HAMMI AAN KU HUNGOOBAY

Ma jacleyn oo dharaar waayaha ka mid ahna kuma hamin in aan Dalkeyga qiimaha badan qurba joog ka noqdo balse waa leygu qasbay oo waxaan Dalkeygii ka waayay meel aan ku Nabad galo oo nafteyda aan ku aamino, erayadaasi waa kuwa laga fisho dhamaan dadka sanadihii u danbeeyay ka barabaxay Dalka ee martida ku ah Dalalka qurbaha siiba kuwa dariska nala ah.
Faallo Keydmedia Online
HAMMI AAN KU HUNGOOBAY

Dunida lagama helayo Dal cimila ahaan, Nolala ahaan, iyo muuqaal ahaan la ayni ah Soomaaliya marka laga fiiriyo dhinacyada Juquraafiyada iyo cimilada intuba laakiin waxaa ku habsaday Dalka musiiba balaaran oo ay dadka gacmahooda ku sameesteen.

Alle Waxa uu qur’aankiisa ku sheegay in qoom walba dhibaatada ay la kulmaan ay tahay mid ay iyagu gacmahooda ku sameesteen, waxaana umadda Soomaaliyeed tan iyo waagii ilbaxnimada aadamiga ay soo bilaabatay ay ahaayeen kuwa dhexdooda is dulmiya wallow dulmiga iyo dhibaatada ay sii xoogeesteen Sanadahan danbe.

Isbadalka waayuhu waxa ay sababeen in qaab maamulka Dalka ay u kala loolamaan Ajaanib magacaya kale duwan leh gacan siina ka heesta kuwa huwan magaca umadda Soomaaliyeed, bal eeg dhanka Dowlada inta ajaanib ee ka garab taliso, oo hadana milicso Shabaabka iyo dadka jinsiyadaha kale duwan wata oo loo bixiyay muhaajiriin.

Muhaajir iyo Taageero sidayaal magaca ay doonaanba ha qaateen ajaanibta Soomaaliya ku hubeysan ee cadaan iyo madow leh waxa ay sababeen in Dalka dadkiisa ay ka quustaan nolasha isla markaana ay qurba iyo qaxootinimo ay door bidaan tiyoo dalkeena uu yahay mid aan sinaba loo heli Karin.

Max’ed Jeylaani waa 35 sano jir ku dhashay degmada  Shangaani ee gobalka Banaadir tan iyo waagii uu dhashayna ku noolaa degmadaasi, Max’ed iminka isaga, Xaaskiisa iyo 5 caruur ah oo uu dhalay waxa ay ku xanibanyihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo keyna kadib markii ay ka carareen dagaalada ka socda Muqdisho, waxaana sida uu sheegay Max’ed halkaasi ku heesta dhibaatooyin Nolaleed oo aad u daran.

Sahal Geedi waxa uu ka mid ahaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana uu si dirqi ah uga badbaaday bishii june 2008 dil qorsheysan oo ay la damceen dhalinyaro hubeysan gudaha suuqa bakaaraha isagoona cagahiisa uga baxsaday kooxihii shirqoolka maleegayay, Sahal maalinkaas maalinkii xigay ayuu ka anbabaxay Muqdisho isagoona safar Qatar badan oo dhulka ah maray, waxaana uu ugu danbeyntii gaaray Dalka Talyaaniga isagoona qaar ka mid ah dadkii ay wada tahriibeen ay ku dhinteen saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo Suudaan.

Istanbuul macalin waa gabar ku hana qaaday Muqdisho isla kuna soo kortay degmada Wardhiigley xaafada Xamar jadiib, waxa ay muqdisho iyada oo jecel ku noolaashaheeda waxana ka barata ka carartay dharaar cad kadib markii ay handadaad kala kulantay wiil ka tirsanaa kooxaha ku hubeysan magaalada kaasoo arin haasaawe ay ka diiday waxaana handadaadaasi markii ay sii badatay Istanbuul qoyskeeda oo ahaa danyar uu u qaban qaabiyay safar Yamen ilaa Sacuudiga ah, balse intii socdaalkaasi lagu jiray ayeey ku geeriyootay doon ku qalibantay inta u dhaxeysa xeebaha Soomaaliya iyo Yamen.

Soomaalida badan oo hamineysay in Dalka ay dib ugu soo laabtaan kana bilaabaan Nolal iyo horumaar ayaa madaxa la galay quus, laakiin alle waxa uu qur’aankiisa ku yiri haka quusanina Raxmada Alle  mar walba waayo alle agtiisa waa arin sahlan in isbadal deg deg ah uu yimaado.

Iminka waxaa dhibaatooyina wajahaya dad badan oo Soomaali ah kuwaa oo isbadal nolaleed, mid horumarineed iyo mid waxbarasho in ay helaan filayay kadib marka ay qurbaha tagaan, waxaase dadkaasi hadda ay yihiin kuwa ku nool xaalada adag oo dhibaato badan.

Nacimo Abdi - Yemen - keydmedia.net Correspondent


Ma Aragtay?

 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.