Hankii loo hayay Hoggaanka Habargidir ma Hungoobay?

Faallo Keydmedia Online

Bishii Sebtembar 2019 waxaa magaalo xeebeed-ka taariikhiga ah ee Hobyo lagu soo gabagabeeyay shir Beesha Habargidir u socday ku dhawaad muddo labo bil ah isla markaana lagu unkay Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) oo u jeedkiisu ahaa helidda midnimo sal-adag leh iyo hoggaan taladiisu mideysan tahay, is-cafis iyo isku colool furnaan guud oo beesha dhexdeeda ah iyo nabad kula noolaasho dadka ood-wadaagga la ah.

Hankii loo hayay Hoggaanka Habargidir ma Hungoobay?

Lixdan iyo sideed xubnood oo Borofesoor Cabdiqaadir Maxamed Shirwac hoggaaminayo ayaa loo wakiishay howlaha (GHHG), ugu danbeynna 10th December 2019 ayaa guddoomiyaha lagu caleema saaray Muqdisho.

Maadaama Goluhu uu ahaa mid ku cusub gayiga oo aan taariikhda lagu heyn ceyn-kiisa oo kale waxaa laga qabay raja weyn, reer-ka ku magacaabanna reyreyn iyo raxmad Rabbi u soo diray ayay rumeysteen. Soomaalida oo inteeda badan aaminsan in HG tahay mid ka mid ah beelaha ubucda u ah xasaradaha iyo xasiloonida dalka  QALAD IYO SAXBA waa ay u riyaaqeen oo si milgo iyo maamuus leh ayay u soo dhaweyeen waxaana marqaati kuugu filan in ka badan 2000 oo dhaqanka iyo guurtida Soomaalida ah ayaa isaga yimid meel kasta oo Soomaali weyn dagto.

Dhismaha Golahan waxa uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo deegaanka lagu unkay iyo dal-kuba marayaan marxalad aan caadi ahayn, duniduna la daalaadhceyso daawo u doonidda Coronavirus, duruufuhuna qalafsanyihiin, doog iyo wixii geed dihan dalka ku yaalana uu Ayax diiranayo, dacalka dagmada lagu dhisayna uu Shabaab dagan yahay, doowlad aan diir nixinna dadka sidii ay doonto ugu tumaneyso. HG, Hiraab iyo Hawiye oo dhan waxa ay ku han weynaayeen in hoggaankan uu hormuud u noqon doono xal u heledda mushkiladahan margiyada iyo murqaha gooyay Samaale, malahaasise ma meel marin.

 “Laba kala barisay kala war la”! Faham qaldamay iyo Filashooyin aan fulin dheh, kala fil kala faqa kasoo qaad, waxaad doontidba ugu yeer, ku dhawaad 15 bilood oo uu magacaaban yahay Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) Masiir umadeed iyo maslaxad deegaan meelmarintood lagama haayo matalaad beel iyo muqaal hoggaaminna haba sheegin.

  1. Goluhu waxa uu ku fashimay wax ka qabashada AYAX aan nixin oo si daran ugu dagay deegaanada ay beeshu dagto, kaas oo dhibaato aan kasoo waaqsi lahay gaarsiiyay Gobolada Mudug iyo Galgaduud. Hoggaanku wuxuu mushkiladda iyo mashaqada Ayaxa u saari karay guddi quboro ah oo soo qiimeeya inta uu la egyaha, waxa la isaga kicin karo, sida lagu dili karo Korankorta uu duugay iyo sida looga hortagi karo ama loo yareyn karo soo laabashadiisa badatay, isla markaana uu guddigu dal iyo dibadba  u iclaamiyo dadka reer guuraaga ah in la garab la siiyo.
  2. Goluhu waxa uu ku fashilmay Amniga,!!!  Haa Amniga, waan ogahay aqriste waxaad leedahay maxaa amni ka galay (GHHG) hadaba ila soco oo ha iga harin, dhulka ugu weyn Galmudug waxuu Rabbi deegaan uga dhigay HG, waana halka ay beeshua Ukumuhu u yaalleen tan maalinti Qaadir halkaa ku abuuray, maadaama Golohu yahay yahay hoggaanka beesha waxa ay ahayd inuu la yimaado fikrad uu kaga faa’iideysanyo awooddiisa isla markaana uu dajiyo qorshe la isaga kicinayo Al-shabaab loogana sifeynayo dhamaan deegaanada GM,  isagoo la kaashanaya Maamulka Madaxweynihiisa iyo wasiirkiisa Amnigu-ba Madarkiciska yihiin. Ogsoonoow kun wiil oo saanaddooda dagaal loo dhamrystiray ayaa deegaanka ka tirtiri kara nabad diidka aan diinta iyo dadnimada lahayn.
  3. Goluhu wuxuu ku fashilmay nabadeynta iyo xal u helidda dagaalo soo laalaabtay oo beesha dhxmaray.
  4. Goluhu wuxuu ku fashilmay abuuridda isdhexgal-ka iyo iska warqab-ka guud oo wali halkii la kala taagnaa ayay xaajo joogtaa.
  5. Goluhu wuxuu ku fashilmay, doonista iyo soo dumista beelaha kale ee walaalaha la ah HG ee tabashooyinka qaba.

Ka kaalay halkaas sababta oo ah fashilka Hoggaankan Xadka iyo Xawaaraha waa dhaafay waxaase tan ugu darani tahay hoggaanka aan muuqa iyo matalaadda midna lahayn inuu si aan ka fiirsi lahayn ugu milmay maamulka Doowladdan iyo Regime-kan waqtigu ka sii dhamaanayo ee Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan. Ma ogi in 68-ka xubnood ee golahan ay si buuxda ugu daateen Villa Somalia waase hubaa in qeyb muhuum ah oo ka tirsan la iibsaday afkana loo buuxsho si ay ee u galaan.

Yaabka yaabkiis waa Yaxaas carrab leh iyo Geel geeso leh, Isniiniti ayay ahayd marki lagu baraarugay in Farmaajo & Qoorqoor ay Xamar ku xaraashayaan Shidaalka Hobyo si ay u boobaan kheyraadka Shacabka taas oo ilaa hadda wax war ah aysan kasoo saarin Guddiga Hoggaamiya Habargidir, taas oo loo aaneeyay labo arin middood, in fara dufan leh is gaareen oo guddiga afka loo buuxshay iyo in aysan ogeyn in kheyraadka la boobayo uu uu yahay xaq ay iyaga iyo dadka ay matalaan leeyihiin, difaaceedu iuu waajib dastuuri ah ku yahay.

Heshiis la galay xilligan kala guurka ah oo aan heysan shaciyad rasmi ah, xaaladihiisa oo dhanna aysan sida Futo Ari u feydnen maalin qura Hobyo Godan iyo gobolka Mudug kama shaqeyn doono ee Qoorqoor-oow ka qajil, Guddiyow ka gaabso, Farmaajow Faraha kala bax.

Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waxaan kula talinyaa in ay indha kala furan, afka kala qaadaan, adinkana ku daraan, u adeegaan dadkooda oo damiir iyo dadnimo yeeshaan, heeryada dullinimada ka gilgishaan, doowlad ku sheegana ay dadkooda iyo deegaankooda ka dhacsadaan.

Beel-weynta HG, waxaan ugu baaqayaa in ay indhaha ku hayaan waxa socda oo qabqable uusan Gol-qaniin ku maalin Maandeeqdooda, Dhalinyarada, Haweenka, Culumada, Siyaasiyiinta. Cuqaasha iyo dhamaan Ururada Bulshada HG waa in ay arkaan in aan cidna u maqneyn ceelna u qodneyn, waa in ay kacaan oo codkooda iyo cududdooda mideeyan, cadkooduna uusan meel cidlo ah kaka ciidoobin.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.