Hawiye & Ethiopia Ma kala Badbaadayaan?

Dr. Ali. A. Hirabe — Waxaan aad ugu xumahay in amnigii Xamar uu noqday mid aanan weli leeysku haleeyn karin marba haddii Vila-Somali loogu tagay Madaxweeynahii dalka, balse waxaan Aniga iyo Rag faro badan u arkaan xalka sida Somaliland kaga guuleeysatay Al-shabab sida Puntland kaga guuleeysatay Al-shabab oo ah qaab qabiilku uu yahay kan badbaadinkara gobolwalba iyo degmo walbaa.
Faallo Keydmedia Online
Hawiye & Ethiopia Ma kala Badbaadayaan?

Waxaan dhihi lahaa Hawiye waa in uu u istaagaa sidii uu ugu badbaadi lahaa Al-Shabab sabbabta oo ah dowlada xal weli uma helin qaabka looga badbaadi lahaa Al-shabab degaanada dhibka ka taagan yahay,waxa dhimanayo waa Hawiye waxa la duleeynayo waa Hawiye marka maxaa  xal ah.

Ma dowlada oo aan ognahay in wasiirada qaar la shaqeeyaa Al-shabab aan wax ka sugno,Madaxweeyne Xassan waxaa quman in uu garab istaago Hawiye si dalka xal looga helo.

Hawiye waxaan dhahayaa haddii aadan Al-shabab ka xoreeyn weeydaan gobolada aad u dhalateen in Ethiopia aay imaandoonto gobolada iyo degmooyinka aad u dhalteen ilaa iyo Muqdisho sow foolxuma maaha in xiligaan Ethiopia Xamar timaad iyada oo la leeyahay Ethiopia ayaa ka adag Al-shabab sidaa darteen.

Xamar Ethiopia ha ka howlgasho, Hawiye Shalay Ethiopia asagaa ka saaray Muqdisho maantana xalka waxaa uu ku jiraa in jufa walbaa oo Hawiye ah u istaagto in aay Shabab ka saaraan dhulkooda tusaana caalamka in Hawiye awood u leeyahay in uu badbaadiyo dowlada curdunka ah si Ethiopia ayan Muqdisho marmarsiyo ugu noqon Shabab ayaan Muqdisho kula dagaalameeynaa.

Geedi waa Hashii la helay !

Faruurow maxaa  berbera ku geeyey? Saa waxaa uu dhahay  Faduul! Cali Geedi maxaa Xamar  geeyay xiligaan? Waxaan soo xusuustay xiligii 1978 markii SSDF u carareen Ethiopia kuna soo duuleen dalka, dadka iyo diinta Somali ayaa rag ka mid ahaa SSDF duulaanka ku aheeyd Somalia taliye looga dhigay degmada Balanbale ka dib markii Siyaad Bare lagu qasbay in uu SSDF la heshiiyo.

Waxaa la qaatay halkudhig cajiib ahaa oo la magacbaxay “  Doqon ila dhashaa baa iiga roon diracyo Amxaar ah “ Majeerteen dalka,dadka iyo diinta Somali ayuu wax ku leeyahay Ehhiopia dadkeeda dalkeeda iyo diinteeda Somali waxba kuma laha,xiligaa ninkii talyaha looga soo dhigay ciidamada ee SSDF ahaa waxaa ka horyimid nin wadani ahaa oo la dhihi jiray Xussen  Jimcaale oo diiday in ninkaa SSDF ahaa uusan marna ka amar qaadan maadaama uu yahay nin cadow ku ahaa calanka iyo ciida Somali balse aay mudan tahay in uu xilka iska wareejiyo.

Waxaa arinkii maqalay Siyaad Bare waxuuna ugu yeeray Muqdisho,markii uu Xussen la kulamay Siyaad Bare ayaa waxaa Xussen la weeydiiyay su aal runtii ku adkaatay Xussen oo aheeyd : Haddii hali kaa lunto oo aad aragto maalin danbe hashii oo la daaqeeysa halahii kale ma qali laheeyd hashaa? Xussen waxaa uu ugu jawabay maya oo waan sii deysan lahaa,Siyaad Bare ayaa dhahay hadaba ninkaasi waa hashii lubtay oo kale,Xussen waxaa uu xilo iyo dhaar ku maray in uu Ethiopia aadaayo marba haddii  Siyaad  Bare kala garan waayay cadowga dalka,dadka iyo diinta.

Xussen ahaa ragii ugu horeeyay ee abaabula ururkii USC waxuuna Xamar yimid 1991 horaanteedii waana ragii  Siyaad Bare ku qasbay in uu dalka ka baxo, waxaa reer Muqdisho dhaheen markii Cali Geedi Xamar lagu arkayin aay dhaheen  waa hashii luntay ee la helay,Alo Sahal Umuuraha waxaase weli aanan leeysweeydiin Hashaani sow lagama baqdin qabo in aay cudur wadato ama shilin?

Hawiye waa in uu ogolaadaa nabada wadanoolaanshaha dhexdooda iyo kuwa darsika la ah,Isaaq waa diiday Al-shabab sida oo kale Majeerteen waa diideen Al-shabab  maxaa diiday in Hawiye dhaho ma ogolin Al-shabab,shalay Ethiopia ragii umada ku soo hogaamiyay weli waa nool yihiin manta waxaan aragnaa in weji cusub loo soo sameeyay Ethiopia waa haddii uu gartaa Hawiye sabbabta oo ah manta haddii aay Xamar yimaadaan Ethiopia ayaga oo marmarsiyo ugu dhiganaayo waxaan tageereeynaa Dowlada waxaana la dagaaleeynaa Al-shabab sow burbur iyo barakac maaha,sow ma dhumeeyso nabada Xamar ka soo bidhaantay iyo horumarka nabada shacabka degan Xamar,sow lama dhihi karo siyaasad gumaad dadban ayaa Muqdisho ka soo carfeeysa.

Tarzan waxauu ka shaqeeyay jaanibka qashin ka qaasidta iyo waddo baneeynta iyo burburinta dhisamah sida qaladka loo dhistay balse jaanibka siyaasada iyo xasilinta Muqdisho uma howlgelin welina waa Gudoomiye iyo Duqa Muqdisho oo ku meel gaar ah asaga oo awooday in umada Muqdihso uu ka saaro kumeelgaar awoodna u yeeshaan in aay soo doortaan cidi xukumeeysa iyo siyaasada lagu dhaqayo Muqdisho Alo sahal umuuraha.  

Waa Aragtida: Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.