Ka hortagga Cudurka Cagaarshawga B iyo habka loo Daaweeyo! - Qeybta Koowaad

Maxamed Cali Axmed - Qoramada Caafimaadka ee had iyo jeeraale aan marba ku soo qaadanno Cudur, ayaan sidii aan hore ugu hadlnay Sokowraga iyo Dhiig karka, Qormadaan uga hadleenaa Cudur kale ono isna aan ka halis yarayn labadaa, aadna ugu badan bulshadeenna dhexdooda.
Faallo Keydmedia Online
Ka hortagga Cudurka Cagaarshawga B iyo habka loo Daaweeyo! - Qeybta Koowaad

Cudurkan inta uu hayo waxaa ugu daran dhallin badan oo deeqo waxbarasho oo dibadda ay ka heleen ku waayey waxbarashadii cudurkaa awgii, taa oo run ahaan ah xanuun iyo murugo inteeda leg, in ubaxii dalka berri u soo bixi lahaa ay waxbashada ku waayeen kaliya inay xanuunkaa qabaan, oo dabcan ah siyaasad caafimaad oo dalalkaa u yaal, oo aan annagu faraglin karin.

Waxaa ujeedka qormadu yahay in waalidka iyo dhallinta lagu baraarujiyo halista cudurkan uu leeyahay, ka sokowna maamulka dugsiyada ay aradadu dhigtaan, wasaaradda caafimaadka iyo laanta taallada qaabilsan inay xil gaar ah iska saaraan arrinta caqabadda ku ah aradaa iyo in badan oo umaddeenna kamid ah.

Waxaa lagu qiyaasay ilaa 350 Milyan oo ka mida dadka dunida ku nool inuu hayo Cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya Cudurka Cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida waddamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe, Bariga Fog, Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Waa Maxay Cagaarshowga B?

Cagaarshowga B waa Infekshan ku dhaca beerka oo uu keeno Infekshin Fayruseed. Beerku waa waax weyn oo ku yaal Feeraha hoostooda, ee ah dhinaca midig ee Caloosha korkeeda. Wuxuu leeyahay hawlo badan, oo ay ka mid ka yihiin samaynta xameetida shiidda dufanka, samaynta walaxo kaa caawiya dhiig xinjirowga iyo ka saaritaanka daroogada iyo sunta jirka. Waxa jira dhowr nooc oo Fayrusyo kala duwan ah caabuq ku ridi karo Beerka, iyaga oo Cagaarshowga A, B, iyo C ay yihiin kuwa ugu badan. Fayrus kasta waxa u leeyahay samays leh dhaqan iyo hiddo-raac u gaar ah.

Maxaa keena Cagaashowga B?

Cagaashowga B waxa keena Fayrus lagu faafiyo taabshada dhiigga qofka qaba Infakshanka. Inta badan, waxaa la isku qabadsiiyaa wadaagga cirbadda marka la istcimaalayo isku mudka isticmaalka duroogada iyo summada ama daloolinta jirka marka la isticmaalo aalado wasakhaysan, la wadaagga cadayga ama qof qaba cudurka la wadaagid galmo aan badbaado lahayn. Cagaarshowga B sida qaalibka ah Fayruska ayaa badanaa hooyadu u gudbisaa ilmaha markay ummuleyso.

Waa maxay Calaamadaha laguu garto Cagaashowga B?

Calaamadaha Cagaashowga B lagu garto waa kala duwanaan karaan, muddada Infekshanka sonkorowga ayaa noqon kara muddo gaaban ama daran (cusub) marka loo eego ka joogtada ah (wakhtiga dheer jira) oo waxaa laga yaabaa inay qof-ka-qof u kala duwan yihiin. Dad badan ayaan ku yeelan calaamado gaar ah Infekshankan uu ku yeesho jirro dhexdhexaad ah oo sida hargabka oo kale ah. Hase ahaatee, maqnaanta calaamaduhu ma aha micnaheedu in Infekshanka la xakameeyay ama uusan jirin ama dilmayba.

Calaamadaha Cagaashowga B ayaa laga yaabaa inay u ekaadaan kuwa hargabka, oo waxaa ka mid noqon kara dareen daallanaan, lalabbo, qandho iyo waliba xanuun dhinaca kore midig ee caloosha, cunta cunista  oo liidata, kaadi midabka dhiin-madow xiga ah, saxaro jilicsan iyo indhaha iyo maqaarka oo jaalle noqda (joondhas).

Sidee lagu ogaan karaa Cagaarshowga B?

Dhakhtarkaaga wuxuu kugu amri doona inaad baaritaan dhiig  ah samayso si loo qiyaaso jiritaanka iyo darnaanta burburka Beerka. tijaaboyinka sheybaarka uu sheegi doonana waxa ka mid noqon kara:

 

  • Falgal dedejiyeyaasha Beerka: Sare u kaca kuwaas ayaa tilmaamaya caabuqa Beerka
  • Bilirubin: Jajabka “hemoglobinta” ku jira unugyada dhiigga cascas ayuu Beerku sifeeyaa .
  • Albumin: Waa burootiin uu sameeyo Beerku, heerarkiisa hooseeya ayaa muujinaya burburka Beerka 
  • Wakhtiga Prothrombin ama INR: Qiyaasita hawsha xinjirowga dhiigga uu saameeyo Beerku

Dhakhtarkaaga ayaa waliba ku weyddin doona taariikh caafimaadka oo faahfaahsan ee ku saabsan hadday cudurro hore kuugu dheceen qaababkii xanuunku kuu qabtay, markaana kaa wareysanaya qodobbada halista u ah Cagaashowga B sida isku tagga aan badbaadada lahayn, istcimaalka darooga la isu duro, dhiig bxixinta iyo ku dhibiddaba, dalka dhalasho iyo taariikh qoys Cagaarshowga B.

Tijaaboyin  kale oo dhiigga ah ayaa go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.