In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Haddii uu dhacay kala wareeg, dadka intiisa badanse ku tilmaameen ISBADAL, aniguse aan ku gaabsanayo kala wareeg, maadaama aan la garanayn meeshuu ka yimid, waxa sababay, cidda horseedday ama maalgalisay, maxaa yeelay beeso ayaa lagu kala baxay, cidda uu ka goys haysto ee uu ku daaban yahay, ayaan qoray qormadii ahayd: “Maxaa dhacay?!”.
Hadda waxaa loo madlan yahay dhismaha Golaha Wasiirrada, oo laga sugayo inuu soo Magacaabo Mudane Shirdoon, oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u xushay inuu xilkaa qabto, marka laga soo tago soo dhawaynta dhiirran iyo midda dhabbacanba, waxaa mudane Shirdoon hortaal hawl aan yarayn, oo ay ugu horreyso Dhismaha Golihiisa Wasiirrada, waana mid aan wax uga dhihi doono qormada dhexdeeda.
Bartamihii bishii afraad ee Sannadkan ayaan qoray qorma cinwaankeedu ahaa: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana!” oo aan ku qoray dhawr qodob oo muhim u ah maamul walba oo ka dhismaya Soomaaliya, Gobol, Degmo iyo Tuulaba. Qormadaa waxaa wehlisay heesta: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaanerayadii Bashir M. Hersi.
Maanta oo wajigii hore ee qodabbadii qormadaa iyo heestuba hirgaleen, ayaan doonayaa in aan mar kale ku soo laabto isla mawduucii, si aan u sii xoojiyo qodobbadaas, loona dhammaystiro hannaanka geeddi socodka billowday, ilaa laga guranayo mirihii oo dhan, maadaama aan is leeyahay in maanta ay tahay maalintii la hirgalin lahaaqodob iyo qoraal, hawraar iyo hadal midkood ku jira, ee aan hoosaasin iyo haasawe midna loo hamuun qabin.
Haddii Madaxda dawladda u sarraysaa aysan ku sheegganayn:
Aqriste, xasuuso qodobbadan horaan u qoraye, waxaanna ku sii dari lahaa qodobbadan:
Qodobkan bal aan daliil u doonee, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa shirkii Addis Ababa ka dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:
Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!
Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiskii soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib iyo ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo meel wacan
Halkaaseey maraysaa.
Haddii aan mushaar la’aan la joogi karin waa in la cayimaa mushaarka qofkii xil sare qabanaya, maxaa yeelay xaddidka lacagaha soo gala madaxdan waxay xakamayn kartaa isdaba marin iyo musuqmaaq inuu dhaco, kaba si muhimsane, waxaa lagula xisaabtami karaa dakhliga soo gala, oo laguna qaadi karaa xisaabi xil ma leh.
Ugu dambayn, isu gaynta qodobbadab yaa isugu soo aruuraya cinwaanka qormada, ee ah: “Haraadigu yuusan kala harin” maadaama ay sii xaqiijinayso in aan la kala reebin kuwii musuqa iyo murrugmaarugta ku mashaqeeyey dalkan iyo dadkan.
Halka “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” furfurkeedu yahay sidan: foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayeen kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayey, faro caddiduna, waxay meesha ka bixiyeen dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha!
Qormada waxaan ku soo afmeerayaa heestii: “Waa inaan dib loo arag” ee ay ku xareediyaan Kooxda Qaylodhaan, erayadii Bashir M. Hersi, iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah, si aad u daawto heesta oo muuqaal ah liilkan hoose sii raac: http://www.youtube.com/watch?v=oIsBl3FcgXI
Heesta oo qoraal ahna waa tan:
“Waa inaan dib loo arag”
Qabqablihii dagaalkiyo
Dirirtiyo shaqaaqada
Shacabkeena dilayee
Darxumada na haysiyo
Dulligana nasoo baday
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Dadka kuwii qalaayee
Ka been sheegay diintee
Damiir laawayaashiyo
Dadqalkiyo Dhurwaagii
Ina dagay markii hore
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Xaaraan mid daaqoo
Dan yarta iyo Agoonta
Ku dibbiray xaqoodii
Deeqdooda leexsada
Ganacsiga danleeyda
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Doorkii horreetiyo
Kuwa Dowladihii hore
Dalka maamulkiisa
Darajiyo xil soo maray
Ee dumiyey daaraha
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Xil ninkii u duubane
Dibitaatinimo raba
Iyo duqa magaalada
Doonayaa jagadoow
Duunyo kuuma haynee
Deeq inuusan naga rabin
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.
Dhammaad.
Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com
Add comment
Comments