In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Xilligaa waxaa jirtay rajo xooggan oo dadka qabeen, dalkana ka muuqatay walina ku jirta, haddana, anigu waxaan isku dayey inaan bal xakamo celiyo si aan xera taraar u dhicin. Qormooyinka kala ah: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!” “Maxaa dhacay?!” iyo “Maxaa astaan la’aan wada dhigay?!” ayey maansadu sii kaabaysaa, oo gundhiggu ahaa; inaan la degdegin, ee la hubsado waxa dhacay, siday u dheceen iyo wax sasbabay. Illeen haddii kale, waxaan laga dhaammaanayn inaan ku jirno TIIHA Siyaasadeed ee lagu waraaray.
Qaabka Maansadu waa sheeko laba qof dhex maraysa. Midi ku indhacad yahay in ISBADAL dhacay, kan kalana leeyahay war ha degdegin, ee ka wardhawr! Warka yaanan badine, aqris wacan.
Arladii dalkeenniyo
Ciiddii udgoonayd
Asaas dhig wacan iyo
Udubbaa la taagoo
Ebteladii dhammaatoo
Aflax baa la gaaroo
Umaddii is raacdoo
Ibliiskiiba laga badi!
Abshiroow ma saasbaa
Ma ISBADAL ayaa dhacay?!
Ma aguugmay xumihii
Ma illownay beladii
Eeddii ma laga baxay
Xaajadu ma ugubbaa
Arrintaan xogteediyo
Asalkeeda yaa galay?!
Awgayoow adduunyada
Ayaantii timaaddaba
Iftiinkeedu waa guul
Ama olol colaadeed
Bulshadii ayaan lihi
Maalinnimo Isniinaa
Unuggeed xirmaaye
Doorashadii asaag iyo
Aqoonyahan ku baratamay
Codayn aawadeed baa
Nin walbaa itaal dhigay
Inan baa ku soo baxay.
Abshiroow hubsiimiyo
Oraahdoo astaaniyo
Summad lagu aqoonsado
Ummad lagu aqoolaa
Eray fiiro li’i baxay
Utun iyo hurguma iyo
Ableey waa ka daran yahay.
Siduu yiri Abwaankii
Hadal wuxuu ammaan yahay
Inta aan la oranine
Uurkaaga uu jiro
Afka goortu dhaafee
Dhawaaqiisu oogsamo
Eed laga dhaxlaayoo
Ama lagu inkaaraa
Hayska oranin weeyaan
Iska fiiri weeyaan
Inta aadan oranoo
Ogaal raaci weeyaan.
Ma ogtahay igaarkoow
Alalaas durbaanliyo
Ololiyo kasoo kaca
Afgobaadsi beenoo
Uurka hoose aan jirin
Hore baan u aragnoo
Ugu soo hungaynnoo
Amintaan cuseyb ma leh?.
Awgayoow wax diidmiyo
Iyo madax adaygnimo
Ama oday wax garadoo
Ifafaalahaa garan
Mid un labada ku aroor?!
Hadal aan ur loo bixin
Aragtina ku daabnayn
Aayar biyo aan loo liqin
Iney dhuunta awdaan
Iyo Aafaa ka dhalatee
Qunyar soco Igaar yahow
Asaraarka iga dhawr.
Iba bixi ujeedkoo
U ardaa dhig taladoo
U afayso Gudintoo
Halka ood ka gooyni
U arrimi sidii Oday
Hana eedin arartoo
Ha ilaaqin Waayeel
Oday kaa gu’ weyn abid.
inaad ani i maagayn
Kaa ahayn afduub ogi
Aashaa warkaagoo
Ashqaraarka dhacayiyo
Orka iyo ciyaaraha
Album hees ka buuxiyo
Afka waa ka sheegnaa
Arar waa u tirinnaa
Afarreey ka curinnaa
Aartikal ku tebinnaa
Idaacado ka sheegnaa.
Waxaan uga danleeyahay
In “ISBADAL”ku yahay eray
ishu aysan qaban karin
uuna maqal inagu yahay
horaa lay ajarayoo
Asoo nuucyo badan buu
Aalloow nasoo maray
Astaan Qaran ku sheeg iyo
Mar Kacaan ku aasnaa
Mar Islaam ku daabnaa
Intaa iyo intoo kale
Ayaa wali inoo dhimman!
Hal adaygga Odayahow
Waxba lagu idlayn waa!
Dadku waa is raacee
Gaar haw ugaarsane
Inta aan lagaa tegin
Eber noqon agtaaduna
Umadaada soo raac!
Inan yahow imaad garan
Indhoolaha sidiisii
Orodkiyo xawaaraha
Oodaha jibaaxee
Irridaha ka boodaya
Ushiisii intuu dhigay
Talo xumo irdhoobee
Garanayn itaalkiis
Umaddeenan Soomaal
Isku nooc iney tahay
Asalkeedu saas yahay
Ayaan xumo daraaddeed
Uugtaal inay tahay
Igu diidi mayside
Ma xaajada irmaan ah
Inkirkaagu cillanaa
Maxaan kugu iraahdaa?.
Afar qaadka orodkiyo
Alalaas masharaxddiyo
Qosol iini daba taal
Utun sheeko lagu dhigay
Aramiyo dhibaatiyo
Uur ku taallo aan harin
Umaddii ku aarsata
Xumuhuun u oroddaa
Samahana afmeertaa
Anfariir ma weydee
Nin walbow ikhyaarkaa!
Maskaxdaa adeegtoo
U arrimisa Muruqee
Addimadii la laabyee
Ma afbay ku horumari?!
Ayaamaha isdaba yaal
Kasmo iyo ogaal iyo
Aragtiyey wadaanoo
Waa Bare Iskool iyo
Dugsi aadan dhiganine.
Alifkii qalloocdaa
Sahal kuma istaagoo
Albaqraad ka garataa
Eray laaxinkiisee
Mar haddaan abbaar jirin
Dhabbe lagu arooriyo
Aan ujeeddo lagu socon
Ilduuf kama dhammaatee
Ma abaabul baa bixin?
Ma amaah ayaa xiri?!
Dhammaad.
September 2012Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmail.com
Add comment
Comments