Inay Xadaan Mooyee Maxay Bulsho Barakacday u Gargaaraan!!?

Website-ka Keydemedia xil ballaaran buu ummadda u qabataa in yar baana ugu hambalayeysa doorka lixaadka leh oo uu ka qaadato dib u-aduudulka ummadda Soomaaliyeed, kabkabidda midnimada qaranka iyo dib-usoo noolaynta hiddaha iyo dhaqanka xaalufay.
Faallo Keydmedia Online
Inay Xadaan Mooyee Maxay Bulsho Barakacday u Gargaaraan!!?

Intaas kuma koobna hawlqabadka Keydmedia ee wuxuu u codeeyaa bulshada inta aan codka lahayn. Inta laga badan yahay. Inta laga dhaqaaleroon yahay. Inta laga aqoon badan yahay. Inta lagu sii jeediyo colaad been ah oo aan dhammaad lahayn.

Keydmedia iyo ha’yado badan oo wadani ah baa qayb libaax ka qaatay sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshada tabaalaysan oo soo barakacday. Sidii ay nafta ugu celin lahaayeen dhalaanka macaluushu ku habsatay oo xabaasha qaarka u saaran. Qoysas iyo shakhsiyaad ka naxa dhibka dadkaas soo gaaray baa aad isugu taxallujiyey sidii ay ugu gargaari lahaayeen dadkaas tabaalaysan.

So’aalaha lays warsan karo waxaa kamid ah: Taajiriinta ku naaxda xatooyada raashinka barakaceyaasha maxay ku gargaareen dakay xadeen? Madaxda TFG-da ku taajirta xatooyada hantida qaranka maxay ku gargaareen bulshada tabaalaysan?

Maxaa lagu khasiray shaqaalaha TFG-da oo u xilsaaran qaybinta raashinka barakaceyaasha oo haddana si bareer ah u dhaca raashinka dayuuradaha gurmadka loogu keenay in lagu quudiyo dadka macaluusha la ildaran? Toban casho kahor Ray’sul wasaaraha TFG-da ayuu ku dhaartay Staadio Muqdishu dhexdeeda inuu maxkamad milatari soo saari doono cid kasta oo lagu soo eedeeyo xatooyo raashin barakace. Meeday dhaartii Caligaas?

Hantida meel la kala dhigo la waayey oo ay leeyihiin: Sharif Axmad Sheikh Shariif, Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Cabdulqaadir Maxamad Nuur (Eenow), Prof. C/raxmaan Ibi iyo kuwo kaloo nucaas ah waxaa lagu quudin karaan 3 malyan oo barakaceyaal ah muddo hal sano ah. Inay xadaan mooyee maxay bulsha soo barakacday ugu gargaareen?

Shanta malyan oo dhibaadda Faroole loogu geeyey wax wen bay u qaban lahayd ummadda soo barakacday. Hantida Faroole Puntland ka xashaystay ma ahan mid dhammaan karta inta noloshiisa ka harsan. Ma waxaa loo baahan yahay deeq kale oo Faroole lagu gufeeyo, halka ummaddu baahi iyo caafimaad darro ugu dhimato xeryaha quudinta?

Dalkan waxaa laga hagaa Addis Ababa, waxaana madax ka ah Mudane Meles Zenawi. Meles baa ku taliya in midnimada ummadda Soomaaliyeed la wiiqo oo gobol gobol loo qaybiyo, wuxuu go’aamiyo ayaana go’aansan. Ninkuu magacaabo ayaa magacaaban. Ninkuu dhabarka uu u duwo waa ka huleelaa fagaaraha siyaasadda. Ninba ninka uu Meles uga dhow yahay baa xukunka ku raaga. 

Qorshaha Meles wuxuu ku salaysan yahay:

  • Inuu kala dhantaalo midnimada iyo cududda ummadda Soomaaliyeed.
  • Inuu hantiyo ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliyeed, siiba xoolaha hilibka ah.
  • Inuu helo dakad uu ka dhoofiyo gaaska iyo shidaalka ceegaaga deegaanka Kilinka shanaad.
  • Iyo shaqo u abuuro kumayaal xabashi ah oo shaqo la’aan ah.

Keydmedia waxay busta ka jaftaa midnimadii, xornimo-dhalintii isku iyo duubnidii u dhexayn jirtay ummadda Soomaaliyeed. Haddii 13 wiil curiyeen inta kor ku xusan iyo in kale oo badan, way dhici kartaa inay soo shaacbaxaan kuwo u dhigma hormuudii SYL kuwaaso aan rajo ka qabno sidii ay noo xoreyn lahaayeen.

Waxay naga xorayn doonaan jirrada qabyaaaladda. Weerarka xatooyada hantida qaranka.Warxumetashiilka. Dabargoynta xulka bulshada. Takooridda waxa san. La dagaalanka laaluusha, dhaca hantida qaranka, eexda iyo gobolaysiga.

Keydmedia waxay la dagaalantaa xadgudubka lagu hayo reerka laga tirobadan yahay. Waxay u codaysaa dumarka, dhallinyarada iyo jiilka daambe oo dalka dhisi doona. Waxay yuraysaa kuwa labacanlaynta ku haya hantida dhabiiciga ah ee qaranka.

Waxay kasoo horjeeddaa kuwa bulshada colaadda ku haya oo u diiddan inay nabad ku noolaadaan. Waxay ummadda ku boorisaa inay isku filnaasho gaarto oo ka maaranto gacan ajnabi. Haddaan usoo jeesano naga badan kheyraadka dalka ku jira ee waa in la helo isku kalsooni, daacadnimo iyo isku duubni cid walba dan u ah.

Keydmedia waxay soo fagtaa dhaliilaha UN-ka ee ku wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Website-yo badan baa ka gaabsada inay wax ka sheegaan faragelinta shisheeye ee dalka lagu hayo, haddii aad wax ka sheegtana kugu colaadiya sidii iyagoo wakiil ka ah danaha gumaystaha iyo gumaysi kalkaalka.

Keydmedia waxay la dagaalantaa kuwa colaadda dadka ka dhex-huriya. Kuwa qabyaaladda kobciya. Kuwa ku hawlan dhagarta bulshada wiiqda. Kuwa ku danaysta aayaha ummaadda.

Kama yara 500 oo xildhibaan inta oggolaatay in la casilo Wasiirka 1aad oo la ansixiyo afgaradkii xaaraanta ahaa ee Kampala oo 2da Shariif  ay qaranimadii, sharaftii iyo karaamaddii dalka ku wareejiyeen oo mustacmar cusub gacanta u galiyeen. Arrintaasu waa wax aan weli dunida ka dhicin in xildhibaannada qaranu anay dalkooda iibsadaan oo qaranimada mustacmar ku wareejiyaan. Taariikhda ayaa xildhibaannadaas lagu xusi doonaa.

Keydmedia wax badan bay ka hadashay ujeeddada al-Shabaab. Al-Shabaab waxay huwan tahay shaal qabiil. Waxay ka gacansataa dhiigga dadka dhaqaalexumada iyo dibudhaca la tabaalaysan. Nabaadguur bay ku sameeyeen deegaanka ay ka taliyaan, siiba Gollada Jubbooyinka oo leh dhirta gololka iyo quraca oo dhuxusha laga shido.

Dadka waxay saaraan canshuur ayna qaadi Karin taasoo ay tahay dhaqaale  jeebkooda ku qulqula. Magac carbeed oo lala baxo caalim diimeed laguma noqdo, axkaamta diinta waxba kama garaanayaan. Diintu dadka ayay u gargaartaa ee ma iniqdo. Waxayse rumaysan yihiin inay baadaan nugulka bulshada.

Keydmedia waxay baraarujisaa kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay mudan yihiin iyo sida loo weeciyo xuquuqda ay dalka ku leeyihiin. Haddayna jirin xornimo lama hanteen. Hayna jirin qaran ma dhisan lahayn. Hadayna jirin bulsho midaysan ma jiri lahayn. Hadayna jirin cadaw lagama guulaysteen. Haweenku waa inay helaan xaqa ay leeyihiin, xushmada iyo qadarin ballaaranna la siiyo.

Waa rajada noogu dhow oo dalka caymin doona jiilka soo koraya oo waxbarashada ku jira kuna hawlan gargaarka Bulshada tabaleysan, Ka ilaaliya inaan lagu abuurin caadifad qabiil. Inaan la barin gobolaysi iyo is-bahaysi.

Haddii aabbihii ku dhexlumaay boholii qabyaaladda, hala caymiyo kuwa soo koraya oo u qiiraysan in laga xoroobo mustacmar cusub iyo shisheeye kalkaal.

jiilka soo koraya oo waxbarashada ku jira.

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net






Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.