Heshiiskii Addis Ababa oo Faaiidooyin ugu jira Dowladda Norway // Badda Soomaaliya

Amiin Yuusuf Khasaaro - “Dowladii Hore waxay Bixisey Baddii Dowladaanna waxay isugu Dartay Bad iyo Berri”, - Axmed Cismaan Inji. "Shir Itoobiya lagu qabtey Waligiiba Faaido ma Keenin Kana waxaa uu la mid yahay..", - Maxamed Xasan Xaad.
Faallo Keydmedia Online
Heshiiskii Addis Ababa oo Faaiidooyin ugu jira Dowladda Norway // Badda Soomaaliya

Cidi Daah kama saarna in Dowladda Norway ay Soomaaliya ka leedahay Dano ku Aadan sidii Soomaaliya uga soo saari lahayd Shidaala, waxaana tan iyo markii ay dhalatey Dowladda Xasan Shiikh waxay Galangal ku ahayd Siyaasada Soomaaliya waxaana arrintaan ay sii Xoogeystay markii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu gaarey Wadanka Norway Bishii Abriil , waxaana Xiligaas Dowladda Norway Sheegtey in ay Bixineyso Mushaaraadka Xubnaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Shaqaalaha Rayidka ah iyo Ciidamada qaybahooda kala Duwan.

Maalintii Shaley ahayd ayaa Dowladda Norway Xubno ka socda waxay Kormeerayeen Qaabka loo Bixinayo Mushaaraadka Shaqaalaha Riyidka kuwaa oo uu Bixinayey Banki-ga Dhexe Soomaaliya iyadoo Siyaasiyiin ku Dhow Dhow Dowladda Federaalka ay noo sheegeen in Dowladda Norway ay Soomaaliya ugu Deeqdey Malaayiin Doolar taasoo Ujeedku uu yahay sidii Dowladda Norway u heli lahayd Ogolaansha in Qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya oo Xigta Gobolada Jubbooyinka uga soo saarto Shidaal.

Intii ay jirtey Dowladda Federaalka ee uu Madaxda u yahay MW Xasan Shiikh waxaa dalka Booqasho ku yimid Madax ka tirsan Dowladda Norway, waxaana ku jirey Madaxdaas Shirkado laga leeyahay Wadan Norway dhinaca kale Dowladda Norway waxay aad u daneneysey sidii Xal loogu heli lahaa xaalada Gobolada Jubbooyinka oo ah Goobaha u Calaamadeysan Dowladda Norway marka ay Timaado Dhinaca Shidaalka, waxayna Dowladda Norway soo Dhaweysey Heshiiskii Magaalada Adis-Abab ku yeesheen dowladda Federaalka iyo Maamulka Raas-Kamboon, waxaana Dhaqaalaha ku baxay Shirkaas Bixinayey Dowlada Norway.

Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlayey Shirkii Magaalada Adis-Ababa ayaa yiri “ Awlaba Dowlada Itoobiya kama Sugeyn Xal Soomali hase yeeshee waxaan u sheegaaya Shacabka Soomaaliyeed in ay Tashadaan “waxaa uu sii raaciyey “ Ujeedka Shirkaas waxaa weeye in Khayraadka Badda Soomaaliya loo Xalaaleeyo Dowlada Shisheeye oo weligood Damac ka lahaa Badda Soomaaliya

Axmed Cismaan Inji oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo isna ka hadlayey Shirka Magaalada Adis-Ababa ayaa waxaa uu yiri “Dowladii Hore waxay hore u Bixisey Badda Soomaaliya, kuwaan maanta Dowlada Sheeganaya waxay Baddii ugu dareen Barrigi marka waa Shir aan ku Tilmaami karo mid Faashil ah waayo Hal Qabiil bay Dowlada la heshiisey iyadoo iska Hilmaantey Beelihii kale ee Deegaankaas Degenaa”

Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay si aad ah uga soo horjeesteen Qodobadii ka soo baxay Shirkii Magaalada Adis-Ababa waxayna sheegeen in Shirkaas uu yahay mid ay Dowladda Federaalka ku Dulmisey isla markaana Deegaan ay leeyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle loo saxiixay Beelo kale waxayna Daboolka ka qaadeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqeen Xubnaha Beelaha Digil iyo Mirifle in ay sida ugu Dhaqsiyaha badan u soo gaaraan Magaalada Baydhabo si ay Go’aano adadag uga qaataan Dowlada Federraalka.

“Hal Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho Heshiiska Addis Ababa lagu gaaray wuxuu iila Saan Saan eg yahay kii Soodare Qabqablayaashii Dagaalkii . waxaa mar kale soo baxay in labaatan Sano kadib in aan dib u qaadnay Wadadii Hogaamiye kooxeedka. Maxaa arimaheena Maalin walba aan ugu marti noqonaa shisheeyaha hadana Igaaba sii kale ahee Itoobiyaanka”ayuu yiri Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo si weyn uga Caroodey Heshiiskii ay Adis-Ababa kuwa gaareen Dowladda Federaalka iyo Raaskambooni.

Waxaa Magaalada Adisb –Abab lagu soo gabgabeeyey Taariidu markii ay ahayd 28/8/2013 Heshiis aya wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Gudoomiyaha Ururka Raas-Kambooni Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe waxaana Heshiis la sheegey in uu soo Afjarayo Xaalada Kismaayo oo Cakirneyd tan iyo markii ay soo galeen Ciidamada Kenya waxana Heshiiskaan Qaban qaabiyey Dowladda Itoobiya oo ay gadaal ka taagan yihiin Dowlado Shisheeye oo ay ugu Horeysa Dowladda Norway oo dano dhaqaale ka rabta Gobolada Jubboyinka waxaana Siyiin ka soo jeeda Goboladaas ay sheegeen in Dowladda Norway ay Bixineysey wixii Dhaqaale ah eek u baxay Shirkaas sidoo kale waxay sheegeen in Shirarka soo socda ay Dowladda Norway Balan qaadey in ay Bixineyso wixii Dhaqaale ah.

Hadaba nala eeg Qodobadii ka soo baxay Shirkaas:

  1. In Maamulka Jubbaland Magaciisa laga dhigo Maamulka Ku meel gaarka ah ee Jubba, waxaana Maamulkaasi hoos imaan doona Sadexda Gobal ee Gedo, J/Dhexe iyo J/Hoose
  2. Maamulkan Waqtigiisa uu Noqon doonaa 2 Sano, waxaana marka la Dhameystiro Maamulkada Federaalka sida Dastuurka qabo Maamulkan isu bedali doonaa Maamul Gobaleed Federaal ah
  3. Hogaamiyaha Maamulkan waxaa hoos imaan doona Maamulada Gobalada Gedo, Jubada dhexe iyo Jubada Hoose
  4. Dhamaan Ciidamada Gobaladaasi ku sugan ayaa sidoo kale hoos tagi doona Maamulka Jubba, waxaana la isku dhaafi doonaa Dhamaan Ciidamada Dowlada, Raas-Kambooni iyo Booliiska oo Hoos tagaya Maamulka Jubba
  5. Hogaamiyaha Maamulka Jubba (Axmed Madoobe) ayaa soo magacaabi doona Golaha Wasiirada, iyadoo uu Wadatashi kala sameenayo Dowlada Federaalka.
  6. Dekada Kismaayo iyo Garoonka waxaa lagu wareejin doonaa Dowlada Federaalka lix Bilood Gudahood, Dowlada Federaalka ayaa Guddi u soo Dhisi doonta iyadoo la tashaneysa Maamulka Jubba, balse inta xiligaasi laga gaarayo 6-da Bilood ee soo socda waxaa Dekada iyo Garoonka sii Maamuli doona Maamulka hada Gacanta ku haya. Dowlada Federaalka ayaa soo magacaabi doonta Saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ka hawlgalaya Xarumahaasi.
  7. Dakhliga ka soo baxa Illaha Dhaqaalaha ee Kismaayo waxaa loo qoondeeyey inay lagu Dhiso Maamulka Jubba iyo Hay’adihiisa
  8. Dakhliga ka soo gala illaha Dhaqaalaha Kismaayo ee la siinayo Dowlada Federaalka waxaa la jaan goyn doonaa Xili la Dhameystiro Maamulada kale ee Federaalka Soomaaliya. Iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka.
  9. Waxaa shirar Dib u Heshiisiin lagu qaban doonaa Muddo Labo Todobaad Gudahood ah magaalada Muqdisho, kadibna waxaa shirka labaad lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo.

Gen Jaamac Maxamed Qaalib isagoo ka hadlaya Damaca Norway ee Badda Soomaaliya ayaa yir ”Dowladii Norway waxay Dowladii Maxamed Siyaad u soo martey Safiirka Scandinavian-lka Halgamaa Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo Fadhiisu ahaa Dalka Norway oo Xiliga Dowladaas jirtey uu la socdey Wafdi Norway ah taasoo Akkhirkii keentey in ay Waji Gabax kala Kulmeen Maxamed Siyaad Bare waxaa uu sii raaciyey “Norway markii ay arrintaas ku guuldareysatey kama aysan harin Damaceedii Badda Soomaaliya waxay isku dayeysaa marar badan in Badda Soomaaliya qayb ka mid u gacan gasho Dal Degen oo lala Xaajoon karo sida Dalka Kenya maadaama Soomaaliya aysan ka jirin 22 kii sanno ee la soo dhaafey Dowlad Heshiis lala geli karo sida darteed Dowladda hadda jirta waxaa uu kula taliyey in aysan Gorgortan ka gelin Barnaamijyada ku saabsan Biyaha Soomaaliya.

Markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu tagey Dalka Norway waxaa Safarkaas u jeedkiisa ka Hadley Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxayna daboolka ay ka qaadeen in Dowladdda Norway ay Dano weyn ka leedhaya Soomaaliya iyagoo arrintaa ka hadlaya waxay yiraahdeen.

“Dowladda Norway waxay Shirisey Dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo aan is aqoon waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin , Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan “,

Cid Soomaali ah oo Diidan ma jirto in Badda Soomaaliya ay Tahay 200nm, waana mid Sharci ah hase yeeshee waxaan Sanadahaan Dambe marka laga soo bilaabo Sannadkii 2009 waxaa soo baxay dad Soomaali ah oo Dano Shisheeye u adeegaya in Badda Soomaaliya laga dhigo 12nm kuwaas oo qaarkood Madax Sheeganaya iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaana nala soo xiriirey Aqoonyahan Nuur Xasan Ciise oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo si aad ah uga Caroodey in Xiligaan la soo hadal qaado Badda Soomaaliya.

Mudane Nuur Xasan Ciise waxaa u soo jeediyey Baarlamaanka Dowladda Federaalka in ay si Taxadar ama Feejignaan ku jirto u Daafacaan Badda Soomaaliya oo aad raacdaan talaabooyinkii uu qaadey Baarlamaankii hore ee uu ku diidey in Badda Soomaaliya Fergelin lagu sameeyo, Shacabka Soomaaliyeed waxaad u qabtaan waa la arki doonaa sidaa darteed waxaa la idiin kaga fadhiyaa waa sidaa u Difaaci la haydeen Badda Soomaaliya iyo Khayraadka ku jira.

Taariikhdu markey ahayd 27-da Juune 2013 Magaalada Muqdisho Heshiis ku kala Saxiixdey Dowladaha Soomaaliya iyo Norway kaasoo lagu Tilmaamey Heshiis Dhinacayo Badan taabanaya , waxaana Heshiiskaas Dowladaha Soomaaliya iyo u kala Saxiixey Wasiirada Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlada Norway Mr. Heikki Holmes.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la Hadashey Saxaafada ayaa waxaa wax laga Weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay Heshiiskaas waxayna sheegtay in Heshiiskaas uu yahay mid Dowlada Norway ay ka qayb qaadaneyso arrimaha Dib u Dhiska , Horumarinta Haweenka iyo soo Celinta Kaabayaashii Dhaqaalaha ee ay Dowlada ka heli jirtey Dhaqaalaha iyo Dib u soo Celinta Xiriirkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Norway .

Idaacada BBC-da ayaa Wasiirada Weydiisey Su’aal ahayd in aaney jirin Cid Dan la’aan wax ku bxineyso maxay tahay Danta Dowlada Norway ee ka leedahay Soomaaliya ? waxayna Fowsiya ku Jawaabtey “ waa jiraan Dowlado Dan ka leh Soomaaliya oo Shirkado Wata, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Dowladda Norway aysan wax dan ah ka lahayn Soomaaliya waxaana Madaxda ugu sarreysa Dowlada haystaan Dhalasho Norwegian ah marka waa Dowlad Dooneysa in ay Caawiso Shacabka Soomaaliyeed waana Dowlada Nalal ku shaqeeya Cadceeda ee la geliyey Magaalada Muqdisho noogu Deeqdey”

Waxaa kale oo la weydiiyey Su’aal ahayd waxa ay kala socoto Shirkadaha fara badan ee Ajnabiga ee ku sugan Soomaaliya waxayna ku jawaabtey “Waa jiraan Shirkado sugan Soomaaliya oo u badan kuwa Aamaanka marka Muhiimadu waxay tahay in Dowlado Tira koobto taasina waa la wadaa Qorshahaas lagu Tira Koobayo Shirkadaaas

Inkastoo aaney Wasiiradu ku Faahfaahin Wareysiga ay siisey BBC-da in Heshiiskani Qayb ka yahay Heshiiska Dhinaca Badda oo Dowlada Norway oo aad u daneyneysey Sannadihii la soo dhaafey ayaa hadana dad badan waxay Rumeysan yihiin in Heshiiskan lagu saxiixey Garoonka Diyaaradaha oo Goob Joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh aanu ka marneyn Damaca Norway ay Muddo Dheer ku dooneysey in ay mar uun Shidaal uga soo saarto Biyaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya Michelle Cervone Waxaana kulnkaas la iskula soo qaadey Sidii Dowladda Norway ay Galaangal ugu yeelan lahayd Arimaha Soomaaliya isku soo Duuboo halkee buu ku dambeyn Doonaa damaca Norway ee Soomaaliya .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro [ amiinkhasaaro@hotmail.co.uk - amiinkhasaaro@yahoo.co.uk ]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.