‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 3-aad Afganistaan kadib, waa side ‘Jihaadkii’?

Ibrahim Abdi Geele — « Qeybtii Labaad ee Qoraalka« Jihaadkii Afgaanistaan ee aan ka soo sheekeynay Qeybtii Labaad ee Qormada iyo Raggii Ameerikaanka ay abaabiyeen lacagtana ay ku bixinayeen khaliijka ee uu ugu horeeyo Sacuudiga, ee haddana cadowga laga dhigay, wuxuu isu badalay mid koox koox uga abuurma dunida muslimka oo dhan, wuxuuna yeeshay waji kale.
Faallo Keydmedia Online
‘JIHAADKA’ REER GALBEEDKA | Q: 3-aad Afganistaan kadib, waa side ‘Jihaadkii’?

Wuxuu ku baahay oo kaliya dunida muslima, marka laga reebo khaliijka, wuxuuna ka furmay waddankasta oo daganaansho haystay, wuxuuna khasaarihiisii ugu badnaa ka dhacayaa shucuubta muslimka bartankeeda.

Laga soo billaano Pakistaan illaa Turkey, Soomaaliya illaa West Africa, Bosnia illaa Abkhaasiya iyo Kowkaas-ka, wuxuuna leeyahay faracyo kala duwan, oraahdiisuna waa Jihaad “”ALLAAHU AKBAR”” Cidda ku dhimanaysana waa MUSLIM, cidda fulaysanaya waxay leedahay Muslim, Waa Aakiru Zaman “” cidda wax dilaysa waxay ku dilayso ma garanayso, cidda la dilayana waxa lagu dilayaa ma garanayso”” waa sidii naloo sheegay.

Tusaalaha ugu yaabka badan ee aan laga caqliyeysan waxaa ka mid ah, sida dalka Suuriya looga abuuray isla Jabhaddii Islaamiga ahayd ee ka dagaalamaysay dalka Afgaanistaan, waxadna moodaysaa 30 sano ku dhawaad in isla taariikhdii dib loo soo celinayo oo shalay meeshii Ruush  iyo soviet ahayd ay maanta tahay shiica ayaa lala dagaalayaa, garabkana la haysto reer Galbeedkii. Sheekadu waa - Shiico waxa laga dhigtay cadow, laakiin aan Yuhuud looga dhigin Cadow, Shiica dagaal kuma hayn jirin Sunni, laakiin Yahuudda dhulkii Falastiin oo dhan qaadatay iyo dhulal kala duwanna waa ka haysatay Suuriya, Urdun, Yahuuda dhulka Carabta waxay qaadanaysay laga soo billaabay 1948-illaa maanta, waxayna ugu dartaa dil iyo barakicin joogto ah, waxay duqeysaa guryaha masaakiinta waxayna ku dheeshaa qawaaniintii ay sameysteen 4-tii dowladood ee aan mid islaam ah aanu ku jirin.

Dhibkaas oo dhan waxaad moodaysaa inaysan u muuqanayn ummaddo badan, laakiin dagaalka iyo qaraxyada dunida muslim-ka ka dhaxayaa ayaa noqday midka ugu wanaagsan ee la sheegayo jihaadka ka dhanka ah gaalada, markaa sawirka gaalada ee la qaadanayaa wuxuu noqonayaa midka lagu laynayo islaamka iyo gaalada inay u ekaanayso islaamka. Dhibka iyo barakaca ku dhacay dalal badan oo ay soomaaliya ka mid tahay iyo jihaadka ka dhanka ah gaalada eeka dhacaya meelo ka mid ah caasimmadda muqdisho, baqdaad, Dimishiq iyo Kapul waxay kadhigan tahay dagaal ka dhan ah caalamka islaamka ee aan ahayn mid lagula dagaalamaya  gaalo ama dad aan islaam ahayn, waxaadna moodaysaa in aragtidaasi aysan asal ahaan ahayn mid muslim.

Sideedaba kuwa ku dhex dagaalamaya dunida muslim-ka ee qaraxyada ka wadaa looma nisbayn karo kuwo jihaad ku jira, waana jabhado khalalaaso ku dhisan oo ka mas’uul ah dhibaatooyinka dunida muslimka haysta, mana noqon karaan kuwa ka shaqeynaya nabad galyada iyo xoraynta ay sheeganayaan, wanaag u saaxiibna maaha, waana kuwa safaro dhaadheer ugu yimid inay qaribaan Ummadda Islaamka ah ee daganaan ku nool, asalkooduba waxaad dareemaysaa inay yihiin kuwa ku nool dhiiga iyo waxyaabaha la mid ah, tusaale ahaan alshabaab markastaba waxay weerartaa xarumaha dowladda federalka ah iyo inta nolosha u geysay ee aan waxba haysan, waxay weerareen jabuuti oo walaalo ah, ayagoo arkaya sacuudiga iyo xaramaynka inay illaaliyaan dad aan islaam ahayn, ayagoo ku an dacoonaya inay ka illaalinayaan Iiraan, ama dowladdaha ugu weyn ee shiicada ku nool dunida, kana amar qaataan.

Dhamaan wax siyaasadaysan oo la og yahay oo runta ka fog yihiin weeye waxay ku dagaalamayaan, waxaana hogaanka ku haya rag criminals ah oo aan danaha umadda iyo qiyamka benu aadamka midna xeerinayn. Caqliguna waa midka Boko Haram oo 200 Dumar aan islaam ahayn, meel ku urursaday ee ku dhawaaqaya inay diinta islaamka soo galinayaan, ayadoo la og yahay diinta in Nasxteexo laysugu sheego oo aysan ahayn xoog iyo qasab, maalinkastana ay soo muslimaan boqolaal Reer Galbeed ah, ayagoo Jooga dhulkooda, oo qasab iyo collaad midna lagu dayin, hadana kula dhex nool ayagoo xor ah, dhulkii ay u dhasheen.

Dhaqaalaha iyo fekerka halkuu ka imadaa

Lama Garanayo halka uu ka soo galo, laakiin marka si caadi ah loo odoroso waxaad is leedahay maxaa islaamka intiisa kale ololka uga kacayaa Khaliijkuna uga dhici waayey? Su’aashaasi meesha waa ku jirtaa laakiin jawaabaha laysasiiyo waa illaa iyo laba nooc, midda ugu horaysa waxaa weeye, khaliijku gacan adag ayey ku hayaan shucuubta ay maamulaan, mana awoodi karayaan inay ku kacaan dowladda,  taasi hadday run tahay, waxaa lays weydiinayaa “bal sida ay uga gacan adkaayeen Mucaamirul Qadaafi” Madaxweyihii Liibiya oo la og yahay sida lagu riday, tan labaad waxay noqonaysaa in ay dhaqaalaha iyo fekerka lagu ololiyey caalamul islaami ay ka dambeeyaan Dowladaha Khaliijka ayagoo aaminsan kolba aragti ay la wadaagaan raga ay kula jiraan Taxaalufka ee ay ku dheeraysanayaan Kursiga iyo saldanaha ay u gacan galiyeen reer Galbeedka qaasatan Ingiriiska iyo Maraykankuba.

Hirgalinta dhaxalka ah ee muddo laga soo shaqeynayey waxay ka dhigtay dunida muslim-ka mid u sawiran dad waalan oo kale, oo ay gaartay xanuunka ku dhacayaa inay la yaabaan dhamaan shucuubta aan islaamka ahayn, waxayna noqdeen kuwa sub-Human oo kale ah, amaba dad la leeyahay oo ku jira addoonsiga cusub iyo system-ka ay ku dhaqmaan. Waxaad fahmaysaa markaad u dhaba gasho hanaanka ay ku shaqeeyaan kooxaha is qarxiya ama dhibaatooyinka ka gaysta dunida muslimka inay yihiin kuwa aan ka tarjumayn habdhaqanka dhaxal galinta soo celinta Imaatad islaami ah, taasoo u baahan hab dhaqan adag iyo dulqaad, dhaqaalo iyo siyaasad is haysata oo ka dhex dhisan bulshada dhexdeeda, lana siiyo wakhti dheer, sida anaguba ay gaaladu noogu bixiyeen oo kale.

Waxaan xusuustaa beryihii kacdoonka maxaakiimta islaamka ah ka dhacayeen xamar ee saxwada xooga badani ay socdeen ayaan la sheekeystay Nin aad u kacsan wuxuuna ii sheegay in diinta islaamka lagu soo rogayo soomaaliya ayna cidna uga haybaysanaynin, wuxuuna ii raaciyey inay qasab tahay inay ku soo rogaan waana la gaarayaa inay taasi hirgasho. Fekerka ninkaasi uu ii sheegay wuxuu ahaa mid saliim ah, oo wanaagsan loona baahan yahay inuu dhaqan galo, waajibna ay tahay cidkastaba oo islaam ah inay taageerto oo ku dhaqanto ayna qaadato ciddii wadatana lagu raaco lana taargeero muruq iyo maalba laysugu geeyo.

Laakiin Ninkaas odayga ah wuxuu illaahay dunida halkay Joogto iyo sida ay ku dhaqan gali doonto ama loo dabaqi doono, maxaa yeelay markaad doonayso inaad hirgaliso arin waxay u baahan tahay qorshe iyo plan isku xiran oo caqabaadkiisa iyo hurmarkiisaba laysla dhinac wado, oo la wajaho sida uu ku guuleysanayo, waxaan dareemayey ninkaa inuu doonayo oo kaliya AK47 iyo BKM, iyo RBG inuu ku dhaqan galiyo, oo cidkastoo is hortaagtaa asagaas uun kaga shaqeeyo.

Aragtida ninkaas uu qabay waan ku diiday waxaan ku iri, haddii loo baahan yahay in la dhaqan galiyo shareecadda islaamka, waa in aad looga fekeraa oo hirgalinteeda lagu daraa sida loola tacaamuli lahaa dhamaan caqabaadka jira oo dhan, waxaan u raaciyey xikmaddu inaysan Lumin oo la aamino dhiig in wax lagu hirgaliyaa inay keeni doonto inay hirgali waayaan dhamaan howsha la doonayo in laga guul gaaro, kumana haboona collaad iyo dhiig, waxay ku haboon tahay iskaashi, is afgarad iyo hanaan wanaagsan oo si guud loo wajaho oo aan kala sooc, iyo groupaysi midna lahayn oo dadka si wada jir ah uga wada kalsoon yihiin, haddiise la helo cid goonigeeda uga wakiil ah diinta islaamka, waxay noqonaysaa in arimaha oo dhan ay noqdaan hal bacaad lagu lisay, micnana yeelan mayso, waxayna abuuraysaa qalalaase diimeed ooh or leh.

Waxaan qiyaasayey ninkaa odayga ah inuu ku fekerayey oo kaliya in qasab mooyaane aan wax kale la jirin, waxayna ahaayeen koox isku xiran oo inta ku dhex jirtayna ka duwanayd, waxayna ugu dambeyntii keentay wixii laga baqanayey oo ummadda soomaaliyeed wixii ay u baahnayd oo dhan ayaa laga dhigay meel cidla ah, looguna badalay in ayagoo ay dhibaato joogto ah ka qaadaan.

Maanta ururada diiniga ah ee ka dhisan caalamka islaamka maalinta meel ayaa laga saaraa oo culeys ka fuulaa, waxayna ku xiran tahay hadba sida agendaha ugu hirgalay meesha ay doonayaan inay ka daciifeen ragasi, haddana looga kicinayo meel kale oo dagan, sida hadda ka jirta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee MAALI, iyo Waqooyiga dalka Nayjeeriya oo ay dagan yihiin Ummad Islaam ah, iyo waddanka Central Africa ee Muslim-ka laga dhigay sida Baahal dadka Cuna oo kale, iyo sida loo Burburiyey Masaajidyadii ku yaala dalka Angola ee dhamaan cididada loo siibay.

Dhamaan waxaad dareemaysaa inay tahay hanaan lagu dabar jarayo dagaalka lagu qaaday Islaamka iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto dunida muslim-ka, looguna diidan yahay inay dagto ayadoo loo adeegsanayo isla Kalimadda Jihaadka, meelaha lagu qaadayana ay tahay oo kaliya dunida Islaamka oo laga Reebay Khaliijka.

MAXAAN U BAAHANAHAY SI AAN U HELNO NABAD, BARWAAQO, IYO DAGANAAN?

Ummadda islaamka ah gaar ahaan Soomaalida inay fahmaan halka dhibaatada naga soo gaarayso iyo systemka ay nagu soo galayso, maanta dalkeena waxaa jooga alshabaab oo la leeyahay waxaa raacdaysanaya awooda isu tagay, oo midba mahaca leeyahay dahana ugu dambeeyana ay tahay waddankastaba waxay baahidisi tahay, Itoobiya ayaa dhex lugaynayasa dhulkii soomaaliyeed oo xarumo ciidan ka sameysanaysa dalka gudahiisa, micnaha waa alshabaab, Kenya ayaa Joogta dhulka soomaaliyeed waxayna ku joogtaa Micnaha alshabaab, dadkii ayaa la laynayaa micnahana waa alshabaab, ninkii ka soo horjeesta wuxuu noqonayaa alshabaab, ninkii diida waxaa loogu yeerayaa magaca alqaacidda, feker xor ah oo ka dhex dhici karaa ma jiro, Uganda waxay ka faa’iidey arimaha soomaaliya laba sheey oo dhibaato ku ahayd, 1- Mucaaradkii lagu dul hayn jiray ee shacabka Uganda Cirib goyn jiray, oo laga baabi’iyey, oo maanta aysan dagaal kula jirin, iyo dhaqaale xoog badan oo ka soo galay ciidanka soomaaliya ka jooga, oo inay ku dhamaadaan uga wanaagsanaan lahayd intay ku soo noqon lahaayeen dalka Uganda, maxaa yeelay dunida ciidamada ka yimmaada dagaalo meelaha lagu galo, waxaa lagu sameeyaa hubka dhigis, ama waa la karantiilaa ee ciidan meel joogo lagama dhigo, sidaas darteed Uganda wax dan ah kama laha ciidanka ka jooga dalka soomaaliya, in lagu laayo ayaa uga qiima badan, ayna ku badashaan Malaayiin dollar.

Fahamka haddaanu naga qaldamin Ururka alshabaab caadiyan markaad soomaalida Koofurta Joogto waxaad ku arkaysaa inuu Soomaalida Ciidan ahaan ka adag yahay oo uu ka baqanayo ciidamada dalka ku soo galay ee soomaali collaad uun kala dhaxaysay, tusaale markuu nin soomaaliyeed ka hor yimmaado ninka shabaabka ah waa la dagaalamayaa, markuu ka horyimmaado midka ajnabiga ahna waa ka baxsanayaa oo waa ka cararayaa, micnaha meeshaas ku jiraa waa uun baabi’inta dhalinta soomaaliyeed oo laysku dilo iyo in chance fiican la siiyo gumeysiga cusub si loogu baahiyo dhulweynaha soomaaliyeed.

Shabaan hadday ka shaqeynayaa daganaan iyo deegaan soomaaliyeed, ayna aaminsan yihiin midnimada ummadda waxay la iman lahaayeen wax badbaadin kara ummadda soomaaliyeed oo aan kaliya hayn dagaal, waxay heshiis la gali lahaayeen dowladda, waa hubaal in dowladdu reer galbeed caawiyaan, waana hubaal in alshabaab in ay caawiyaan isla kuwa dowladda caawiya, haddanay ahayn kala taaga ku dhacay dowladda iyo ururkaani maba jirteene, waxay isugu iman lahaayeen sidaTaalibaan oo ah urur ku dhisan fekerka Pakistan, iyo dowladda ku dhisan fekerka Reer Galbeedka, taasoo keentay in laysugu yimmaado  dalka Qatar, si loo wada hadashiiyo, ugu dambeyntiina wax micna leh loo gaaro.

Dhamaan Tusaalooyinka aan bixinayo aqristoow bal daawo oo aad u dhuux, si maskax furan u raadso macluumaadka aad u baahan tahay kadibna, bal faham sida dunida caadiga ah iyo dunida qarsoon ugu howl galaan dunida islaamka oo dhan, iyo sida ceelka laga soo bixi la’yahay ugu dhacday, iyo sida ugu macquulsan ee looba badbaadi karo mushkilladda dunida islaamka haysata.

Illaahay ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay, i gaarsiiyey waxaan Awoodi karo inaan soo Bandhigo...

Ibrahim Abdi Geele
ibrahim.geele@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.