Ayaanle Hussein:

Keydmedia waxay buuxisay kaalin loo baahnaa 

Faallo Keydmedia Online

Shalay waxey aheyd tobonguuradii Keydmedia Online, waxaan leeyahay, hambalyo. Keydmedia waxey Saxaafadda Soomaaliya kusoo kordhisay hab casri ah oo macluumaadka loo soo gudbiyo

Keydmedia waxay buuxisay kaalin loo baahnaa 

Waxa markiiba saameynta u yeelay Keydmedia ma’ahan oo kaliya wararka iyo faallooyinka joogtada ah oo dad badan soo jiitay ee waxaa wehliyay soo bandhigista macluumaad iyo dhacdooyin ugub ah kuwaasi oo aan loo hayn marqaati nool (itus oo itaabsii), gaar ahaan aafooyinki dagaalki sokeeye iyo xaqiiqda wixi dhacay. 

Keydmedia durba waxay kasbatay dareenka akhristayaal iyo daawadayaal gu’ iyo garaadkoodu kala duwanaa, kuwaas oo isugu jiray kuwo la dhacsanaa iyo kuwo ka soo horjeeday, sida inta badan laga dheehankaray fal-celinta ay ku reebayeen qeybta rayiga ee maqaalada ama muuqaalada. Waxaan u maleynayaa dadku isku dooq ma’ahan oo qofba waxbaa ka anficikaray Keydmedia ee haddaba aniga ka Ayaanle ahaan maxaa iga anfacay.

Keydmedia Online waxay ahayd warbaahinti ugu horeysay ee aan ka daawado muuqaal dheer ama daqiiqado fiican socda oo ku saabsan dagaaladi sokeeye, kuwaas oo shaqsiyan aragti iga siin karay wixi dhacay iyo dareenki dadku kala qabeen, gaar ahaan kuwi dagaalka ku jiray ee ciidanki iyo saraakiishi labada dhinac. Waxaan u maleynayaa fursad uma aanan helneen in aan muuqaaladaas aragno, haddii aysan ahaan lahayn Keydmedia.

Waa dhab in ay ahaayeen dhacdooyin taariikheed oo xannuun badan haddana waxaan ogaaday in wax badan oo la sheegi jiray ay kutiri kuteen ahaayeen marki aan arkay muuqaalada oo aan mid iyo laba ahayn.

Muuqaaladdu waxay sawir dhab ah ka bixinayeen xaaladda uu dalku ku sugnaa sida, barakaca, qaxa, baahida, biyo la’aanta, burburka dagaanka, jahawareerka bulshada iyo kala aaminbaxa beelaha. Waxaan daawaday muuqaal aad u xanuun badnaa oo muujinayay rag hubeysan oo dagaal ku jiray oo ay qabteen ciidamada SNA, kuwaas oo gaajo iyo haraad ay qabeen u dheereyd cabsida ay ka qabeen cidda ay u gacan galeen, laakin cabsidi ayaa ka ba’day marki biyo iyo barax la siiyay. Waxay taasi ii muujisay in ay been aheed hadalladii la isla dhexmari jiray oo aheyd in aysan jirin cid cidda kale bixisa oo badbaadisa.

Anigu waxaan aaminsanahay in muuqaalada Keydmedia Online ee ku saabsan Dagaalki Sokeeye ay qeyb weyn ka qaadan-karaan raad-raaca taariikhda wixi dhacay iyo dambi ku oogista shaqsiyaadki ku lugta lahaa.

Waxaan rumeysnahay oo kale in dad badan oo laga yaabo in ay mar kale dambiyo galeen ay ka naxeen marqaatiga ay ku furtay Keydmedia, taas oo dhanka kale ka hortageysa in qof dambe uu ku dhiiraddo in uu ka qeyb qaato hurinta dagaal sokeeye.

Haddii si wanaagsan looga faa’ideysto muuqaalada Keydmedia waxay kaalin-weyn ka qaadankaraan uruurinta taariikhdi madoobeyd ee Soomaalida, gaar ahaan wixi dhacay inti uu socday dagaalki sokeeye, waxay iyada oo aan malo-awaal ahayn dib looga sameynkaraa documentiyo, filimo iyo sheekooyin wax ka badali kara hab-dhaqanka dagaalka Soomaalida.

Ugu dambeyn waan ogahay in dadka qaar aysan jecleyn in laga hadlo wixi dhacay, waana sababta loo yiraahdo “xalay dhalay aan ka noqono wixi dhacay” laakin taasi waxaa jecel dadka raba in ay dambiyo kale galaan oo aan loo raacan.

Daawadu waxay ku jirtaa in qofki dhibka geystay ka qoomameeyo kadibna cafis lilaahi ah ka dalbado ummadda, qof kasta oo raba in daawo dhab ah la gaaro waa in uu aqbalaa dulqaadna u yeeshaa daawashada dambiyadi dhacay, iyada oo ujeedadu tahay kii dhibka geystay iyo kuwi loo geystay labaduba ay kawada xunyihiin waxa dhacay.

Waxey kaloo gogol dhig u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo dhexmarta dadka Soomaaliyeed.

Ayaanle Xussein Cabdi - Agaasimaha Hanoolaato

Facebook/hanoolaato




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.