Keydmedia iyo 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

12-June 2010 ayeey aheyd markii si toos ah ay u howl bilowday warbaahinta keydmedia waxaana tan iyo dharaartaasi ay waday soo gudbinta barnaamijyo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, warar, Faalooyin iyo Maqaalo dhamaantood ka hadlaya xaalada Dalka ee dhinacyada Siyaasadda, Waxbarashada , Caafimaadka iyo arimaha bulshada intuba.
Faallo Keydmedia Online
Keydmedia iyo 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

SaMarka laga soo tago qoraalada waxa ay keydmedia soo bandhigtaa Video-yo ka hadlaya taariikhda soomaaliya iyo shaqsiyaadka Saameynta ku yeeshay Xumi iyo sama intuba, waxaana ilaa iyo hadda ay dawaadeen bahda ku taxan keydmedia  wareysi laga duubay shaqsiyaad qaarkood ay dhinteen, kuwa ay noolyihiin kuwana markii la bandhigay wareysiyadooda kadib ay geeriyoodeen sida Dr. Max’ed Aadan Shiikh (AUN).

Wareysiyada ilaa iyo hadda ku baxay Barnaamijka DHACDA UGUB AH ee aad Sabti walba ka daalacataan Bogga keydmedia waxaa  ka dhex muuqday shaqsiyaad dhanka siyaasadda iyo arimaha bulshada ka dhex muuqday, Sida Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Dr. Axmed C/llaahi Waayeel, Cumar Xaashi Aadan, Shariif Shiikh Axmed madaxweynaha xiligan, Xasan Daahir Aweys, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Dr. Max’ed Aadan Shiikh, Caasho Xaaji Cilmi, Nabadoon Max’ed Xasan Xaad, Prof. Cumar Idiris iyo kuwa kaloo badan.

Keydmedia waqti iyo maskax badan ayeey ku bixisay sidii shacabka ay ugu soo bandhigi laheyd adeeg warbaahineed oo ka duwan kan looga bartay warbaahinta Online-ka (Websites) waxaana iminka keydmedia si toos ah uga baxa laba barnaamij todobaadlayaal oo u habeysan sida barnaamijyada laga baahiyo Tv-da Caalamka ee horumaray, waxaana barnaamijyadaasi la kala yiraahdaa: DHACDA UGUB AH, waxaa la soo bandhigaa Sabti walba waxaana mar walba lagu soo bandhigaa wareysi ku saabsan arimaha Siyaasadda Soomaaliya. SOOMAALIDA MAANTAY waa barnaamij Arbaca walba lagu baahiyo Bogga isla markaana lagu eego arimaha bulshada iyo horumarka, waxaana barnaamijkaasi mudadii uu jiray uu wax ka badalay muuqaalka Soomaalida qaxootiga ah ee dunida ku nool ay ka heystaan Dalka , waxaana lagu muujiyay barnaamijkaasi in Soomaaliya inkastoo dagaalo ay dhex maquuraneysay hadana horumar dhinacya badan uu Dalka ka jiro.

Maamulka iyo shaqaalaha keydmedia ee ku kala baahsan dunida Daafaheeda waxa ay in badan rumeysan yihiin mudada sanadka barkiis ah ee ay howashan wadeen in ay qabteen howl aan looga baran baraha Internet-ka ee ku hadla afka Soomaaliga, ha u qaadan akhriste in keydmedia ay si gaar ah isu cajabisay oo ay is amaaneyso balse waxa ay diyaar u tahay wax walba oo talo iyo tusaale ah, waxaana maamulka iyo shaqaalah keydmedia ay diyaar u yihiin haddii aad tilmaameysaan warbaahin ku dayasha mudan oo aad maanka ku heysaan, in ay ku daydaan kana faa’ideestaan aqoon iyo qaab howleed intuba.

Waa hubanti in dad badan ay isa Su’aalayaan waxa helay Barnaamijkii DHACDA UGUB AH ee looga bartay keydmedia sabti walba Todobaadkan, waana taas sababta ugu weyn ee ay keydmedia u garawsatay in qoraalka ay u daabacdo.

Macaamilkeena qiimaha badanow waxaad daawatay 24 qeyb oo ka mid ah barnaamijka DHACDA UGUB AH, kuwaasoo ka koobnaa wareysiyo laga kala qaaday shaqsiyaad Soomaaliyeed oo nool iyo kuwa dhintay intuba, ma ahan in 24-kaas qeyb inuu ku hakaday barnaamijka, laakiin waxaa soo socda qeybo kale oo aad u qiima badan.Waxaana todobaadyadan aan dar dar galineynaa qeybaha soo socda oo bilaaban doona todobaadyada ina soo aadan haduu alle idmo (Insha




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.