‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 2-aad

Ibrahim Abdi Geele — « Qeybtii Koowaad ee Qoraalka« Sanadkii 1970 ilaa 1976 Boqortooyadda Sacuudiga waxay abuuraysay In Dalka Soomaaliyeed ay khalalaaso galiso, waxayna ahayd in dowladdii Soomaaliyeed ay meesha ka saarto midowgii soofiyeeti oo cilmaani ahaa...
Faallo Keydmedia Online
‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 2-aad

Aragtidaasi oo laga dhigayey in soomaaliya ay noqotay meel diinta islaamka lagula dagaalamay, kadibna dhaqaale u balana qaaday, markay dowladdii soomaaliyeed ka madax adkaysatayna, waxay ku kicisay rag wadaado ah oo aan aad u aragti dheereyn kana yimid inta Badan saacuudiga, kuwaasoo buuq ku dhex furay bulshada dhexdeeda halkii si xigmadaysay loo abaari lahaa, umana diyaarsanayn inay la tacaamulaan dowladdii markaasi taagnayd ee soomaaliyeed oo hubaashii gefka diinta ka gashay, ayadoo Sacuudiga Xaramayn Alshariifayn ay Joogaan Ciidamo Gaalo ah oo aan Islaam ahayn oo Illaalinayey, Khayraadka Ummadda Ilsaamkahana qaadanayey, haddana ay abuurayeen Ideology lagu kicinayo Muslimiinta dunida ku dhaqan, si khalalaase ay ugu abuuraan, ayagoo markaasi ka dhigayo fekerkaasi mid DIINTA ISLAAMKA LOOGU NASTEEECEYNAYO.

Markay dowladdii maxamed siyaas saartay Ruushkana dowladdii soomaaliyeed ceelkii lala raadinayey waa ku dhacday, kadib sacuudiga waxba kama soo qaadin oo waa ka aamusay, marka laga reebo Hub Taariikhdiisu dhacday oo ay soo siiseen oo aan wax badana ahayn. Soomaliya kaliya kumay dhicin ee waxay ku dhacday Masar iyo Suudaan oo dhamaan uga digay Soomaaliya inaysan saaraan Soviet-kii, maadaama ay ayaga horay ugu qasaareen, maxaa yeelay gaashaan buur la’aani halasy bay markaasi u muuqanaysay.

Agendayaasha carabta ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa, sidii laysaga Horkeeni lahaa labadii quwadood ee islaamka u soo koraysay ee Ciraaq iyo Iiraan oo laba dowladood oo daris ah ahaa, nabadna ku noolaan jiray, loona dhex dhigay cadowtooyo xoogan oo aad u xanuun badan, ayna keentay in Ciraaq lala saftay dhaqaalo iyo Military ahaana ay caawinayeen labadii quwadood ee ugu xoogga badan lahaa dunida ee Reer bariga iyo Reer Galbeedka, laguna Go’dooniyey Dalka Iiraan.

Go’doominta Iiraan waxa u sabab ahaa in Iiraaniyiintu ay meesha saareen Maraykanka, markuu qabsaday Ayatullaahi Khumeyni, kana dhigtay inay ka baxeen garabkoodii reer galbeed, meel kalena aysan ku xirmin, Waayo wax xiriir oo hore ah kala dhaxeyn reer Bariga, waxayna keentay inay meel cidla ah ku soo dhacdo dowladda Iiraan, ugu dambeyntiina dhinac looga soo wada jeestay, laakiin aan laga guuleysan, kuna adkaatay Dowladda Iiraan, dagaalkaas oo qaatay muddo 10 sano ah waxaana  ku dhintay ku dhawaad 1 Milyan oo ruux oo shacab iyo ciidanba lahaa, iyo dhaqaalo aad u xoog badan.

Dagaalkaas waxaa loo adeegsaday hub ka mamnuuc ahaa in la adeegsado, lana mamnuucay wixii ka dambeeyey dagaalkii 1-aad ee dunida, haddana illaa iyo maanta aan UN-ka wax raali galin ah ama in yar oo Garawsha ah aan laga helin, laakiin wali ah dhibic madow oo dhex taala Xarunta United Nations-ka.

Dagaalkii Afgaanistaan

Waxyaabaha laga xusi karo




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.