan loo akhriyo wuxuu halis ku yahay wadajirka iyo Cadaalada beelaha Soomaaliyeed.
Faallo Keydmedia Online
Halista Dastuurka Cusub ee Soomaaliya!

Dastuurka oo saldhig looga dhigay 18-ka Gobol oo ay Soomaaliya ka koobneed ka hor xiligii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen, 18-kaas gobol oo aan ahayn gobolo markii horeba cadaalad lagu sameeyay, ama loo fiiriyey dhul ahaan ama dadka ku nool tiradooda, goboladaas oo qaarkood lagu magacaabay arin siyaasadeed oo ay xiligaa Dawladdii Milateriga Maxamed Siyaad Barre "Camalkiisa allaha ka waraabiyee" Dalka ka lahayd.

Dastuurka waxaa lagu cadeeyay in ugu yaraan labo Gobol oo buuxda kaliya ay noqon karaan Maamul/Dawlad Goboleedyada la rabo in dalka laga hergeliyo iyada oo aan cod laga qaadin shacabka Soomaaliyeed.

18-ka Gobol ee jiray xiliga Dawladii Hore ayaa haddii labo labo la isku saaro waxaa dalka ka soo baxaya ilaa 9 dawlad goboleed, Dawlad goboleed yada ka soo baxaya haddii Goboladaas sidaa la isku raaciyo ayaa si Cad ugu hor imaanaya heshiiska aan lagu wada qanacsaneyn ee 4.5 oo ay Soomaalidu ay sanadihii ugu danbeeyay wax ku qeybsanaysay.

Dastuurka cusub waxaa ku qoran in Magaaladda Muqdisho ka mid noqon karin maamul goboleedyadda ,loona sameeyn doono sharci gaara maadama sida lagu xusay dastuurka qabyada ay Muqdisho tahay Magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.

Muqdisho waxaa ku nool shacab qiyaas ahaan ka badan bulshada ku nool todobo gobol oo ka mida goboladda Somalia.

Dastuurka cusub wuxuu Xooga saaray in Goboladii 18-ka ahaa laga dhigo Saldhig iyada oo la og yahay in 18-kaas gobol dadka ku nool ay si aad ah u kala duwan yihiin.

Sida Xeeldheerayaasha qiimeeyay sheegeen Dastuurka cusub wuxuu abuurayaa colaad hor leh oo Soomaaliyeed isaga oo dhiirigelinaya Dawlad goboleedyo qabiileysan,

Waxaa la og yahay in gobolo aad u fara badan oo Soomaaliyeed ay wada degan yihiin qabaa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.