Professorada Maxey u Tareen Soomaaliya!?

Abdullahi O. Ahmed (Keydmedia) - Jaamiciga Dalka Soomaaliyeed u dhashay oo doorkii laga filayey wacdaro ku daray nin qurah ayuu ahaa, Rabbi ayaana oo fasaday isagoon weli gaarin yoolkii uu tiigsanayey. Muddadii yarayd oo uu Mas’uulka ahaa, nafti hurahaasu wuxuu hurdadii uga tagey inuu dhiso jiil aqoon leh oo dalka horumariya.
Faallo Keydmedia Online
Professorada Maxey u Tareen Soomaaliya!?

Anfacadii wuxuu uga go’ay inuu barbaariyo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Laguma arag isagoo waqti ku lumiya reer hebel iyo reer hebel. Lama arag isagoo ka dooda fadhi ku-dirirka. Lama arag isagoo u codaynaya dhiigyacab xukun doon ah. La arag isagoo u gacantogaaleeya hanti qaranka oo lagu ammaanaystey.

Allow yaa madiga aqoonta cumrigiisa wax yar kusii dara. Allow yaa madigaa wiil nooga reeba oo sii fidiya Isukuladda aqoonta oo aan qabiil ku abtirsan… Allow yaa bulshada hungowday u dhaliya wiil samirsiin ah oo aanu ku hilmaanno xiddigii naga dhacay… Allow yaa nindoor kaas mid lamid ah noogu deeqa si loo abuuro jiil aqoon leh oo aan qabyaaladda ku abtirsan…

Jaamicigaasu wuxuu ahaa marxuum Maxamad Xasan Gahayr. Waa xiddig ka iftiinkiisu qariyo dhammaan jaamiciinta isu rogtay xeer-beegta qabyaaladda iyo xaaraan ku naaxnimada.

Jaamiciga Soomaaliyeed weli ma garan wuxuu yahay iyo waxa bulshadu ka sugayso.Weli ma garan doorka bulshadu ka filayso inuu kasoo dhalaalo. Sidii Gahayr oo kale, ma rumaysna awoodda uu dadkiisa wax ugu qaban karo iyo wuxuu noqon karo.

Isma oga inuu ka tallaabsaday shabakadda qabiinimada oo uu yahay udubdhexaadka bulshada kulmiya. Isma oga inuu yahay garqaadaha horumarka dalka iyo kalkaaliyaha iftiinka aqoonta bulshada. Isma oga inuu yahay gidaarka kala qaybiya qabiilka iyo qaranimada, Isma oga inuu yahay labeenta ummaddu ku faanto oo dalka dhigaalka u ah.

Maanta dalku wuxuu leyahay jaamiciin badan oo cirifyada Dunida ku kala firirsan haddana xiganaya kuwa fadhiidka noqday oo ku biiray dagaal-oogeyaal iyo burcad siyaasadeed.

Qaar kamid ah kuwa dalka jooga, waxay afhayeen u noqdeen nabadoonno xeer-beeg ah oo muddo gaaban bay ku noqdeen khubaro hoggaamisa shabakadda qabyaaladda.

Kuwo waxay u tafaxayteen inay boobaan hantida qaranka oo ay saf lasoo galeen heerkii xaaraan ku-naaxnimada. Kuwo waxay falkiyaan khiyaano sadbursi ku salaysan iyo kala furfuridda midnimada ummadda Soomaaliyeed. Iyagoo wada hanan kara rabitaanka bulshada Soomaaliyeed bay door bideen in nin walba u codeeyo qoyskiisa oo keliya.

Hantida maguurtada ah oo qofku yeelan karo waa aqoonta. Wax walba markay ku seegaan waxaan ku seegi Karin waa aqoonta aad leedahay ilaa aad god ka gasho mooyee.

Waxaa lagu maah-maahaa: Nin faas wata qoryo ma waayo, aqoontuna waxay lamid tahay faas aad ku qoryo gurato. Inta la saluugsan yahay waa aqoonyahanka raagga ah.

Aqoonyahayka dumarka ah kuma jiraan oo waxay jecel yihiin inay aqoontooda ummadda ugu adeegaan iyagoon ayna ku jirin lab-la-kac qabiil. Barfasoor uma baahna inuu qabiilnimo wax ku helo. Uma baahna inuu xaaraan ku naax noqdo isagoo xalaal quudan kara.

Aqoonyahan ma ahan inuu saboolnimo ka walwalo isagoo haysta Faaskii uu qoryaha ku guran lahaa. Maxaa haddaba aqoonyahan ku kallifay inuu tuug noqdo…? Maxaa aqoon yahan ku kallifay inuu qabyaalad rimanaado…? Maxaa ku kallifay inuu dabafariisto siyaasi u heellan xukun afduub ah…?

Maxaa aqoonyahan ku qasbay inuu noqdo afhayeen oday-dhaqameed beel keliya u codeeya…? Maxaa aqoonyahan ku kallifay inuu hoos uga soo dhaco heerkii laga sugayey…? Qabyaaladdu waa maandooriye, waana dhab Timacadde markuu yiri: Dugsi ma leh qabyaaladu waxay dumiso mooyaane…

Hadday aqoontooda, iskuduubnidooda iyo codkooda laysku dari lahaa ma siyaasi maangaab ah baa na badi lahaa qaranduminta nagu dhacday…?

Ma UN-ka ayaa qarankayaga u talin lahaa…? Ma Mahiga ayaa aayaha dalka Soomaaliyeed ku amar ku taaglayn lahaa…? Ma xukun Xabashiyeed baan miciin bidi lahayn…? Ma dalkaa degmo degmo loo qaybsan lahaa…? Ma xaaraan ku-naax baa ku dibiri lahaa hantida qaranka…? Ma al-Shabaab baa nagu amar ku taaglayn lahaa…?

Ma bulshada Soomaaliyeed baa baahi iyo harraad u le’an lahayd…? Ma badaha guntooda ayaa lafaha Soomaaliyeed daadsanaan lahaayeen…? Ma cirifyada dunida ayaan ku kala firirsanaan lahayn…? Ma burcadbadeed baan noqon lahayn…? Ma badahayaga ayaa qashinqub nukleaar laga dhigan lahaa…? Ma xagjireen madhab laawe ah baa dhallaanka macaluushan quudinta u diidi lahaa…?

Allow aqoonyahan noo badi…Allow aqoonyahan dalka kusoo celi… Allow aqoonyahan uu xukunka Gacanta ku dhigo…? Rajada noo hartay waa aqoonyahan ee Allow noo keen duul na hoggaamiya… Maxay taasu dhashay…?

Waa roobkii soo curtay oo ciiryaamo ku kacday. Bal maxaa aqoonyahan laga kororosaday marka macalinkii aqoontu oday dhaqameed noqdeen…? Haddii macalinkii aqoontu xaaraan ku naax noqday…? Maxaa qabyaaladda looga gudbaa marka macalinkii aqoontu qabiilnimo ku abtirsado oo xumaan iyo dhibaal ku dhaato…?

Sidee midnimada ummadda loo kab-kabi karaa marka macalinkii aqoontu uu bulshada u kala furfuro qoys qoys iyo gobol gobol…? Aqoonyahan oo gibbaan noqda waxay u dhigantaa qaranka oo gablamay ee yaa kale oo loo ciirsadaa…? Marka aqoonyahay lagu hungoobo, yaa kale oo caymin kara midnimada qaranka…?

Aqoonyahankii wuxuu la durbaan tuntay siyaasi qabiili ah. Aqoonyahanku wuxuu dhexgalay xashintii qabyaaladda waxaana garqaadaya siyaasi qabiilnimo ku gaamuray. Aqoonyahan kasta oo magac leh  wuxuu u daneeyaa beeshiisa oo keliya, waxayna u shaqeeyaan jeebkooda oo heliya.

Ma kala soocna aqoonyahanka laga filayey inuu kasoo dhalaalo hormoodnimada qaranka iyo odayga xeer-beeggnimada ku shaqo leh. Aqoonyahanka magaca leh sida uu u badan yahay wuxuu ku shabadaysan qabqablaha  beesha uu ka dhashay .

Bal arag aqoonyankii qaranku sugayey oo dhex-galgalanaysa goobta ceebta:

Aaway doorkii hormoodnimo oo laga sugayey Barfasoor Warfaa…?  Meeday rajadii laga qabey barafasoor Juurile…? Barafasoor  Ibbi…! Barafasoor Cabdiweli Caligaas…? Madaxweyne Shariif….? Barafasoor Maxaamad Siciid Saamatar… iyo labo ilma Saamatar? Gaandi ? Galeeyr, Cali Geedi Iwm, marka in yar magacooda laga xuso.

Haddii aqoontooda, kalsoonidooda  iyo hormuudnimadooda ay kulmin lahaayeen dhidibbada ayey u taagi lahaayeen qaranimada Soomaaliyeed.

Nasiib-darro waxay door bideen inay hoos fariistaan oo u codeeyaan dhiigyacab xukun doon ah oo cidna u aaba yeelin.

Ma ahayn inay cambaarsadaan xaaraanquute u xusul-duuban dhaca iyo leexsashada hantida qaranka iyo kaalmada macaluusha loogu deeqay oo suuqa waran.

Abdullahi O. Ahmed - Keydmedia - London – abdullahi.ahmed@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.