Is Casilaada Farmaajo: Gumeysi hor leh…!

Nairobi (Keydmedia) - Howl kar lama ogala, aqoonyahan warkii daa, firfircoonada waxaa loo arkay cudur caaqiba xun, wadaniyada iyo Dal jaceylkana waxa uu ku muteestay cadaawad balaaran iyo muran aan dhamaan R.wasaaraha cadaadis kadib maanta is casilay Max’ed Farmaajo.
Faallo Keydmedia Online
Is Casilaada Farmaajo: Gumeysi hor leh…!

Haduu shaki iyo mugdi kaaga jiray in Soomaaliya maxmiyad gumeysi oo midowga Afrika iyo QM ay wakiil ka yihiin ku hoos jirtay maantaba waana qaado oo cashar ku qaado waxa ku dhacay FARMAAJO oo ah R.wasaarihii ugu horeeyay ee dareenka shacabka kasbada tan iyo markii qaranimadii Dalka ay burburtay.

Waxaa socdaal ku yimid Muqdisho taliyaha ciidamada Dalka Uganda si uu ugu qasbo R.wasaraaha inuu xilka ka dago, waxaana uu ugu caga jugleeyay muda 72-saacadood ah hadaanu isku casilin in ciidamada Amisom ee ilaaliya ammaankiisa laga daad gureyn doono.

Sidaasi si la eg R.wasaaraha waxaa hanjabaad kulul u jeediyay madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni oo tilmaamay in ay waajib ku tahay Farmaajo fulinta afduubkii kampala waxaana talaabooyinkaasi fajaciso ay ku noqotay R.wasaare Farmaajo.

Aroornimadii hore ee saakay ayaa kulan ay ka qeyb galayaan saraakiil dowlada Uganda ka socda iyo R.wasaaraha waxa uu ka bilowday xarunta madaxtooyada iyadoona 11-kii barqanimo iyo qadar daqiiqada ah uu kulanka ku biiray Shariif Shiikh Axmed

Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd in R.wasaaraha uu saxaafada u aqriyo warqad ay qoreen saraakiisha Amisom oo qasab xilka uga qaadeysay ayaa salaadii duhur kadib waxaa looga yeeray raga wararka fidiya iyadoona loogu waqlayay kulanka magac ah Shir saxaafadeed wada jir ah oo ay R.wasaaraha iyo Shariif sheikh Axmed  wada qabanayaan uuna isku casilayo R.wasaaraha.

Farmaajo ayaa goobta ka aqriyay hadaladii loo yeeriyay isagoo tilmaamay in Dalka iyo Dadka uu u daneeyay laakiin macaha dhabta ah ee ereyga ayaa noqonaya in Dalka iyo dadkaba ay gacmaha Soomaalida ka baxeen ayna 51-sano kadib Soomaaliya maxmiyad Gumeysi dib ugu laabaneyso.

Sanadka Shariifyada  

Sanadka Shariifyada ee lagu soo ansixiyay Kampala ayaa macna ahaan waxa uu la mid yahay 10-kii Sano ee maxmiyada ee lagu murunsanaa mudadii u dhaxeysay 1950-1960 cida soomaaliya gumeysanaysa, waxaana sanadkan uu yahay mid ujeedadiisu ay tahay in Uganda ay maamusho Dalka Soomaaliya maadaama dowladihii hore ay ka tala qaadan jireen Itoobiya.

Musaveni danta ugu weyn ee uu ka leeyahay Soomaalya ayaa ah dhaqaalaha xooga badan ee QM iyo midowga Afrika ay ugu magac dareen Nabad ilaalinta ee lagu xasuuqo Shacabka Soomaaliyeed ee diifta iyo dagaalada ay duloodeen..

YAA SOO SOCDA?

Dad badan waxay is weydiinayaan Farmaajo kadib cida R.wasaare noqoneysa, waxaana arinkaasi ka soo baxaya hadal heyn kala duwan, warka ugu weyn ee afka dadka ku badan ayaa ah in nin ka socda C.raxmaan Faroole oo ay saaxib yihiin hogaamiye kooxeed Shariif Xasan uu qaban doono xilkaasi isla markaana iminka uu dadaalkii ugu danbeeyay ku jiro.

Wasiirada ka qeyb noqonaya xukuumada R.wasaarayaasha ay ka yihiin Faroole iyo hogaamiye "Shariif" Xasan ayaa waxaa ka mid noqon doona sida qorshaha iminka uu yahay Xogheynta Shariif Xasan ninka la yiraahdo C/raxmaan Iibi, C/risaaq Jurile oo ah ninkii saxiixay qorshihii lagu sumeeyay xeebaha Soomaaliya isla markaana iibsaday astaantii Internet-ka ee Soomaaliya sidoo kalana qorsheynaya iibinta keydka wakaalada Filimada soomaaliya oo iminka Londan yaala.

Sidoo kale waxaa ka tirsan Max’ed Qanyare, Yuusuf Dheeg, iyo dhamaan raggii xukunka jeclaa ee liiska hore uga jiray xukuumadihii taya xumada iyo wax qabad la’aanta ku caan baxay ee Dalka Soo maray.

DAMIIRKA WADANIYIINTA

Soomaalida leh dareenka wadaniyadeed, kan diimeed iyo kan dal iyo jaceyl waxay aad uga uur xun yihiin maxmiyadan cusub ee uu Dalka uu galay, waxaana ay ka fakarayaan sidii arintaas qorsha mideysan oo gumeysiga lagu xoreynayo looga gaari lahaa.

XALKA MUXUU KU JIRAA?

Xalka Soomaaliya xiligan wuxuu ku jiraa in wadaniyiinta, aqoonyahanka, tujaarta nadiifka ah, cuqaasha, dhalinyarada, Haweenka iyo dalka iyo dadka jecel in ay u istaagaan sama bixinta, Dalka hadaanta ay ka sii ridayaan ma fakarayaasha xalka mooday kursiga ee diidan horumarinta bulshada iyo wax qabadkeeda.

Naciimo Warsame - Keydmedia Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.