Jiiftada: Maan maran! - By Bashiir M. Xersi

By Bashiir M. Xersi - Maansadan oo magaceedu yahay “Maan maran” waxay soo baxday 28/08/1012 oo ah maalinnimo Talaadadaa, maalintaa oo ku beegan maalin loo madlanaa xulashada Guddoonka Baarlamaanka, madashu waa Muqdisha, Murashaxiintu waa dhawr, aad baa loogu wada mashquulsan yahay (...)
Faallo Keydmedia Online
Jiiftada: Maan maran! - By Bashiir M. Xersi

(...) intii doorshadu socotay ayaa waxaa dhacay waxyaabo si markii loo fiirsho iska caadi ah, haddii si kale loo fiirshose ah dhacdo xun.

Marka laga soo tago isku dhexyaaca madasha ka jiray, buuqa iyo sawaxanka, inta taagan iyo inta fadhida inaysan kala yarayn, inta hagaysa madasha iyo inta fadhida inay isla ekaayeen, inta martida ah iyo inta kale inay isla ekaayeen, qaylo iyo qulaan sidii loogu jiray ayaa mar qura madashii laga waayey Guddigii Doorashada, xilli ay ahayd in la sii amba qaado daadahinta kulanka, mase dhicin!

Ma qaadan weyn dhacdada, ma filan weyn, ismana dhihin maxay u dhacday? Ee waxaa mar qura igu soo dhacay inta kol ee aan madal la fadhiyo ka dheceen wax ka liita, isla markii ayaa maankayga ka soo maaxdeen erayadan aan dareenkeeda la qabin, maalin kastase la arko ama ay dhacdo. Warka yaanan idin ku badin ee maansadii waa tane, ka bogasho wacan:

Jiiftada: Maan maran!

Maamul aan hoggaan qabin  
Majarihii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 
Anigaa masuul ka ah
Adigaa masruuf raba
Isagaa maciin u ah
Annagaa muqaawila
Idinkaan midnimo rabin!
Is maandhaafka jira iyo

Is mari waaga taagani

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 
Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Maqaar saarka joogiyo

Madaxtooyo aan jirin

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 
Hanti waa ma guurtee

Maal aan xisaabnayn  
Mooro aan ku oodnayn
Wax musuqa ma waayee!  
Malaayiinta qubanee

Maalayacniga iyo

Miisaan li’ida baxa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!  
 
Muran dawlad noqon waa
Madax noo samayn waa
Manhaj gaara noo diid
Hiddihii mudnaa iyo
In la mooso Dhaqankii
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!  
 
Murrufmaaruf socod jaban
Maqalxumo shirqool iyo
Marti sharaf ku dheeshiyo
Magac laalan oon harin
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Maandhoow warkay maqal

Dunidaan isdaba mari

Majarahay ku socotaa

Milicsiyo hummaag iyo

Saadaalyo muuqaal

Inaan meehaannawnaa

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!     

Muruqeenna kala maqan

Muuqeenna kala jaban

Madmadowga badaniyo

Mugdiguna ku kala jiro

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Inaan Mayrax diirnoo

Haruub Maraq la’aadoo

Makaabiga la gooyoo

Maamuuska laga tago

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 

Samahoo la garab maro

Wanaaggoo la miijiyo

Xumahoo la moosoon

Marna laga gaboobayn

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Masjidyada la xariyee

Digri laga mamnuucay

Inta Mawlac faaruqa

Een loo muraadayn

Miinada qarxaysiyo

Malaayiinta dhimanee

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Madaxdoonka waashee

Marras aan u diirayn

Maato aan u jixinjixin

Maangaabka urursada

Moogahaan wax dhaadayn

Inuu naga dhex muuqdoo

Mabda’eena dumiyaa

Isu taago madaxnimo

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Dhagaxaaba maaxdoo

Biyo lagu manfaco iyo

Macaan laga helaaye

Ma gudbaha ordaayiyo

Mudanaha naftiisiyo

Maqaamkiisa garanayn

Is maqiiqna daynayn

Dadku uu ku maadsado

Inuu nagu mashquulaa

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Inta miririflaysee

Loo dhiibin Maqalee

Mirif loogu imanayn

Mood xoolo nooliyo

Maksab lagu ogaynee

Miraaqyada holcaaya

Inaan madax ka dhiganaa

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Qori is mariska joogee

Qaaroodka meeree

Macaashkiisu yahay “DUUG”

Magaciisu yahay “LIQE”

Mansabkiisu yahay “EBER”

Maqaamkiisu yahay “DHAGAR”

Magantiisu yahay “XUMO”

Malladiisu tahay “GADO”

Murtdiisu tahay “HADAR”

Maragiisu yahay “BEEN”

Masaladiisu tahay “BOOB”

Mahadhabtiisu tahay “UGUB”

Muuqiisu yahay “QIIQ”

Maradiisu tahay “CAYR”

Micidiisu tahay “SUUG”

Marjciisu yahay “TUUG”

Macal weynahaa iyo

Macalluul abuurkaa

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 
Maafiyada tuugtiyo

Jirri Iyo Mariidlaha

Mooryaanta noo tuban

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

 
Mahadhaa qormaysoo

Maaweelo maahane

Maalmaha gudbaayaa

Waxay marag kacayaan

Murugiyo xumaaniyo

Mansabkaynu gaadhniyo

Masiirkeena nololeed.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi - brdiraac@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.