W.A.D Fawsiya Y. oo Saxiixday in ay Kenya kula Qorgortanto Dhul-Badeedka Soomaaliya!

Keydmedia Online - Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf X. Aadam, ayaa heshiiskii Is-fahamka ee Baarlamaankii hore ee Soomaaliya waxba kama jiraan ka dhigeen waxay markale la saxiixatay Dawladda Kenya.
Faallo Keydmedia Online
W.A.D Fawsiya Y. oo Saxiixday in ay Kenya kula Qorgortanto Dhul-Badeedka Soomaaliya!

Warqadda ay May 31, 2013 Nairobi ku kala saxiixdeen wasiiradaha Arrimaha dibadda ee Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, oo nuqul ka mid ah ay SomaliTalk heshay (hoos ka eeg), waxaa ku cad "Labada Wasiir waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda", ayadoo arrintaas asaas looga dhigayo heshiiskii MoU.

"Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa."

Waxaa isla markaas durbadiiba Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay aqbashay in Kenya iyo Soomaaliya wada samaystaan guddi farsamo oo arrintaas kawada shaqaynaya oo loo bixiyey JCC (Joint Commission for Cooperation).

Waxaana ku cad qoraalkaas in guddigaas markiiba la dhaqan geliyey oo "Labada Wasiir ay si rasmi ah u sheegeen in JCC uu dhaqan galay (Axad) 2-da June 2013, saacada 4:00 galabnimo".

Sida ku cad qoraalka cusub ee la kala saxiixday, waxaa kulanka labada wasiir ee arrimaha dibadda in uu Nairobi ku qabsoomo amar ku bixiyey Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyada iyo Shiikh Xasan, amarkaas oo ahaa in ay sid degdeg ah ku kulmaan labada wasiir, isla markaasna la diyaariyo sidii Nairobi uu "kulan shaqo" ugu iman lahaa madaxweynaha Soomaaliya, uuna marti gelin doono madaxweynaha Kenya.

Qadiyadan heshiiska MoU waa mid la xiriirta xornimada dhul ee Qaranka Soomaaliya, maadaama xukuumaddu saxiixday in gorgortan laga geli karo dhul-badeedka Soomaaliya (xusuuso MoU-ga boorka laga jaafayo) iyo ayadoo ay Kenya hore u cadaysatay xad gudubka ay ku soo samaysay dhul-badeedka Soomaaliya o ay qayb cabiratay.




Warar ka qaar ayaa tibaaxay in Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf,  ay keli ku ahayd goobta ay heshiiskan kula saxiixanaysay wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed oo ay weheliyeen khubaro Keenyaati ah.

Heshiiskan is-fahamka ee boodhka laga jafay waxaa uu ahaa Heshiiskii MoU-ga ee muranka lagu gelinayey badda Soomaaliya, islamarkaasna ay Kenya cabiratay dhul-badeed baaxad-weyn oo ah saddex-xagal (sida ku cad kharidahaay Keny au gudbisay UN-ka 6dii May 2009).

Heshiiskii loogu magac daray is-fahamka (memorandum of understanding ama MOU) waxa uu ahaa kii April 7, 2009 uu magaalada Nairobi ku saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo xilligaas ahaa wasiirkii xiriirka caalamiga ah ee DFKMG.

Laakiin waxaa heshiiskaas ka dhiidhiyey Baarlamaankii Soomaaliyeed oo August 1, 2009 ayaa kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanku ay si aqlabiyad ah ku diideen heshiiskaas is-faham. 334 xildhibaan ayaa cod xoog leh ku sheegay in heshiiskaasi yahay Waxba kama jiraan (NULL & VOID).

Muddo dheer ayey qaadatay in go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.