Kalsooni-darrida laga qabo doorashada

Musuq-Maasuqa doorashada

Faallo Keydmedia Online

Musuqmaasuqa doorashada waxaa aabbe iyo hooyo u ah kooxda haysa xukunka. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo wuxuu 4 sano ku mashquulsanaa sidii uu ku haysan lahaa xukunka sanooyin badan, wuxuuna xoogga saaray labo arrimood: inuu qaso diyaarinta doorasho hal qof iyo hal cod ama nooc doorasho kale ee heshiis lagu yahay si uu u helo waqti kororsi sanooyin ah ama inuu meelmarsado doorasho ku shubasho ah.Musuqmaasuqa doorashada

Musuq-Maasuqa doorashada

Wuxuu ku dhaqaaqay inuu labada xeelad isku bar bar wado. Wuxuu mardadaabinayay diyaarinta doorashada hal qof iyo hal cod 2020/2021 ee heshiiska lagu ahaa, wuxuuna abuuray jaahwareer ugu dambeyn abuuray ismarinwaa siyaasadeed.

Barlamaanka Federaalka (BFS) wuxuu ka gaabiyay mas’uuliyadda ka saarneyd diyaarinta nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay, xoojinaya midnimada, xasillonida, iyo sinnaanta Shacabka Soomaaliya, fulintiisa ay caddahay. Beesha Caalamka iyo mucaaradka waxay bilaabeen qaylo dhan ay uga soo horjeedaan waqti kororsi, taaso fashilisay ujeedada koowaad ee Farmajo

Xeeladda labaad, Farmajo wuxuu olole ku qaaday dhammaan Madaxweynayaasha DG si xilka looga qaado, looguna beddelo Madaxweynayaal daacad u ah asaga iyo kooxdiisa. Dagaal iyo mu’aamarad dheer kaddib, wuxuu ku guuleystay in madaxweynayaal la safan, daacad u ah loo caleemo saaro DG Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbeed; Wuxuu magacaabay Guddiga doorashada federaalka ay xubno ka yihiin saraakiil uu soo xushay. Wuxuu magacaabay guddi kale ee qaabilsan doorashada xildhibannada Soomaliland. Wuxuu la wareegay maamulka gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland si uu maamulo doorashada kuraasta loo asteeyay Gobolkaas. Ujeedada tallaaboyinkaas waxay tahay meelmarsiga doorasho ku shubasho ah.

DG Puntland iyo Jubbaland waa labada DG oo ka badbaaday ilaa hadda weerarka Farmajo, diiday gacan dhaafkiisa iyo afduubkiisa xagga doorashada, xagga siyaasadda, nabadgelyada, iyo maamulka. Sidaa darted, madaama DG Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle ay la safan yihiin Farmajo oo aysan aheyn dhexdhexaad, kalsooni-darro xoog leh ayaa ka taagan doorashada federaalka ee lagu qabanayo 3da DG iyo Gobolka Benadir. Odoroska wuxuu yahay in doorashooyinka federaalka ee ka dhici doona 3da DG iyo Gobolka Benadir ay ka dhalan doonaan xasarado, khilaaf, iyo dagaal.

Kaddib markii Madaxweyne Farmajo oo muddo xileedkiisa dhammaaday uu 19kii febraayo amar ku bixiyay in ciidammada dowladda weeraraan saqdii dhexe habennimo labo Madaxweyne hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamud iyo guddoomiye barlamaan hore Sharif Xassan Sheikh Adan oo jiifay Hotel Maa’ida, isla markaana la dhegeystay khudbado uu ku weerarayo Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe waxay ka shakiyeen khatarka Farmajo ka imaan karta waqti kasta. Sababta loo weeraray Madaxdii hore, waxay aheyd inay damacsanaayeen in subaxa Jimcaha 19ka Febraayo ka qaybgalaan bannanbax looga soo horjeeday doorashada daahday iyo xilsheegashada Farmajo.

Khatartaas dhabta ah waxay Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe ku khasabtay inay codsadaan in Farmajo ay kula kulmaan xerada Xalane oo ah deegaanka wakiillada Beesha Caalamka gaarka u ah, ayna ilaaliyaan Ciidammo ka socda Ururka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay soo oggolaaday. Xerada Xalane iyo Garoonka diyaaradaha waa dhul soomaaliyeed oo ka mid ah Gobolka Benadir - Magaalada Muqdisho- haseyeeshe nabadgelyadiisa u xilsaaran yihiin ciidammada ururka Afrika kuwaaso ilaaliya xafiiska iyo guriga Madaxweynaha JFS.

Labada Madaxweyne waxay kaloo codsadeen in dalalka lagu tilmaamo saaxibada Soomaaliya ( international partners of Somalia) goobjoog ka ahaadan wada hadallada u dhexeeya DF iyo DG kuna saabsan qabashada doorashada federaalka dadban ee khilaafaadka ku gadaaman yihiin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 3da DG - Hirshabelle, Galmudug, iyo Koofur Galbeed - ay ka soo horjeedaan codsiga Puntland iyo Jubbaland, ayna la safan yihiin Mowqifka aan xikmadda ku fadhin ee Farmajo.

Xurguf iyo cabsi midna kama dhex jirto Puntland iyo Jubbaland iyo 3da DG, haseyeeshe Puntland iyo Jubbaland waxay caddeeyeen inay ka welwel ka qabaan xadgudubyada iyo sharcidarrada DF kula kacday Madaxdii hore, dhibaataasoo 3da DG ay la socdeen, iskuna dayeen inay wax qabtaan, haseyeeshe ay guuldareysteen. Gaar ahaan Madaxweyne Qorqor iyo Cali Gudlaawe waa ka cudurdaareen dhibaatada DF geysatay. Sidaa darted, ma jirto sabab Galmudug iyo Koofur Galbeed uga shakiyaan welwelka Puntland iyo Jubbaland ka qabaan hab dhaqanka Farmajo. Waxaa la isku raacsan yahay in Xerada Xalane ay tahay meesha ugu nabadgelyo fiicaan, joogaan saaxibadda Soomaaliya, uguna habboon.

DG Galmudug waxay martigelisay shirarkii DF iyo DG kaddib markii Puntland iyo Jubbaland diideen in shirarkaas lagu qabto Villa Soomaaliya iyo Garowe. Tan kale, DG Hirshabelle iyo Galmudug waxay kaalin ku lahaayeen shirarkii dhexmaray Ra’iisul Wasaare Roble iyo Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS ee lagu qabtay Hotel Decale Muqdisho, ayadoo Midowga Musharrixiinta, Puntland, iyo Jubbaland ay isku mowqif yihiin. Ma jirto dhibaato 3da DG uga imaaneysa ku qabashada shirka u dhexeeya DF iyo DG Xerada Xalane oo Hotelka Decale ku yaal.

Madaxweynayaasha 3da DG waxaa saaran mas’uuliyadda ah inay difaacaan dastuurka kmg, hufnaanta doorashada federaalka, xakameynta xadgudubyada DF, taagerada kaalinta mucaaradka ku leeyihiin ka qaybgalka wada hadalka doorashada federaalka iyo inay dhexdhexaad ka ahaadaan tartamayaasha doorashada federaalka ee kala ah xilhaye iyo mucaarad.

Haddii 3da Madaxweyne aysan dhexdhexaad noqon, waxaa xaqiiqa ah inaysan hirgelin karin doorasho lagu kalsoon yahay, taaso khatar ku ah mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Saddexda Madaxweyne ee DG Hirshabelle, Galmudug, iyo Koofur Galbeed waxay garowsan la’yihiin inay mas’uul ka yihiin ilaalinta sharciyada dowladnimada Soomaaliya kaddib markii ay dhammaadeen muddo xileedkii BFS iyo Madaxweynaha JFS. Tan kale, madaama Farmajo yahay musharrax weli gacanta ku haya awoodda dowladda federaalka si sharcidarra ah, waa qalad in shirka ku saabsan doorashada federaalka laga reebo mucaaradka, isla markaana Farmajo ka taliyo guddoominta iyo maamulka shirka.

Beesha Caalamka waxay kaalin ku leedahay habsami u hirgelinta doorashada federaalka xagga dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo ilaalinta hufnaanta maamulka doorashada. Sidaa awgeed, waa xilkasnimo-xumo, doqonnimo, waqti lumis, iyo xadgudub in laga murmo kaalinta hoggaamineed ee Beesha Caalamka ku leedahay wada hadallada doorashada iyo goobta lagu qabanayo. Xerada Xalane waa goobta ugu habboon.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.