Islaam Argagixiso ma noqdee,

Yaa noqda Argagixiso? 

Faallo Keydmedia Online

Sida caadiga ah, dunida waxay soo martay siyaabo kala duwan oo ummadihii soo jiray ay isu diidi jireen, ama ay isku waafaqi jireen, laga soo billaabo dhashii Nabi AADAM CS, illaa iyo manta waxaa jirtay sifo uun uu reer ibnu aadam isu dilo, taasoo maalinba marka ka dambeysa ay soo badanaysay, sooyaalka dheer ee kala duwan dartiis.

Yaa noqda Argagixiso? 

Waxayna keentay in kala duwanaansho badan abuurto, feker ahaan iyo dhaqan ahaan iyo midab ahaan intuba, ayadoo ummaddu isku mid ahayd, oo haddana  ka soo wada farcantay hal qof oo kaliya.

Anigoon doonayn inaan galo hordhac idinka mashquulaya howlo badan ayaan doonayaa inaan guda galo ula jeedka qoraalkayga oo aan jeclahay inaan soo gaabiyo ilaa inta aan awoodi karo, idinkuna soo bandhigo inta cilmi ahaan aan u leeyahay dunidan iyo sida ay u shaqeyso, oo aan idinka tusaaleeyo bal sida benu aadamka jooga 1000 sano ee ugu dambeysay isula dhaqmayey, halistuna u kala gaartay, ayadoo diin iyo sifooyin kaleba loogu aanaynayo mushkiladahan dunida aafeeyey, waxaana doonayaa inaan ku bilaabo horta waxay ay tahay Kalimadda Terrorist.

Maxay tahay Kalimadda 'Terrorist'
Yaa adeegsaday markii ugu horaysay, maxaase sababay in la adeegsado?

Kalimaddan sida Caadiga ah, markaad ka eegto Bahda iska leh luuqadda ay ku qoran tahay ee English-ka ah, oo aad ka dhex hesho qeexiddeeda wixii ka horeeyey 1790, waxay u qornayd sidan soo socota (TERRORIST: IS USE OF VIOLENT ACTION IN ORDER TO ACHIEVE POLITICAL AIMS, OR TO FORCE GOVERNMENT TO ACTION, inkastoo definitionkan ay qorayaan dictionaries fara badan, haddana meelo qaarkood ayaad ku arkaysaa in lagu calaameeyey islaam), kalimaddan marka ugu horaysay waxaa laga keenay Yurub, waxayna ku soo beegantay xiligii kacdoonta Faransiiska ee taariikhdu ay ahayd 1790, waxaana lagu hirgaliyey xiliyadii ugu xanuunka badan lahayd dalka faransiiska. Dadka ku dhawaaqay ee laga xusi karo waxaa ka mid ahaa nin la dhihi jiray Edwin oo british ahaa, oo dhacdooyinkii faransiis berigaas ugu yeeray argagixisnimo.

Maxaa yeelay 1793-1794 ayaa waxaa loo yaqaanay Sanadihii Argagax ahaa ee Yurub soo maray qaasatan dalka Faransiiska oo madaxdii berigaas maamulaysay xasuuqyo aan kala sooc lahayn ka sameynaysay dalka gudahiisa taasoo keentay, in la xito 500,000 oo qof, lana dilo, 40,000 oo qof, lana barakiyey in ka badanb 200,000 oo qofood, iyo in baxsiyada gaajo iyo nafaqo daro iyo jirdilba ugu dhamaadaan in ka badan 200,000 oo qofood. Mushkiladdaas ayaa waxay keentay in loo aqoonsado years of terror, taasi ayaana keentay in Kalimaddan terrorist ay yeelato qeexiddan, taasoo ku tusinaysa in meelaha ugu horeeyey dunida ee ummadda lagu argagax galiyo ay ahayd reer galbeedka gudahiisa. Ayadoo ay taasi jirto ayaan bal haddana isku dayeynaa bal sida ay u dhaceen dhacqooyinkii qarnigii labaatanaad.

Dhacdooyinkii Argagax ee Qarnigii 19-aad

Inkastoo Warbaahinta xooga badan ay qarinayso waxyaabo badan oo dunida ka dhacay, ayna ka dambeyso siyaasado kala duwan oo ka shaqeynaya qalalaasaha dunida ayaad arkaysaa in ummadda dunida qaarna lagu tumanayo kuwana ay xooggoodu uun kaga hortagayaan, taasoo dunida muslimka oo daciif ah ay u suurtoobi weysay inay la yimaadaan wax is hortaag ah, ayna xitaa kari waayeen inay afkooda ku ciil baxaan mar haddii aysan itaal u lahayn dhanka militaryga, taasoo keentay in dhan waliba laga galo, ugu dambeyntiina laga aqlabiyad adkaado.

Waxaana dhamaan u sabab ah, aabana ka ah, codka ugu weyna iska leh mediaha, sidaas markaan leeyahay waxaan doonayaa in bal wax laga ogaado bal sida dhacdooyinkii naxdinta badan lahaa ee dunida ka dhacay aysan islaam wax lug ah ugu lahayn, oo reer galbeedu waligood ay ugu noolaan jireen argagax iyo anfariin, kadibna ay dunida ugu qaybiyeen, uguna dhigeen mid caalami ah, ayagoo waxay xeerinayaa iyo waxay qadarinayaan ay tahay noloshooda iyo caqiidadooda oo kaliya.

Aan ku billaabee, 1881 waxaa weerer 2 Qarax ah lagu qaaday Alexander II dalka Russia asagoo xiran Cambuur Bireed, wuuna ka badbaaday midka hore, laakiin kii dambe ayaa dilay oo uu ku dhintay. Qorshahaas waxaa ku dhintay 21 qofood, waxana Fuliyey IGNIS, mana ku lug lahayn wax islaam ah.

Waxaa ku xigay 1886 weerar Qarax ah oo lagu qaaday HAYMARKET SQUIRE ee Chicago oo ay ku nafwaayeen 12 qofood oo mid askiri yahay, 7 askari oo kalena ay ku dhawacmeen kuwaasoo markii dambana ku dhintay Isbitaalka. Dilkaas argagixiska ahaa waxaa geystay oo ka dambeeyey 8 qofood oo Anarchists ahaa, nin Muslim ahna kuma jirin.

Markaan ka soo tagto dhacdooyinkaan aan ka soo qaadanay wax yar oo aan badnayn, oo aan la soo koobi karayn, ayaan waxaan doonayaa haddana bal inaan soo Koobno mar kale bal wixii dhacay aynu eegno qarnigii 20-aad, iyo musiibooyinkii laga dhaxlayba.

Mushkiladihii Aragagaxa badnaa ee dhacay Qarnigii 20-aad

Haddaan ku billaabo 6-9-1901 waxaa la dilay madaxweyihii dalka Maraykanka Mr. William McKinley oo ku dhintay shirqool loo sameeyey, waxaana ka dambeeyey dilka Madaxweynaha Qolo Anarchists ah oo la yiraahdo LCON GZOLGOSZ.

1-10-1910 waxaa Qarax lagu weeraray xarunta Wargaysa Los Angeles Times dhismaha ay daganayd, waxaana ku dhintay 21 qof, cidda ka dambeysay waxay ahaayeen laba Nin oo Christian mayal adag ah, oo magacyadooda la kala dhihi jiray JAMES IYO JOSEPH, Waxayna ahaayeen Union Leaders.

28-6-1914, waxaa la dilay Nin iyo naagtiisa qiima weyn ku lahaa dalka Austria oo la yiraahdo ArchDuke iyo xaaskiisa taasoo qayb weyn ka qaadatay dDgaal weynihii 1-aad ee dunida, waxaana ka dambeeyey qolo la yiraahdo YOUNG BOSNIA, oo intooda badan SERBS u badnaa, mana ahayn muslimiin.

16-4-1925 waxaa la qarxiyey kaniisad ku taala Magaalada Sofia dalka Bulgaria  oo la yiraahdo NADALYA CHURCH  waxaana ku dhintay musiibadaasi 150 qofood, waxaana ku dhaawacmay 500 oo qof, waxayna ahayd Taariikhda dalkaas weerar argagixis midka ugu daran taariikhdiisa soo maray, waxayna u ahayd maalin u astaysan dalka Bulgaria, waxaana ka dambeeyey xisbiga shuuciya ee dalkaas ka dhisnaa, wax Muslim ahna kuma jirin dhamaan waxaa ka dameeyey dad aan islaam ahayn.

9-10-1934 Boqorkii dalka Yuguslaafiya ee ELEXANDER ayaa shirqool lagu dilay, waxaana dilay nin dabley Hubaysan ah, Rasaasna la dhacay Boqorka, VLADA GEORGIEFF, Muslimna maahayn.

Diyaaraddii ugu horaysay ee dalka Maraykanku uu leeyahay ee la afduubo ayaa waxaa gaystay afduubkaasi RAMIEREZ ORTIZ. Waxaana lala aaday dalka Cuba, kaasoo markii dambe magan galyo ka helay dalkaas Cuba, Ma'ahayn nin Muslim ah ninkaasi dambigaas gaystay.

28-8-1968 waxaa shirqool dil ah lagu Fuliyey Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka GUATAMALA, qof muslim ah shaqa kuma lahayn dilkiisa.

30-7-1969 waxaa shirqool dil ah lagu fuliyey Danjiraha Maraykanka u fahdiya dalka Jaban, qof Muslim ah shaqa kuma lahayn dilkiisa

3-9-1969 Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Brazil ayaa la afduubay, cidda afduubtayna maysan ahayn Muslim.

19-4-1995 waxaa dhacay weerarkii caanka ahaa ee lagu qaaday xarunta dhismaha Federalka ah ee ku taala magaalada OKAHOMA ee dalka maraykanka, waxaana lagu weeraray Gaari weyn oo laga soo Buuxiyey waxyaaba Qarxa, oo ku qarxay daartaas, waxaana ku nafwaayey 166 qofood waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale.

Markii uu falkaasi dhacay markii dhamaan warbaahinta waxaa afka laga galiyey weerarkaas in laga soo agaasimay beriga dhexe, oo waxaa lagu baahiyey “Middle East Conspiracy” oo micnaheedu yahay waxaa ka dambeeya Muslimiinta Beriga dhexe, waxayna baahinayeen 4 maalmood oo isku xigta, taasoo ku tusinaysay in ay ahayd meelaha ugu horaysa ee lagu maagayey in dulmi xoog badan loo geysto dunida muslimka.

1941-1948, muddadaas uu dagaalkii dunida socda iyo intuu dhamaadayba waxaa dhacday 259 qaraxyo oo ay ku dhamaadeen kumanaan qof oo masaakiin ah, oo ay ka dambeeyeen kooxo kala duwan oo Yahuud ahaa, kuwaasoo dal raadis ahaa, waxayna dhibaatooyinka ay gaysteen ka mid ahaa weerarkii 22-7-1946 ay ku qaadeen qarax xoog badan Hotelka la Yiraahdo KING DAVID HOTEL, waxaa fuliyey MENACHEN BEGIN, oo yahuud ahaa. Waxaana ku dhintay 91 qofood oo u kala dhashay 28 British ah, 41 Carab ah, 17 Yahuud ah, iyo 5 dad kale ahaa.

Howsha marka ay qabanayeen waxay ku soo labisteen dharka carabta si loogu eedeeyo inay ka dameebeey dad ka yimid bariga dhexe, oo markaa ay mushkilo ugu dhex abuuraan, waxaana loo aqoonsaday kooxdii ka dambeyasay qaraxaas hotelka lagu qaaday ARGAGIXISO, kadibna berigii dambe ee uu Ra’iizul wasaaraha ka noqday Israel Mr. Menachen Begin, waxaa la guddoonsiiyey Abaal Marinta Billadda Reer galbeedka Ugu saraysa ee loo yaqaano NOBLE PEACE PRIZE, ama billadda Nabadda.

Sideedaba Raggii Ummadda soo halaagay ee Yahuudda madaxda ka noqday marka ugu dambaysa waxaa la gudoonsiiyaa abaal marino qaali ka ah dunida reer galbeed, oo noqonaysay midda ugu saraysay ee laysku sharfo.

1968-1992 dalka Jarmalka waxaa ka dhisnaa koox Gangs Hubaysan ah oo dadka laysa, lana yiraahdo BAADER, kooxdaasi waxay dilal badan oo naxdin leh ka gaysatay dalka Jarmalka, dhamaan muslim maysan ahayn.

Dalka Talyaaniga waxay lahaayeen koox la yiraahdo Red Brigade oo Gangs dadka layn jiray ah, waxyaabaha laga xusi karo waxaa ka mid ahaa inay afduubeen Ra’iizul wasaaraha dalka Talyaaniga ALDA MORO,  55 maalmood kadibna ay dileen,  dadka falkaas geystay, kuma jirin muslim, wax shaqa ahna kuma lahayn.

20-5-1995 Koox AU SHINRIKYO la yiraahdo ayaa waxay isku dayeen inay Subway Train dhulka Hoostiisa mara weerar ku qaadaan, waxayna doonayeen inay u adeegsadaan sun Halis ah oo la Yiraahdo Nerve GAS. Waxaana markiiba deg deg uga howl gashay dowladda Jaban, laakiin weerarkooda waxaa ku dhimatay 12 qofood, waxaana wax yeelo Halis ah ka soo gaartay in ka badan 5,000 oo qof. Waxayna ahaayeen Boudhist, wax muslim ah kuma shaqa lahayn.

Britishku waxaa ay lahaayeen niman gobanimo doon ahaa oo la Yiraqahdo IRA koox terrorist Christian ah, oo laga soo gaabiyey IRISH REPUBLICAN ARMY, oo weerar Joogto ah ku hayey dalka Ingiriiska, kuwaasoo laayey dad tira dhaaf ahaa, kuna qaaday meelo kala duwan, soona jiray muddo aad u dheer. Dagaalka ay ku jireen iyo weerarada ay qaadayeen maalin qura lama dhihin waa argagixiso ee waxaa la dhihi jiray waa IRA oo kaliya, taasina waxay kuu sheegaysaa in micnaha argagixisadu uu ku dhisan yahay haddba sidaad u qaadato, ayadoo 2007 weerarkii lagu qaaday trainka dhulka hoostiisa loo wax yeeleeyey Muslimiin badan oo ku dhaqan dalka gudahiisa.

Weerada ay IRA qaaday waxaan ka xusi karnaa.

1972 waxay qaadeen 3 qarax oo kala duwan oo ay ku kala dhinteen dad kale duwan, weerarkii hore waxaa ku dhintay 7 qofood, midka labaadna waxaa ku dhintay 11 qofood, midka sedexaadna waxaa ku dhintay 9 qofood tiro dad ahna waa ku dhaawacantay.

1974 waxay qaadeen laba Qarax oo waaweyn, mid waxaa ku dhintay 5 qof 44 kalena waa ku dhaawacantay, mid ka kalena waxaa ku dhimatay 21 qof 182 qofoodna waa ku dhaawacantay.

1996 Qarax weerar ah oo lagu qaaday LONDON waxaa ku dhimatay 2 qofood 100 kalena waa ku dhaawacantay.

Ma koobi karayno inta Qarax ama ismiidaamin ee ay gaysteen dad aan muslim ahayn oo dunida oo dhan ka dhacay, haddana aan intooda badan lagu sheegayn inay ka dambeeyaan aragigixiso.

Dhamaan Macluumaadkaas aan kor ku soo xusay oo dhan waxaa laga soo ururiyey Keyd aan dunida muslimka laga keenin, ama uusan qorin nin muslim ah, amaba cidda sameysan aysan muslim ahayn. Dhamaan macluumaadkan wuxuu si toos ah kugu caddaynayaa in dhamaan muskiladda dunida ka jirtaa aysan manta kaliya ahayn, muslimiintuna aysan wax lug ah ku lahayn.

Lasoco Qeybta Labaad ee Qormada...

Qeybta Labaad ee Qormada wuxuu Ibrahim uga hadli doonaa: Qarniga 21-aad iyo wixii isbadalay, New World Order iyo Soomaaliya oo gashay Booska Ciraaq ee Dhaqaala raadinta galbedka.

Ibrahim Abdi Geele
jinniishumi@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.