Kenya: Maamulkii Ay Damacsaneed Inay Jubbooyinka Ka Hirgaliso Oo Fashilmay!

Keydmedia Online - Danaha Shirkadaha Shidaalka [Multinational Oil companies] oo adeegsanaya Dowladaha Dariska ah, Dowladaha Dariska oo ayaguna markooda adeegsanaya Qabqablayaal Dagaal oo Garawaati qaba, Keydmedia Online waxey Qoroola Xog ku saleysan kasoo qortay Labo Sano kahor.
Kenya: Maamulkii Ay Damacsaneed Inay Jubbooyinka Ka Hirgaliso Oo Fashilmay!

Xagtaan laga helay Xafiiska IGAD ay ku leedahay Magaalada Nairobi waxaa Keydmedia Online, soo gaarsiiyey Dad ka Cududaartay in ay Magacooda sheegaan oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Mashruuca Siyaasadeed ay IGAD Madaxa ku hayso oo lasoo Turjumay, Halkaan ka Akhriso.

  1. Waa inuu Madaxwayne ka noqdaa Jubbaland Nin kasoo Jeeda Daarod Beesha Ogadeen si uu u fududeeyo danaha ay ka leeyihiin Wadamada Dariska iyo Shirkadaha Caalamiga.
  2. Ninkaas Waa in u noqda mid dhawri kara Tabogalinta Heshiisyada, Daafici karana Danaha Wadamada Darisku ay ka leeyahiin Jubooyinka Soomaaliya.
  3. Qoraalka waxaa ka mid ah, inaan lawada Xorayn Goboladda Jubooyinka waayo hadii la xoreeyo waxaa soo baxaysa in ay yimaadaan Ciidamo badan oo ay leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasoo awood u yeelan karta inay is hortaagto Danaha Wadamada Dariska qaarkood iyo Shirkadaha Caalamiga ee horey Heshiis Qarsoodi ah ula galay Shaqsiyaad Qaarkood.
  4. Qoraalka la soo Turjumay waxaa ku Qoran in Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed aan loo gudbin Dastuurka dhabta ah, si aysan uga Biyo diidin Heshiiska, laguna Qanciyo Dhaqaale.


Shaxda Madaxda Maamulka lagu magacaabay "Jubballand State" IGAD sidaan bay u kala Digtay:

  • Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland State (Ogaadeen)
  • Madaxwayne ku xigeenka koowaad (Gaaljecel) 
  • Madaxwayne ku xigeenka labaad (Cawromaleh) 
  • Madaxwayne ku xigeenka sedexaad (Mareexaan) 
  • Gudoomiyaha baarlamaanka (Majeerteen/Ciise Maxamuud)
  • Gudoomiye ku xigeenka koowaad (Bartire/Absame) 
  • Gudoomiye ku xigeenka labaad (Baajuun)
  • Gudoomiyaha gobolka Jubada hoose (Ogaadeen) 
  • Gudoomiyaha gobolka jubada dhexe (Ogaadeen)
  • Gudoomiyaha gobolka Gedo (Mareexaan/Faqiyaaquub) 
  • Gudoomiyaha degmada Kismaayo (Majeerteen) 
  • Gudoomiyaha degmada Bu’aale (Ogaadeen) 
  • Gudoomiyaha degmada G/hareey (Mareexaan/Reer Garaad)

Caasimada dawlad goboleedka waa Bu’aale waana lama taabtaan.
Baarlamaanku waa 65 xubnood waxaana laga soo xuli doonaa 15 Degmo oo kala ah:

A - Kismaayo 7 xubnood

B - Bu’aale  6  xubnood

C - G/hareey 4 xubnood

Iyo Degmooyinka kale oo leh min 4 xubnood ah. Waxaa Baarlamaanka soo xulaya Madaxwaynaha.

Golaha Wasiirada waa 10 Wasiir waxaana loo qaybsaday sidatan:

  1. Wasiirka arimaha dibada (Ogaadeen/Cawlyahan)
  2. Wasiirka Gaashaandhiga (Majeerteen/Cumar Maxamuud) 
  3. Wasiirka arimaha gudaha (Jareer wayne
  4. Wasiirka dastuurka (Mareexaan/reer Diini) 
  5. Wasiirka macdanta iyo biyaha iyo qayraadka badda (Reer Aw-xasan) 
  6. Wasiirka isboortiga iyo isgaarsiinta iyo shaqaalaha (Baajuun) 
  7. Wasiirka Dalxiiska iyo duurjoogta (Hawiye) 
  8. Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska (Dhulbahante) 
  9. Wasiirka warfaafinta (Awrtable) 
  10. Wasiirka maaliyada iyo lacagta (Laylkase)

Intaas waxaa ku dhamaaday qaybsigii Wasiirada .

Keydmedia Online Waxaay Aqristayaalkeeda ka Codsaneysaa in ay u kuurgalaan Arintaan in ay tahay Qoraal la mala Awaaley iyo tahay Arin Xaqiiq ah oo Ciidamada Dawladda Kenya ay mar kaliya Jug ugu soo yiraahdeen Gobbolada Jubboyinka oo ay waliba iska Dhagatireen Baaqyadii Faraha badnaa oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Dowlada Kenya.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.