HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN - Qeybta 2aad | HAYBTA HAWIYE WAA FURAN TAHAY!

Ibraahim Sh. Cabdiweli (KON) - Qoraalkaan waa 3 Qeybood waxaana lagu soo daabacay bogga hore ee KON 2013dii | | Halkaan Guji: Qeybtii Koowaad | Caado hoosaadka beelaha, meelaha qaar farqi baa u dhexeeya, meselan beelaha ku hadla lahjada Maay qabiilkoodu waa dhaqan iyo deegaan...

Faallo Keydmedia Online
HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN - Qeybta 2aad | HAYBTA HAWIYE WAA FURAN TAHAY!

Caado hoosaadka beelaha, meelaha qaar farqi baa u dhexeeya, meselan beelaha ku hadla lahjada Maay qabiilkoodu waa dhaqan iyo deegaan, laakiin beelaha ku hadla lahjada Maxaatiri sida ay rumeysan yihiin qabiilkoodu waa dhalasho la dhoodhoobay oo haddii qof ama qolo kusoo biirto tolweynaha waxaa lagu sidkaa jufo, tolweynahana waa loogu abtiriyaa, haybtiisii hore waa la tirtiraa.

Maxaatiri haddii la kala saaro Isaaq caado hoosaad ayuu leeyahay oo lama sheegto waxna ma sheegto, albaabka Isaaq waa xiran yahay oo waa 8dii oday ee reer Sheekh Isxaaq kumana jiraan tartanka dad badsiga iyo xulufeysiga, xataa ma sheegtaan beelaha (Ligse iyo Macallin Weyn) oo sida la sheego dhalasho ahaan Isaaq kasoo jeeda maantana ka tirsan tolweyanaha Raxanweyn.

Caado hoosaadka Isaaq mid liddi ku ah waxaa aaminsan kuna andacooda Hawiye oo abtirsiga haybta Hawiye waa mid furan oo qolo kasta ku biiri karto, meselan oday miyiga Ceeldheer jooga haddaad ku tiraah, meesha qorraxdu kasoo baxdo ‘Australia’ waxaa ku nool dad madow oo lagu magacaabo ‘Aborigine’  odaygu wuxuu ku jawaabaa waa lagu yaqaan ‘beeshaas waxaa la yiraah Xaskul Hawiye oo qaaradaas bey waa hore u guureen. Markale haddii loo sheego meesha qorraxdu u dhacdo ‘America’ waxaa ku nool dad cascas oo lagu magacaabo ‘Red Indians’ odaygu wuxuu ku jawaaba waa lagu yaqaan ‘beeshaas waxaa la yiraah Karanle Hawiye’ oo waa hore ayey halkaas u guureen.

Markale haddii la weydiiyo xaafadda Daami ee Hargeysa Muuse-dheriyaha ku nool cidda ay yihiin, odaygu wuxuu ku jawaaba waa lagu yaqaan ‘beeshaasi waa dhalad iyo dhuuxa Hawiye oo waxaa lagu magacaabaa Maxamed Gorgaarte Daame Hawiye, magaca xaafadda ee Daami waa Daame oo hikaadda ayaa la khalday isla markaana Midgaan oo dhan dhalasho ahaan waa Hawiye’.

Sida Hawiyaha khiyaali dhalaanteedkaas waxaa aaminsan Ciise Madoobe oo ku maahmaaha Gaalkaba camalkiisaa caddeeyee dadku waa wada Ciise.

Soo Seexis Suntiis la Eed

Haybta Hawiye sida tan Isaaq ma xirna oo qolo kasta wey u furan tahay, fekradaasi waxay keentay Xertii Sheekh Loobege oo dhan in Hawiye u aqoonsado inay yihiin Hawiye dhalad ah oo aan dhaqan ahayn waase eedeen oo waa ka shallaayeen. Maamulkii Siyaad Barre, Mareexaanka dhaladka ah ee abtirkoodu ku arooro “afarta Amaanreer iyo adeerkood Xasan” eedihii ay ummadda ka galeen boqol jibaar waxaa ka badnaa eedihii ay galeen Mareexaankii sheegatada ahaa ee loo yiqiin Mareexaan Oktobar ee abtirkoodu ahaa ‘afarta urur bulsho iyo adeerkood XHKS’.

Nin meel fadhiya haddii lagu yiraah waa kuma? Hadduu magac leeyahay wuxuu yiraah waa hebel, hadduu oday magac leh dhalay wuxuu yiraah waa ina-hebel, hadduu beel magac leh ka dhashay wuxuu yiraah waa nin reer hebel ah. Haddii uu seddaxdaas midna ahayn, sidii guumeys geyaan seegtay ayuu u gunuunucaa, waana laangaab aan laga sugeyn wax liibaan ah. Laangaab “minority” noloshiisa oo dhan waa qowsaar u adeeg maamulka maalintaas talada dalka haya, weligina kama fogaado eedaha loo dakaneyn doono tolkiis, maxaa yeelay tolba maleh.

1988-90kii sannadihii la xasuuqayey gobollada Woqooyi-Galbeed beelihii sida firfircoon uga qeyb qaatay waxay ahaayeen laangaab “minority” aan ka fekerin eeddihii iyo godobtii ay galeen. Nin Isaaq ah ayaa ku gabyey:

Toban Araba Ogaadeen lixdana odayo Sheekhaala
Eyle janan ah Eelay Kabtana Allifle Weyteena
Intaas alhuumaa Isaaq eegga loogu dowgalaye….


Xertii Sheekh Loobege eeddaha iyo godobta ay haybta Hawiye u soo jiideen ka sokow, jagooyinkii iyo xilalkii Hawiye qaranka ku lahaa waxaa qaatay oo boosaskii buuxiyey Xertii Sheekh Loobege, tusaale 1990kii odayaal Hawiye ayaa Siyaad Barre xusuusiyey afarta taliye ciidan inaan Hawiye wax ku lahayn, wuxuu yiri cabashadaasi waa xaq waana garwaaqsaday, sarkaal Hawiye ayaan dhowaan taliyaha ciidanka Boliiska u magacaabi doonaa, dhowr ayaamood kadib Cabdiraxmaan Guulwade ayuu u magacaabay Taliyaha Boliiska, xilkaasna waxaa loo qoondeeyey Hawiye.

Magacaabista Cabdiraxmaan Guulwade Hawiye kuma qancin waana ka carooday, ha-yeeshee Jeneraal Liiqliiqato (AUN) oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Hawiye si  niyadsami ah ayey ugu faraxsanayeen, maxaa yeelay Liiqliiqato wuxuu ahaa Hawiye dhalad ah oo aan dhaqan ahayn. Sidoo kale Jeneraal Daahir Indhaqarsho oo maanta ah taliyaha XDS wuxuu la mid yahay Cabdiraxmaan Guulwade, inuu jagada ku hanto magac Hawiye waa gefkii shalay guuldarada keenay.

Waxaa lays weydiin karaa Jeneraal Daahir Indhaqarsho waa Maxamed Caagane Loobege ee maxay sababtu tahay? Daahir Indhaqarsho iyo walaalki Saciid Aadan Cilmi waxay ahaayeen saraakiil XDS, fageere kasta waxay kaga sheekeyn jireen Sheekhaal Hawiye maaha oo waa Quraysh Abubakar Sadiiq “RC” ku abtirsata, weliba Saciid oo hadda hoteel ku leh Garoowe waa qareen ku xiiqay faafinta Sheekhaal Hawiye maaha.

Saciid waxaa u dhaxday haweeney reer Muuse Mataan ah, malaha oorida ayaa sariirta ugu sheegtay in Hawiye yahay wax liita oo laga fogaado sheegashadiisa. Maadaama jufada reer Agoonn ee Saciid iyo Daahir ka dhasheen ay degto Nugaal-Bari, wey dhici kartaa inay tixgeliyeen murtida leh oodi ab ka dhow iyo intii isku deegaan ah ayaa isku dan ah taas ka sokow wey dhici kartaa inay ku shaqeeyaan wanka doosha weyn iyo dardaaran dumarka reer Garoowe ee u dhaxay.

Guud ahaan Caaganaha deegaankoodu yahay Woqooyi-Bari Gaalkacyo ma sheegtaan haybta Hawiye. Shirkii Carta ka dhacay 2000, reer Aw Xasan ayaa si rasmi ah uga rugdoorsaday haybta Hawiye. Markale Qudub Nairobi ku shiray ayaa si cad u qeexay in aaney sawrac iyo suulb la wadaagin haybta Hawiye. Sidoo kale nin sheegtay suldaanka Gendershe oo shirkii lagu heshiisiinaayey beelihii ku diriray Sh/hoose ka hadlay wuxuu yiri “Habargidir waxay ka timid 800km ee dib ha ugu noqoto gobollada dhexe, haba yaraatee maamulka Marka shaqo kuma lahan”

Xerta Sheekh Loobege xilalka iyo jagooyinka ay ku heleen magac Hawiye, waxaa ka xanuun badan xaalufinta dhaqaalaha ay deegaanka Hawiye ka hirgeliyeen. Kooxda Damjadiid ee maanta talada dalka haysa, Faarax Topaz ayaa ah jookarka kooxda iyo madaxweynaha dahsoon ‘backseat driver’ ee hawlaha dalka kala haga. Sida uu qoray wargeyska  'AL RAYA'  ee kasoo baxa Qatar isla markaana aan kasoo xigtay Cabdiraxmaan Cismaan oo ah arday wax ka barta Jaamacadda 'Qatar University'  kuna xeeldheer xarakooyinka Islaamka, wuxuu qeexay kaalmadii dhaqaale ee caalamka laga helay qeybtii ugu badneyd waxa qaatay, Faarax Topaz wuxuuna u dhiibtay ina-adeerki Axmed Galool, dabadeedna waxay ku iibsadeen shirkadda isgaarsiinta Telcom/Olympic ($40 afartan malyan US dollar) oo farta laga saaray milkileyaashii hore. Guuxa dadweynuhu magacii ‘Telcom Somalia’  wuxuu u beddelay ‘Topaz Aw Xasan’.

Dagaalladii Hawiye & Daarood Koofur ku dhexmarey 1991-92 intii ay socdeen Xerta Sheekh Loobege waxay si rasmi ah ula wareegeen: ilaha dhaqaalaha, hay’adaha samafalka, hay’adaha waxbarashad. 1991 ilaa maanta hay’adaha sare ku qoran waxay ku jiraan gacanta Xerta Sheekh Loobege.

NGO-ga Al-Islaax, si gaar ah ‘monopoly’ waxaa ugu xiran deeqaha waxbarasho ee laga helo waddamada Muslimka, ardayda la siiyo deeqahaas 95% waa Qudub iyo Aw Xasan soocan, Soomaalida kale iska-dhaafe xataa dhowr arday lagama siin faraca Sheekh Loobege oo markii hore laga soo aflaxay dugsiyadiisa. Kaligood cuneyaasha la wareegay barwaaqadii dalka, naf iyo maalba waxaa ilaaliye oo ‘staff’ u ah dabley Hawiye oo mushahaar ahaan bishii loo siiyo $100. Soddon sano ayaa dib loogu noqday Gabaygii Cabdulle Raage ee ahaa:

Qumbaan ilaaliyaa nin kale qaadadiis sida’e,
Qasnadaha muftaaxooda waa layga qariyaaye,
Qowsaar nimuu raranayoo loo qasdaan ahaye.

Wiilka reer Dayniile ah oo ka mid ah dableyda ilaalisa Xerta liibaantay ayaa 2000 igu yiri, waxaan nahay ilaaliyaal aan gudaha geli karin, wiilashii Xerta ee nala midka ahaa waxaa la siiyey deeq waxbarasho, wuxuu intaas raaciyey sida muuqata 15 sano kadib waxaa iska hor-imaanaya anigoo weli dableydii ah oo albaabka taagan iyo wiilkii Xerta oo ah maalqabeen jaamaci ah ee maxaa dhici doona? Isaga ayaa jawaabtii bixiyey oo wuxuu yiri sansaanka muuqda waa dagaal sokeeye dhexmari doona nin shahaado iyo dollar haysta iyo nin tiro iyo qori haysta ee Allow dagaalka sokeeye soo dedeji, si washamsi loogu qaado kaligood cuneyaasha kibray.

Dagaal baa ka dhex dillaaci doona dhowaan dibjir gaajeysan iyo dibir daaco-qurmay. Deeqdarrada ka sokow, caado hoosaad Xerta waxaa ka mid ah inay jufo-jufo u dagaallamaan, tusaale dirir laba jufo ku dhexmartay 2011 deegaanka Raso, hal maalin 150 gaashaanqaad ayaa ku hoobatay. Nin Xerta ah oo magaciise lagu sheegay Aadan Guudcad ayaa caado hoosaadka Xerta ka gabyey, wuxuuna yiri:

Allowyaa gabalkiin guryahaa Xamar-weyne guf ka beecso yiraah,
Allowyaa gabalkiin duraamooyin gangiiman ku garbootan yiraah,
Allowyaa gabalkiin gole aan cadow joogin isku geyrta yiraah,
Maalintii gallad Ebbe gargaarsiinyo jiraan malyan waad gudubtaane,
Maalintey gurmad joogto soo galay la yiraah xagee baad galgashaan?

Aniga ayaa ku metela oo mansabka dowlada wakiil kaga ah isla markaana magacaaga sheegan-mayo oo isku hayb kuma abtirsano isma qabanayso. Maalinta barwaaqada iyo nabadda muuqaal sare ayaan leeyahay oo meel walba aniga ayaa taagan, maalinta shidada iyo sharta, waan iska meereystaa, maal iyo muruq midna layga sugimaayo isma qabanayso.

Waranka waxaan u sitaa walaalkey ee cadow kuma warjeefo, hadafkeygu waa inaan boqonta hero xigtadeyda. Dheeftada aniga ayaa iska leh, dhibtana adigaa iska leh, fekradaas gurracan mushkilad ka weyn weligaa ma kusoo martay, maxaase lagu xallin karaa? Akhristeyaasha waa qof iyo garashadi, balse aan teyda soo bandhigo.

Sheeko kutiri-kuteen ah waxaa lagu sheegay, seben hore waxaa dalka ku noolaa nin la oran jirey Wiliwili Wadalaan, wuxuu lahaa lo’ tiro badan. Habeen buu golihii lo’da fariistay oo gees walba eegay, Shaydaan baa u waxyooday eray laqwi ah, wuxuuna yiri lo’daani siin Eebbe ka badane ma siin Wiliwili baa, dabadeed lo’dii ayaa dardartay oo gees iyo qoob ku dishay. Maqayaad Xamar ku taal waxaa dhacday sheeko taas la mid ah.

Telsom Somaliland waxaa leh Barakaat, Golis Puntland waxaa leh Barakaat, Hormood waxaa leh Barakaat iyo mashaariic kaloo badan. Nin Duduble ah ayaa sidii Wiliwili oo kale laqwiyey, ayna la badatay hantida xad-dhaafka ah ee Barakaat, garashadii habboonayd oo ka luntay darteed wuxuu inkiray haybtiisa qabiil, wuxuuna ku tookhay Duduble Habargidir maaha oo meelna kama soo galo. Goobtii wiil Duduble ka sheekeeyey, nin Murusade ah ayaa caro karaar-dhaaftay la qarxay, wuxuuna yiri 1991 dagaalkii Ceelbuur wareegii hore waa laydinka gacansareeyey, markaad qaxdeenna guryihiina waxaa lagu qoray Car-bal soo noqo adoon Cayr wadan.

Muddo kadib waxaa soo rogaal celiyey Dubduble Habargidir wata oo Murusade waa laga barakaciyey Ceelbuur, Duduble ku daaban Habargidir markey Murusade laynayeen, maalintaas Habargidir baad ahaydeen ee maanta ma Ateennooyinka Barakaat ayaad la waalateen oo haybtii Habargidir ku ilowdeen? Sheekhyaal ayaa la mid ah Wiliwil Wadalaan iyo wiil Duduble, shalay wanka doosha weyn iyo dagada ayaa Sheekhaali Hawiye ku ahayd, maantase wey  hodmeen oo NGO Al-Islaax ayaa tol ah, maxaase ka dambeyn doona?

Qarax bulsho iyo kacdoon dadweyne ayaa dhici doonta haddaan kaligood cuneyaashu caqli toosan la imaan. Inta badan tolweynaha Hawiye waxay ol-ole ugu jiraan Loobegaha deggan Xaradheere ilaa Turdho in loo aqoonsado Hawiye dhalad ah hadda kadibna la kala saaro Xerta Sheekhyaal iyo beesha Loobege. Cali Warsame wuxuu maansooday:

Loobege inuu dhalad yahaan cidi ka dhiidheyne,
Ilmihii Hiraab dhalay ayuu dhuuxakood yahaye,
Xertii sheekhu soo dhababiyee diinta lagu dhoobay,
Asaan dhalasho Loobege ahayn yaa dhibkaa wada’e
Dhoobkiinu meeshuu ka yimid aada dhulalkiina…

Lasaco Qeybta Sadexaad ee Qoraalka

Ibraahim Sh. Cabdiweli (Abu Xaniifa) - Xaniifa77@yahoo.com

Keydmedia Online - Editorial Desk - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.