“Heshiiskii” Kismaayo oo la Aasay!

Keydmedia Online - Dowladda Xasan Sheikh Maxamuud, Saacid iyo Prof. Jawaari ayaa waxey ku guuldareysteen Rajadi iyo Kalgaceylkii ay Soomaali u muujisay in ay ka Turjumaan.
Faallo Keydmedia Online
“Heshiiskii” Kismaayo oo la Aasay!

Sanad baa u buuxsamay inta ay Magaca Dowladda Soomaaliyeed huwanyihiin, durbadiina waxaa soo baxday in ay Jariimo ka galeen Qaranka iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo Laamaha Qoyan iyo Caleemaha midabka leh kusoo dhaweeyay Hogaamintooda oo inta badan ay Soomaali raali ka aheyd.

Jariimada Qaran oo ay Soomaali ka galeen waxaa kamid ah: Duulaankii ay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ay Degeenka iyo Dadka Kismaayo kusoo qaadeen, waa tii Deegaanka Dadka laga barakiciyay, waa tii Qaybo Magaalada Kismaayo kamid ah la Burburiyay, waa tii uu ka dhacay Kufsigii ugu xumaa, waa tii Cuqaashii dhafoorka laga toogtay, waa tii Baqaaraha la Boobay, waa tii Ciidamada Dowladda Magaalada Banaanka looga saaray, waa tii Xildhibaanada Qaranka iyo Wasiirka Difaaca lasoo ceyrshay, Aaqirkanah waa tii Dadka Deegaanka 70% laga Barakiciyay. Arimahaas oo dhan intee dhacahayeen waxba kama aysan Qaban! Kaliyah ma ahan in aysan wax ka qabanee, Hoosaasin iyo Garbaduub bay waxey ku sameeyeen Dadkii Deegaanka oo Run moodayay Hadalada ay ka sheegayaan Radiomuqdisho.

Xasan Sheikh, Shirdoon iyo Jawaari Jariimada Qaran oo ay Soomaali ka galeen waxaa kaloo kamid ah markii ay Kooxda S-A-H-A-L oo ay Horkacayaan Madoobe, Ina Cabdirashiid, Gaandi, Cali Khaliif, Cabdiweli, Morgan, Darwiish iyo iyo iyo ee iskaga soo habar-wacday Jigjiga, Bari iyo Gaarissa ay Shir ku qabsadeen Magaalada Kismaayo, ayagoo Diyaaraddaha sita Calaamada Kenya ay Magaalada Kismaayo Kor-heehaabayaan.

Markii ay Arintaas dhacday ayaa Bulshadii Banaadir waxey damacday in ay Fikrigooda ay ku diidanyihiin Shirqoolada ay maleegayaan Kooxda S-A-H-A-L ay Mudaharaad ku muujiyaan Maalin Jimca ah, waana tii la caburiyay lana handaday Cuqaashii iyo Waxgaradkii isku dayeysay in ay Abaabusho Mudaharaadkaas. Wuxuuna Amarkaas kasoo fulay Wasiirka Madaxtooyadda Faarax C/qaadir.

Markii Waxgaradkii, Cuqaashii iyo Xildhibaanadii kasoo jeeday Gobollada Jubbooyinka ay Afka furteen, waa tii Xassan Sh. Maxamuud uu Raadiyaha ka sheegay in Shir looga hadlayo Arimaha Kismaayo uu ka dhici doono Addis Ababa, Shirkaas waxaa iskugu tagay Labo kasoo jeeda Kililka Shanaad, waa Madoobe iyo Faarax Cabdulqaadir waxaana lagu qabtay Addis Ababa, waxaana "dhexdhexaadin" u ahaa Dowladda Itoobiya, waxaana lasoo maleegay Heshiiskaan Shirqoolka ah oo Maanta dhameystirkiisi la yiri Muqdisho uu ka furmay.

Nabadoon Buraale, Xaad, Iftin Baasto iyo Xildhibaan Sandheere intuba waxey cadeeyeen in ay la yaabanyihiin waxaan lagu sheegayo Heshiiska Addis Ababa: Waxaa Madasha Shirka timid 270 reer Raaskambooni ah, iyo 80 laga soo xulay Ururka S-A-H-A-L, waxaana la yiri Soomaali waa u dhantahay Shirka Kismaayo, taasnah waxaan u fasiranay "Kismaayo Qoyskii kusoo duuulay ayaa iska leh loona Sharciyeeyay ee u Hogaansama" - Taasnah waa mid aan la qaadan karin, sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxamed Xassan Xaad.

Xildhibaan kasoo jeeda Jubbooyinka oo aan Shirka Maanta furmaya kala hadalnay ayaa eedeeyay Madaxweynaha wuxuuna yiri "Xasan Sheikh wuxuu noola muuqdaa Nin Qalqalay oo Cadaaladdii Garabmaray, amarkanah meel kale kasoo qaata, waxaana laga dhaadhiciyay - Kismaayo Faraha ka qaad, Adiganah Afartaada Sano si Walwal la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.