Ka Tashada Shiikh Shariif, isku Tiirsanaada!

Dr. Ali. A. Hirabe - Waxaa la joogaa in laga Tashado Sh. Shariif sabbabta oo ah waxaa uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.
Faallo Keydmedia Online
Ka Tashada Shiikh Shariif, isku Tiirsanaada!

Heshiiskii Impagati waxaa ay umada is laheeyd waxa baa Somalida u sameeysmay rajo iyo hami soo celinta qarankii Somaliyeed ayaa leeyslahaa waa uu bilawday balse waxaa burburiyay hadafkii guracanaa ee C/aahi Yusuf uu ku soo kaxeeystay Ethiopia kuna gumaaday malaayiin Somali ah oo u dhashay koonfurta Somalia sida G. Hiiraan, G. Bay, G.jubada hoose, G.sh/dhaxe iyo Caasimadii Somalia ee Muqdisho.

Waxaa C/aahi Yusuf  la socday wax magarad ka soo jeeda Koonfurta Somali oo is lahaa rajo qaranimo ayaa la soo celinayaa, Sh.Shariif oo ahaa hogaamiye xiligaa aad loo jeclaa, lahaa dhaqan hogaanimo ayaa ku guuleeystay in uu C/aahi Yusuf iyo riyadii gumeeysiga Ethiopia ku tilmaamo mid aaneey Somalida ogolaan karin.

Waxaa door shariif ah ka qaatay r/wasaare Nur Cadde oo ahaa Aabaha furihii lagu furfuray siyaasadii Maquuste iyo Ethiopia sidii dalka looga saari lahaa,waxna looga bedeli lahaa siyaasada gumeeysi doonka ah ee xiligaasi jirtay. Maxaa is bedalay maanta?????

Waxaad arkeeysaa waxii laga dagaalamay ee ahaa Ethiopia dalka,dadka iyo diinta Somalia waxba kuma laha oo aay u dhinteen malaayiin Somali in xiligaan Sh.Shariif si aanan gabasha laheeyn u ogolado in Ethiopia iyo Kenya dalka iska soo galaan, ku gumaadaan shacab Somali ah,runtii waa xadgudub iyada oo la ogyahay in fikirka uu yahay kii C/aahi Yusuf  balse aay weli nooshahy Ethiopia jaceelkii C/aahi Yusuf oo kale.

Shariifka waxaa uu Somali oo dhan ka soo dhaweeystay Faroole oo aanan xil ka haynin dowlada dhaxe balse ah gudoomiyaha gobolka Nugaal, akhlaaq aanan laheeyn, garankarin Somalida waxa aay isku tahay dhulkana uu yahay dhul Somali.

Waxaa ila quman in reerwalbaa uu isku noqdo geed hoostiis uu fadhiisto,falanqeeyo sida siyaasada u socoto iyo sidii loogu gudbi lahaa xaqdarada Shariifka uu umada u horseeday,waxaan hambalyo u diraayaa SSC sida aay u garteen xaqa aayaha shacuubta Sool iyo Sanaag.

Waxaan leeyahay Hawiye iyo Digil iyo Mirif dib u fiiriya sida wax u socdaan iyo sida SSC ugu gudubtay kuna go´aamiyeen in xaqa shacuubta Sool iyo Sanaag aay mudan tahay in aan Somaliland iyo Puntland wax laga weeydiin inta aay nool yihiin ,taasi waxaa sabbabay midnimo iyo biseel dadnimo tusay in umada u dhalaty SSC mudan tahay in la mideeyo lagana shaqeeyo nabada iyo wadanoolaanshaha dadka dhulkaas degen.

Maxaa u diiday Mudulood in aay si siman u fadhiistaan ayaga oo mideeynaya maskaxda iyo maalka ayagoo ka faaiideeysanaya nabada Muqdisho maanta ka jirta in aay gorfeeyaan dhibaatada soo socota iyo mida hada lagu jiro ,waa sharaf dhac in aad kaarka saarataan Shariif oo Garowe  ka doortay Muqdisho,sabbabta oo ah waxaa uu xaqiray Muqudisho shacabkii degenaa Raodmapkana kuma jiraa balse waxaa aay noqdeen kuwo masiirkooda laga soo gooyo Garowe.

Canshuurta dekedaha Bossaso iyo Barbara haddii aayan dowlada dhaxe eeyan qaadaneeyn maxeey dekeda Banaadir canshuurka u sii neeysaa dowlada dhaxe ?? R/wasaaraha iyo golahiisa wasiirada musharkooda waa in uu ka yimaada dhulka Somali oo idil  not canshuurta dekeda Muqdisho.

Shariifka weli kama uusan fikirin ciidamada shisheeye ee dalka ku soo qulqulmaya xiliga laga saarayo dalka oo Raodmapka xitaa kuma jirto,reer Muqdisho haddii aayan ka fikirin maanta  cawaaqib xumida aay leedahay ciidamada ku soo qulqulaya Muqdisho ee AMISOM.

Ethiopia iyo Kenya waxaa aay dhaxalsiin doontaa in gumeeysiga uusan weligiin ka bixin Muqdisho maalin walbana uu gumaado shacabka Somali,haddii aanan la sameeyn qorshe looga saarayo ciidamada shisheeye laguna bedelayo ciidamo qaran dhibkeeda ayeey leehaan doontaa, Maamulka Puntland iyo Somaliland ciidan qaran ayaa u dhisan, cidna uguma dhimaneeyso xamar balse reer Muqdisho tashada inta aanan leeydiin talin.

Qabiilwalba  in uu ka tashado aayihiisa waa wax xaq ah balse qabaliyada ayaa ah mid umada u horseeda halaag.

Faroole in uu dhahaa R/wasaara waa reerkeena waa qabaliyada waayo uma arko r/wasaaraha r/wasaare Somali,reer Hiiraan C/aahi Yusuf intii uusan Ethiopia dalka soo gelin waxaad laheeydeen maamul iyo odayaal guurti ahaa balse C/kariin Laqanyo ayaa ka doortay in uu noqdo Safiirka Ethiopia ee Somali asaga oo ahaa madaxweeyne midelland sabbabayne burburkii maamulkii Hiiraan.

Maanta waxaa quman in aad geed fadhiisataan cidna idiin diidi kartaa ma jirto waxa aad rabtaan haddii aad mid tihiin,sharaf dhac waxaa ah C/weli ragii martigeliyay in uu diido waa xishood la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.