Keydmedia iyo howlihii samafalka (Daawo)

London (Keydmedia) - Asalkaba ujeedooyinkii loo unkay ayeey qeyb ka aheyd keydmedia in ay cod siiso dadka dulmanayaasha ah ee aanu codkooda meel sare gaarin, waxaana shaqaalaheeda iyo maamulka ay isku dhaarsadeen in ay ka dhabeeyaan fakarkaas.
Faallo Keydmedia Online
Keydmedia iyo howlihii samafalka (Daawo)

Muda kooban ayeey keydmedia ku soo bandhigtay sheekooyin si weyn u soo jiitay qalbiyada dadka samaha jecel, bal dib u milicso Documentary-dii marqaatiyada cad cad lahaa ee ay keydmedia ka soo sameysay Iskuulka Jibriil Foundation ee deegaanka Lafoole, Nolashii Ibraahim Macalin iyo qoyskiisa, xaalada barakacayaasha, howlaha ganacsiga iyo Muqdisho, xusuusta shuhadadii shaamow, Haweenka iyo kaalintooda iyo kuwa kale oo muhiim ahaa.

Bishii October 2010 ayeey aheyd kolkii keydmedia ay bandhigtay sheeko ku saabsan nolasha qoys danyar ah oo ka koobnaa Aabe, Ayeeyo iyo afar caruur ah, kuwaasoo hooyadood oo ka dawarsan jirtay wadooyinka Muqdisho nolashoodana kaabi jirtay ay ku geeriyootay qarax September 2010 ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Dhamaan inta dareenka damqashada leh ee soomaalida ah si weyn ayeey arinkaasi u taabatay waxaana ay ka sameeyeen fal celin deg deg ah taasoo badashay nolasha qoyskii danyarta ahaa, waxaana keydmedia mar kale ay ku guuleysatay documentary mahad celin ah in ay ka soo diyaariso si shacabka ay ugu dhiira galiso in ay is taageeraan waxna wada qabsadaan.



Mar kale keydmedia waxa ay dib ugu laabtay  kaamkii uu ku noolaa qoyskii Ibraahim oo ah ninka ay nolashiisa ka warbixisay keydmedia ee ay shacabka Soomaaliyeed u gurmadeen, waxaana ay halkaasi ka soo diyaarisay keydmedia Filim ka hadlaya nolasha dadka kaamkaasi ku nool, waxaana ka sakow macaamiisha keydmedia shaqaalaha keydmedia ee filimka soo duubay ay aad uga calool xumaadeen wixii ay ku soo arkeen kaamka, waayo waxaa halkaasi ku noolaa dad danyar ah oo nolashooda ay liidato.

Hooyo Luul Max’ud ayaa ka mid aheyd dadkii ay halkaasi kula kulmeen bahda keydmedia, waxaana sida aad ka arki kartaan filimka Luul ay aheyd qof aan si toos ah u jawaabi Karin isla markaana gacmaha ka hadleysa xanuun dartiis.



Waxaa u diir naxay dadkaasi soomaali qurbaha ku nool oo siyaaba kale duwan taageero maaliyadeed ugu soo dirtay, iyadoo malaayiin doolar sanad walba madaxa masaakiinta Soomaalida ah ay ku cunaan hey’ado magacyo kale duwan.

Ma hakan keydmedia oo howlaheeda samafalka waa ay sii waday, waxayna markii danbe ku guuleysatay in ay ku waana qaataan wax  qabadkeeda xildhibaanada baarlamaanka kadib markii gudiga Gargaarka Baarlamaanka ay maamulka sare ee keydmedia ka soo dalbadeen in loo ogolaado isticmaalka Barnaamijyada ay keydmedia ka soo sameysay danyarta si xildhibaanada ay ugu waana qaataan wax qabadka keydmedia.

Xili ay wada fadhiyaan dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ayna goobjoog tahay saxaafada Dal iyo dibad ayaa waxaa lagu bandhigay xarunta baarlamaanka barnaamijyada keydmedia ay ka sameysay arimaha barakaca iyo daryeel la’aanta danyarta heysata, waxaana halkaasi ay keydmedia ku mudatay hanbalyo iyo bogaadin ay u jeediyeen qeybaha saxaafada iyo xildhibaanada kuwooda aqoonta u leh qiimaha bulshada.

Keydmedia waxay ku dadaashay in ay hesho xog ku saabsan dadka la dulmay ee xadgudubyada la kulmay ayaa waxaa keydmedia u suurta gashay in ay wareestaan Nuur Xasan Xueen oo ay shabaab lug iyo gacan isdhaaf ah ka jareen sanadkii 2009, waxaana Nuur oo si qota dheer uga waramay xaalada sida ay aheyd kolkii la xiray iyo qaabka gacanta iyo lugta looga jaray iyo sidoo kale habka uu u soo baxsaday.

Maadaama dumarka ay yihiin lafdhabarka Nolasha, isla markaana la’aantood aanay waxbadan suurta gali laheyn ayaa keydmedia waxa ay ka diyaarisay Dumarka Soomaaliyeed barnaamij gaar ah oo ay ku muujineyso wax qabadkooda ku aadan dhinacyada kale duwan ee nolasha.

Sidoo kale keydmedia muwduucyada badnaa ee ay ka hadashay isla markaana shacabka ay uga faa’ideysay waxaa ka mid ahaa sheeko ku saabsaneed Muqdisho iyo howlaha ganacsi taasoo aan ciwaan uga dhignay Muqdisho wali nolal ayaa ka jirta, waxaana sheekadaasi dadkii daawaday si weyn ay ula uur xumaadene C.laahi Sandheere oo ahaa nin Dawaarle ah kaasoo taageero badan ka helay shacab kale duwan.

Waxaa kaloo keydmedia ay baahisay Naafada Soomaaliyeed oo ka cabanaya hey’adaha QM, si gaar ahna farta uga gudeysa hey’adda UNDP, waxaana ay sheegeen naafada in aanay UNDP daacad aheyn isla markaana dad gaar ah ay u daneyso.

Keydmedia waxay noqotay geed ay ku soo hirtaan dadka jecel in ay ogaadaan waxyaabaha horumarka ah ee Dalka iyo dadka ay sameynayaan, waxaa sidoo kale ay keydmedia tusaale u noqotay qaar ka mid ah hey’adaha kuwaasoo si cad u ogaaday in dhagartooda lala socdo isla markaana xisaabtan uu jiri karo.

www.keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.