Iil - Dhigidda Xizbiga, Alalaaska Al-shabaab iyo Awoodda Amisom.

Dr. Bashiir M. Xersi ( Italy) - Horudhac: Markaad milicsato sooyaalka dhaw ee siyaasadda Soomaaliya, waxaa kuu muuqan sawir aad u foolxun, uu ka dhex muuqdo wadaad garwyen, taftu u xaydan tahay, bundukh bogga ugu lammaansan yahay, cimaamad cas iyo qamiis cad xiran, Aayado iyo Axaadiis daliilinaya, ku aroorinaya inuu maato laayo, masaakiin xoolahooda xalaashado, baaqiisu yahay “Akhii”, mawjadduusa tahay “Diin”, halku dhaggiisuna yahay: “Damaanadda Janadu waa dad dilid!”, isu haysta afhayeen Eebe iyo wakiil buuxa, ayaandarro waa Soomaali caadadeedee, caleemo qoyan iyo calamo aya lagu soo dhaweeyey.
Faallo Keydmedia Online
Iil - Dhigidda Xizbiga, Alalaaska Al-shabaab iyo Awoodda Amisom.

Caku laab la kac iyo caadifade!, la isma weydiin: ar kuwani maxay yihiin? Sidaan horayba la isu weydiin kuwo ka horreeyey, aafo iyo araxbeelse reebay, sida dagaaladii Jabhadaha, dirirtii sokeeye ee qabqabluhu horjoogaha ka ahaa IWM, dadka ma Diin jacayl ayey ka ahayd kana tahay? Mise waa garasho la’aan? Jawaab baaritaan u baahan iga dheh, si kastaba nabar xun ayaa na gaaray, waaliada qarniga ayaa nagu qaraxday, waxaa la yiri xilli horaa dhib dhacay, muggaa ayaa nin yiri: war Masjidka xaggiisa halloo cararo, mid kalaa ugu jawaabay: “Isagaaba qayladu ka yeertay!”, maantayse dhab noqotay hadday shalay ahayd cirbixin.

Wadaadadii mudda gaaban ayey gacanta ku dhigeen qaybihii ugu muhimsanaa koofurta Soomaaliya, sidaan marar badan ku tusaaleeyey, ayaan maantana xarriiqi, waa meesha Soomaali ka tiri: “Tuke nasiibuu Caano ku helo wuu leeyahay kasuuse ku cabo ma lahan” oo weelkuu qarka uga istaagaa, Caanihiina dhulka ku qubmaan, la mid wadaadadii ma yeelan kas iyo kasmo maamul, tallaabadii ugu horraysay waxay ka dhigeen xirid ganacsi, mamnuucid goob flim iyo albaabo isugu fasho shaneemo, adaaba ku han weyn qaran iyo dawlad, walina waa wadaan, markaa ayaan qoray qorrmadii aan ugu magac daray: “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?!”.

Yaaba su’aashaa dhag u dhigay, inta badan warbaahintu xilligaa ayaga ayey u sacbinaysey, waxaan taa uga falceliyey qoromo aan ugu magacdaray: “Ma is bedel mise Re-gedayn?”, oon ku tusaaleeyey in namanku yihiin raggiii Gedo joogay 1996-dii, ee aysan ahayn rag cusub wadinna caqli furan, xanuunku markuu na wada gaaray ayaa waxaa soo baxay magaca Khawaarij, oo Maxkamaduhu xay ahaayeen? Kuwa hadda Khawaarijt lagu tilmaamo saw ma ahayn caqligii hagayey Maxkamadaha iyo cududdii hawlgalinaysay? Ma garan igamana daadagin, shalay ammaan maanta eedee isma qabanayso.

Midnimado iyo midow gaaban ka dib, xabaddii laga kala cararay aya lagu kala tagay, dibba la isuguma soo laaban, qaybo ayaa la kala noqday, markaa ayaana si rasmi ah u soo shaac baaxday wajigoodii xumaa, haddana laguma cibroqaadan, oo wali waa la sii dugaashaday[ururka dib u xoraynta Soomaaliya], haddana waa sii kala miirmeen oo baq iyo biyo u kala baxeen, kii kursi helay wuu degay sida: Madaxweye Shariif, C/raxmaan Janaqow, Daahir Geelle, Indhacadde IWM, kii waayeyna qoriga ayuu dabada sii qabtey sida: Muqtaar Rooboow, Godane, Sanqoolle, Macalin Xaashi, labada maxbuus Xasan Daahir iyo Xasan Turki IWM.
 
Iildhigidda Xizbiga:

Khilaafkii dhexmaray wadaada hubaysan ee diinta, waxay gaartay inay xoog isku muquuniyaan, xabaddii cadawga loo sitay sida la lahaa iyagaa isku foorarshay, Aayaduhu saw ma sheegin dagaalka walaalaha dhexmara inuu fidno yahay? Mise iyagu Aayado kale ayey wataan? Hadday sidaa tahay Aayada xumayaal! Ku dheh, muquunintii socotay markii hore Xasan Turki ayey leeftay, noqdayna xabsiguri iyo xeroyaal aan xoog iyo xeelad midna lahayn, heer laga xanibay in la soo dabiibo, wareegtada hawlgabnimada waxay ku timid Xasan Daahir, Isaga iyo xertiisa xizbigaba, waxay si toos ah isugu dhiibeen Alshabaab.

Anigu dhihi maayo, way la midoobeen ama ku biireen, illeen waxaa midooba laba quwad oo isla eg ama isu dhiganta, sidaa darteen waxba yaan hadalka loo qurxin Xasan iyo xertiisa, waa midoo ma mudna, waa tan labaade sidaaba wax uma dhicin, digashadiisa waxaan u daynayaa saaxiibkiis C/raxmaan Janaqow oo yiri: "Adeerkey Xasan Daahir waxaan leeyahay: Ewelaad gar darruu gashee, Garabka saare iska gee" oon filaa inuu ka soo dheegtay shiribkii ahaa: “Awelaad gar darruu gaddee, Garabka saare iska gee”, waa digashadaas, horaa loo yiri: “Gaalaa God iigu jiree Garweynta ii keen”.

Hal booliya Nirig xalaala ma dhashaa” la yiriye, awalba Xizbiga waxaa loo aas-aasay in lagu cuuryaamiyo Sheekh Shariif, oo Isagu guranaya mirihii Jihaadka dhalinyarada, xaqu feeraha ayuu ka dillaacaaye, Xasan Dahir wuxuu dagaal ku wado umadda, haddana uga daba geeyey Ceelashabiyaha, baad iyo leejo ka qaado maasiinkta iygabu la daalaadhacaya soo dhicinta quutulyoonka, maanta tiisa haysata, wuxuu maxbuus u yahay nimaanan kala jeclayn Isaga iyo miskuunkuu shalay baadda ka qaadayey, horaa loo yiri: “Nabsi Bil ha jiro Barise ha jiree Isha Baarkeeda ka dhaw”. Nabsigii ayaa isna ku habsaday, Alla maanta yaa weydiiya sida xaalku yahay!

Maanta waxaan taagannahay marxalad cusub, cusub markaan leeyahay ugama jeedo inay wax weyn dheceen, ama wax cusub yimaadeen, maxaa yeelay burburka xizbiga wuxuu ahaa mid la wada filanayey, xeeladxumada Xasan ha ahaato ama xoog la’aantiisee, maanta waxbaa isrogay, isroggaa Xasan qayb weyn ayuu ku leeyahay, maadaama uu markii hore ka dhaga adaygay inuu dadkiisa dhinac ka raaco, mararka qaar wey jireen wada hadallo dhexmaray Isaga iyo xubno ka tirsan dawladda, haddana natiijo lagama gaarin, hubaal inay ahayd arin u baahneed ka miradhalin, balse noqotay iskuday aan laga guulgaarin, “Caano daatay laguma dul baroorto” ayey Talyaanigu ku maahmaahaan.

Alalaaska Alshabaab:

Isdhiibadda Xizbiga waa farxadda Alshabaab, Alalaaska ehelada argagisada, damaashaadka Alshabaab ka sokow, awooddii mucaarad ku sheegga waxay isugu ururtay Alshabaab, qayb ahaan shalay waxaa la qaybsanayey Xizbiga, degmooyin dhawr ahna gacanta ku haayey, maantase waa laga wada marooqsaday, mayee waa laga wada sifeeyey, sida muuqatana Xizbigii wuu kala jabay, qaybi waxay u gashay raacdayna Alshabaab, xubno kalana waxaa la filayaa inay dawladda liicaysa dhankeeda u bayraan, waxaaba u gacan haatiyey Indhcaddee, ooba u muujiyey inuu soo dhawaynayo, mise wuu ku gortantami doonoo? Dhammaan waxay noqoto waan u joognaa.

Awoodda ciidan ee Alshabaab u gashay, waxay ka dhigaysaa quwadda labaad ee koofurta joogta, marka laga reebo Amisom, dadka qaaraaba ka dhigaya tan koowaad, balse waxaan ka eegaya dhanka farsamada, hoggaanka, hubka IWM, waxaanse shaki ku jirin inay noqonayaan cudud aan la dhayalsan karin, haddaba maxaa xiga ee dhici doona maalmaha soo socda?, Xasan see laga yeelaa? ma la toogan doonaa? Sida dadka qaarkiis tilmamayaan, mise sammigiis Xasan Turki yaa loo gaynaa?, tan u badi, mise shaarka yuuba badalan doonaa? maadama uu jihaadka diimeed ugu jiro siduu madaxweyne ku noqon lahaa.

Haddaba awooddaa Alshabaab sidee ula falgalidoontaa marxaladdan cusub? Ma dagaalka ayey sii wadi doontaa mise wada xaajood awoodqaybsi ayey galidoontaa? Mise meelaooda ayey ku ekaan doonaan? Waa arimo badan oo la filan karo, haddana aan ku galinayn hididiile, marka aad eegto dhaqanka gurracan ee Alshabaab iyo garashadooda gaaban, mar walba waxaa kuu muuqan dhagax, ul, jeedal iyo xibno jaran, tacaddi xadgudub iyo caburin, gafuurduuban gardheer iyo gondo faydan, taana ma ahan mid niyadsami ku galinaysa.
 
Awoodda Amisom:
 
Amison sida aan soo tilmaamay waa quwadda koowaad oo koofurta Soomaaliya, la’aanteed dawladda Shariif ma jirteen, oo mar horaa mooradeeda lagu aasi lahaa, ama lagu maamuli lahaa, balse awoodda Amisom ma tahay mid u hawlgasha sida magacoodu yahay? Ilama ahan, qormo ayaan ku muujiyey inaan nabad ilaalintu ahayn iil badin, cinwaankedu ahaa: “Amisom Nabad Ilaalin mise Iil badin?!”, in kastoo dhaliili iga soo gaartay, muujinaysa in Amisom mudan tahay abaalgud, waxaase abaalkooda la weydiinayaa: inta madfacooda ku hanti beelay, ku gurya waayey, ku naf waayey, ku qaxay, ama ku waxyeelloobay.

Awoodda Amisom sida la shegay waa la soo kordhin, tira ahaan iyo tayo ahaanba, balse isbadal dhanka hagidda ah ma imaan doonaa? Lama aqbli karo layntan jogtada ah, haddana cid ka hadlaysaa aysan jirin, oo dhammaan laga wada aamusay, labada awood ee ku soo hartay saaxada, waxay ka siman yihiin dhibaataynta shacabka, maxaa yeelay mid walbaa madficiisa waxaa wax ku noqda shacab, kana dhigaysa inayba heshiis ku yihiin madfac habaajinta, oo ayba tahay mid qasad ah, dhagaruhu badanaa.
 
Gunaanad:

Ugu dambayn isdhiibidda Xizbiga, waxay awood ballaaran siinaysaa Alshabaab, ku dhalinaysa inuu galo hanweyn oon markii hore ku jirin, waxay dhalinaysaa inay ku dhiiradaan falal ay markii hore ka gaabin jireen, waxay keenaysaa in dhibaatadu sii kororto, dhanka kale awoodda Amisom ee la soo kordhinayo iyana waxaa ka dhalan qasaaro badan, duqayn badan, haddaan hoggaanka hagidda wax laga badalin, natiijaduna waxay noqon: awoodda Alshabaab+Awoodda Amisom= Ugaarsiga Umadda.

Waxaan ku soo afmeerayaa qormada, tuducyo ka mid ah maansada: ”Xasuuqa Amisom”,  waxaanna ka soo qaadanaynaa tuducyo sida wadajir ah u tilmaamayaa dhibka Alshabaab iyo Amisom, waana sidan:
 
alshabaab dhibkeediyo
ujeedkeeda leexsan
ogaateen dhammaane
Amisom ma aragtaan?!
Alshabaab intay dishay
Ama Amisom xasuuqday
Ayamaa idinla badan?

W/Q: Bashiir M. Xersi - Italy - brdiraac@hotmail.com  

www.keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.