Jubbada Hoose - Galti Iyo Giir-Giir

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Gacmo iyo siyaasad mideysan ayaa guul lagu gaaraa. Reer banaadiriga ayaa marka midnimada tilmaamayaan tusaale waxay u soo qaataan in far kaliya ayan fool dhaqin, runta na waxay tahay in Siyaasad mideysan kaliya guul iyo nabad lagu soo xasilin karo, midnimada na ay ka qeyr iyo wax tar badan tahay kala qeyb sanaanta oo ugu dambeyntii soo dedejin doonto Dagaal Sokeeye.
Faallo Keydmedia Online
Jubbada Hoose - Galti Iyo Giir-Giir

Galti iyo giir-giir waxay ku Abtirsadaan dad xoolo Dhaqato iyo Beeraley ah noloshooda na ku xallin jiray hadba markaas waxa taagan, taladana looga dambeyn jiray Odayaal Daacad ah kuna xeel dheer Dhaqan wadaag soo jireyn ah ayadoo dhibaatada lagu daaweyn jiray is maqal iyo xeer la wada oggol yahay.

Muddo markii galti iyo giir-giir ay sidaas ku wada deggenaayeen ayaa Kismaayo waxay u gudubtay fowdo, dagaal, iyo qax joogsi lahayn oo ay ka dambeeyaan dad dano Qabiil fulinaayo kuna doodaayo in ayaga keligood ay magaalada leeyihiin.



Dagaalkii Sokeeye wixii ka dambeeyay  dhowr jeer ayaa la isku dayay in mar un kisimaayo loo dhiso maamul wadaag, balse danaha maagaalada waxay u bur-buri jireen oraahdii muddooyin kaan caanka noqotay ( looma dhammo) oo soo de-dejisay in kismaayo soo galaan ciidan ajaanib iyo quwado caallami ah ayagoo kaashanaayo dad daneysta yaal ah oo ay u caddahay madax tinimo.

Markii muddo lagu daalay xarig jiid, jug jug meeshaada joog aya reer kisimaayo meeshi cir ka maleysanayeen ayaa ceeryaamo uga timid iyo wax eyan marna fileyn is qab-qabsikii waxa uu dhaliyay fool xumo iyo Kismaayo oo yeelatay ilaa haatan shan madax weyne oo is diidan, waxaana la filayaa in kuwa  kale ay u bir tumanayo in loo magacaabo madaxweyne, sida muuqato haddii fowdada taagan la xakameyn waayo ugu dambeyntii in loo gudbi doono dagaal xanuun badan.

Magaalada Kismaayo iyo dadka deggen waxaa ku habsatay nasiib darro muddo kor u dhaafsan rubac qarni, mar kasto oo jawi nabadeed soo dhawaadaba waxaa ka kor yimaado kuwa seef la bood ah oo dagaal u hamuun qabo, ay na ka go’an tahay si ujeddadooda ku gaaraan in ay ku kor dagaallamaan dad masaakiin ah ay na ka muuqato diif ku raagtay iyo dar xumo colaadeed, awood damba iyo dulqaad na u lahayn in rag kibray ay mar kale ku kor dur-duriyaan.



Galti iyo giir-giir waxay danta ugu jirtaa in is qab-qabsiga meel la iska dhigo lona jeesto meesha maslaxada ku jirto oo ah wada noolaasho iyo magaalo la wada leeyahay ayadoo ay caddahay in xurguf iyo awood sheegasho meel lagu gaari karin, walaalti nimo wixii lagu waayo waa xaaraan in lagu raadiyo awood ayadoo la isku haleynaayo quwado dibadeed, galti iyo giir-giir ayaa ugu dambeyntii isku haraayo, ciidan dibadda ka yimid abid kulama joogaayo, rag badan ayaa hore ugu soo hungoobay ee aqliga hala kaashado,dhinaca maslaxadda ha loo xagliyo, wax jirin yaa loo gurbaan tumin, awood aadan adiga laheyn na yaa la isku haleynin, dhar dad kale leeyahay dhaxan kaama xigsado, danta ha laga fiiriyo meesha ay ku jirto, yaa lagu sifowin isuma taliso loo talin karin, in talada maanta ku seegto berri lo qoomameynin.

Is magacaabida been abuurka ku dhisan oo ilaa haatan shanta mareyso iyo xishood darrada kismaayo ka taagan haddii dib la isu qabanin waxay ku dhammaan doonta in arrinta ay isu rogto dagaal dhex maro galti iyo giir-giir, sida haatanba muuqato magaalada waxaa ka jiro saan saan colaadeed oo waxa ay noqon doonto la saadaalin karin ee inta goori goor tahay ha loo fariisto wadaxaajood dibna halo  garwaaqsado in talada magaalada loo qeybsado si caddaalad ku dheehan tahay.

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Edmonton London




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.