(QISO CAJIIB AH) Haybsoocii Caynaba ceebeeyay!!

Hayabsooca aadanaha sidiisaba waa ficil aad u hooseeya oo ceebeeya bulshada uu ka jiro, waana wax ama ficil sabano soo jiray haba u muuqdo si aad ah waagii dhaqaalaha xooga leh lala galay qaaradda Ameerika ayna la galeen dad reer yurub ah oo doonayay in ay maalkooda gashadaan qaaradaas bikrada aheyd: Waqooyga Ameerika iyo Latin Ameerika.
Faallo Keydmedia Online
(QISO CAJIIB AH) Haybsoocii Caynaba ceebeeyay!!

Soomaalida qofka ay liidayaan ama ay yasayaan waxa ay ku yiraahdaan nasab ma ah, hadaba nasabow maxaad tahay? Nasab waa eray ama kalmad afcarabi ah oo macnaheeda afsoomaaligana uu yahay abtirsiimo  ama isir, qof aadane ah oo aan nasab ama abtirsiiyo laheyn ma jiro.

Waa maxay isir (Ethnic)?

Erayga isir sida uu Shiikh C/raxmaan (Abuu xamsa)  noogu sheegay buugiisii isirka Soomaalida  wuxuu sheegayaa in ereyga isir, ciriqi iyo duriyad ay isku macna yihiin marka la fiiriyo sida Soomaalidu u taqaano ama ugu isticmaasho, fiiris qaamuuska Soomaaliga.

Marka macnaha Isir ayuu leeyahay Dr Sh C/raxmaan Abuu xamsa waa aas-aaska shayga ka soo unkamo, shay kastaa wuxuu leeyay unug uu ka soo abuurmay sida xisaabta 25 isirkeeda waa labadii xisaabood ee la isku dhiftay  oo ah 5, marka isirkeeda ay ka soo unkatay waa 5, sidoo kale biyuhu waxay ka soo unkamaan labada unug eek ala oxygen iyo Hydrogen, sidaa waxaan ku oran karnaa in biyaha isirkoodu yahay labadaa atam, sidoo kale isirka aadamiga waa labada waalid ee ay ka soo unkameen kuna abtirsadaan, marka leys weydiiyo isir ayuu noo sheegayaa Sh. C/raxmaan Abuu xamsa, sidoo kale qabiil, qawmiyad ama dowlad waxaa la rabaa asalkii ay ka soo unkameen ama ay ka soo jeedaan.

Faa’idada isirka  

Waa maxay faa’idada isirku? Mar haddii isirku ka mid yahay waxyaabaha bulshada isku xira ama kala fogeeya waxaa habboon inaan si fiican u fahamno  wuxuu faa’ido u leeyahay bulshada guud ahaan.

Waxaa hubaal ah in isirku ka mid yahay waxyaabaha bulshada isku xira, marka waa hub oo kale oo shar iyo khayrba loo adeegsan karo, marka bal aan aragno hadalka waxaa wata Abuu xamsa ee waxa uu Ibnu khalduun ku yiri kitaabkiisa ku saabsan arimahan .

Faa’idada isirka waa in leysku xiriiriyo si loo ogaado xuquuqda iyo waajibaadka leysku leeyahay ama loo fuliyo xiriirka riximka, wuxuu sheegay xadiis Nabiga NNKH laga wariyay oo ka hadlayay barashada abtirsiimada oo ah si aad isugu caawisaan xuquuqda iyo waajibaadka aad isku leedihiin “ka barta abtirsiimada inta aad ku xiriirineysaan riximka” si aad wax wanaag iyo kheyr ah aad isu tartan, xuquuqda iyo waajibaadka aad isku leedihiin, maxaa yeelay dadka riximku ka dhaxeeyo waa isku hilib, way is xiriiriyaan, dad kale ma oggola in la gardareysto riximna waa wax dhawr oday ah ee ma dhaafsana.

Wixii intaa ka baxsan oo dheeraada  waa murgayaan waxayna noqonayaa ku tiri ku teen, waana laga maarmaa oo wax faa’ida ah ma keeneyso wuxuuna noqonayaa cilmi aan faa’ido laheyn, qofkii ku talax tagaana wuxuu noqonayaa jaahil jaahil ka gudbay, xikmadii looga faa’ideysan lahaa insaaniyadda waxyeeleeyay iyo diinta islaamka oo sheegtay in ilaahey uu Aadanaha ka uumay lab iyo dheddig aanu naga dhigay shucuub iyo qabiilooyin si aan isu baranno, keenna noogu karaamada badan xagga ilaaheyna uu yahay keenna ugu taqwada badan.

Haddaba innagoo Shiikh Abuu Xamsa ka faa’ideysaneyno horeyna diinteena islaamka ay na fartay in aan xuquuqda aadanaha dhawrno muslim ha ahaado ama gaal mar haadanay dhibaato guud jirin, maxaa ku dhacay reer caynaba ?.

Caynaba waa magaalo ku taala gobalka togdheer oo dad hayb ahaan loogu dhibay lana leeyahay nasab ma aha ama isir xun weeye, ma ilaaheybaa abuuristiisa xumeeyay? ACUUDU BILLAAH WAR ISTAAQ FIRULAH in aan wixii sidaa sameeyay ku dayano,  ficiladan hayb sooca Soomaaliyoo  idil ayuu ka jiraa wuxuuse ku fidsanyahay Waqooyi galbeed, Waqooyi bari, shabeelooyinka iyo Bay iyo Bakool.

Waqooyi Galbeed (Somaliland)

Waxa ka jira waqooy Galbeed ama Somaliland bulsho nabad ah, oo tusaale wanaagsan u noqotay Afrika oo idil lama ilaawi karo doorashooyinkii seddexda xisbi ee Udub, Ucid iyo kulmiye, ma jirto doorashooyin la mid ah ee qaaradda afrika iskaba daa Afrikee Yurub ayeey dalalka qaarkood ka hor mareen sida Serbiya oo isir kala soo caadeysatay oo liiday shucuubta asal ahaan islaamka ah isir ahayn oo isir cusmaaniyiin oo turkiga maanta u badan.

Soomaali land isir qura weeye dadka ay isir wacayaan waa dad reer Waqooyi galbeed oo Soomaali ah oon dhulka laga xigin, in ay wasiirada iyo derajooyinka sare ee dowladana ay tahay in ay ka qeyb galaan.

Xukuumadda cusub ee Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo taariikhda waxaa ku wariya Soomaalida waqooyi Galbeed, Somaliland ma saameyn doonaa kani waa tumaal kani waa midgaan IWM  oo ku tiri ku teen ah afbuuxa kuma oran karaa waa wax been ah “Dowladda” Siilaanyo ma ciqaabti doontaa nimankan laandheeraha isku sheegay ee labada gabdhood waa isir liita loo dulmiyay xabsiga kale baxay, boogtaas ayaa ku taala Somaliland!boogtaas ku abuuran in badan dadkeeda ayaa kansar ku ah, kansarkaas ha iska daweyso, Soomaali oo idilna ha iska daweyso cudurkaasi iska daweyntiisa oo uu marxuum Ceydiid waday  muu Soomaaliya ku daweeyo.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.