In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Shirkaasoo ay hormoodka ka yihiin xulka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn. Guul, is-afgarad iyo heshiis lagu nagaado ayaan Rabbi uga baryaynaa… Aamiin…Aamiin…Aamiin.
Qofka ummadda u doonaya nabad iyo saxillooni lagu baraaro, shirkan waa taageersan yahay, waana u codaynayaa in khaatumo 2 nabad, barwaaqo iyo baraare lagu gaaro. Sidoo kale, qof walba oo ku haminaya midnimo Soomaaliyeed, shirka khaatumo 2 ha u arko meeriskii unugga 1aad ee hanta, kaasoo lagu soo dargelin lahaa ummadda kala irdhowday oo u kala tacabirtay cirifyada dunida.
Waa la garan karaa in qorshaynta iyo agoloolidda shirkanu uusan si sahlan ku iman. Waa la malayn karaa inu leeyahay cadow badan oo gawska ku haya oo u Allebaryaya in la fashiliyo oo lagu kala tago.
Madaxda deegaamada deriska la ah baa u midiyo lisanaysa inay golwareemaan isagoon weli shirkii lasoo gabagabayn. Siyaasi la kiraysto ayaa hoosta ka guuxaya oo saynta dhulka la dhacaya in khaatumodarro lagu kala huleelo.
Kuwo badan baa ka caraysan haybadda, hannaanka iyo mayal-adaygga shirkanu u socdo oo haddana haysan farsamo ay wax ku khaldaan.
Cid kasta ha ogaato in codka bulsho kasta oo midaysan ay tahay bir lama loodshaan ah, wax walbana waxaa kasii weyn muwaafaqada iyo rabitaanka bulshada ku nool Sool, Sanaag iyo Cayn; dhacdadan oo aynu filayno in ummadda Soomaaliyeed marti u noqon doonto, Augustine P. Mahiga iyo Ban ki Moon-na ay tusaale nabadcirin Soomaaliyeed ah ugu noqoto.
Agloolidda shirkanu waa dhacdo ugub ah oo ka madax bannaan is-reebreebka gurracan oo ku salaysan kala qaybi oo xukun oo gibbaan siyaasi is-ku sheega uu caadaystey, ee waa nabadcurin dhab ah iyo daryeelidda bulsho colaadu wiiqday.
Goormaa lasoo agleelay Shir baaxaddan leh oo rag iyo dumar u siman yihiin oo nabad iyo xasillooni bulsho lagu curinayo oo Dalka hore uga dhacay? Goormay nabadayn iyo midayn bulsho ay isugu yimaadeen hormoodka Bulshada tiro intaan le’eg si looga gudbo kala qaybsanaan, wax kala jiidasho iyo xasarada colaadeed oo hadba iska burqata?
Jiritaanka iyo nolosha Bulshada aadamiga-meel kastaba haku noolaatee- ayaa hanashada nabadda kow ka ah, iyada ayaan horumarka kasta horsed u ah.
Ciddii nabad-sugidda u codaynaysa waa inay si buuxda u taageerto shirkan ee ma ahan in warmo dhaadheer lagu gantaalo. Dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed kamid ma ahan in nabadoonka la colaadiyo, nabadda la curiyana laga horyimaado. Dhaqanka iyo hiddaha kuma jirto in durbaan been ah la tumo oo nabadda lagu fashiliyo iyaadoon weli miro dhalin.
Shirkan garashada suubban iyo caqligu hoggaaminayaan waxaa diiddan madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo kasoo horjeeda miradhalinta shirkanu tibaaxayo. Madaxweyne Maxamad Axmad Siilaanyo iyo M/weyne C/raxmaan Xaaji M. Faroole maxay shirka ku diiddan yihiin? Malaha waa Dal ballaarsi iyo Dad badsi, baa Dadka qaarki oran karaa.
Haddii taasu run tahay, Madaxweyne Siilaanyo muxuu ka hayaa Dawladnimadii Daahir Riyaale uu gacanta u geliyey dhawr sano ka hor? Maxaa Maamulka Deegaanka Audal geeyey halkuu maanta joogo? Yaa Bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn xasarad colaadeed ka oogay 20kii sano ee lasoo dhaafay? Ma habbooon tahay in maanta colaad-deegaan la dhexdhigo wiil iyo abtigii iyo bulsho gacansi, macaamil iyo is-dhexqaad ay qarniyo uga dhexeeyeen?
M/weyne C/raxmaan Faroole muxuu ka hayaa Dawladdii salka ballaarnayd ee Puntland oo Cadde Muuse goggaankeeda gacanta u geliyey? Waxaan maqlaynaa Maamulka Raas Casayr oo gaar u taagan… Kan maamulka Maakhir... Kan maamulka Karkaar… Kan toddobaadkii tagay lagu dhawaaqay ee la baxay maamulka Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo ka dhismay.
Mudane Faroole wuxuu hadda qarqarka haystaa nabadaynta maamulka Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxaa ku filan in la yiraahdo: Maamul-xumadaadii baa kala burburisay.
Sida Gobollada kale qaarkood ka jirta, Bulshada ku nool Sool, Sanaag iyo Cayn waa Ummad isku Deegaan ah oo wax badan wadaagta: Isir-wadaag, xeer-wadaag, daaqsin-wadaag, Deegaan-wadaag, dhaqan iyo dhalyo-wadaag, nolol-wadaag, iwm. Aayaha Bulshadan waxaa ka taliya xulka maqawiirteeda, waxayna ku salaysan tahay rabitaanka Shacbiga ku nool Deegaammada kor ku xusan. Maamul kale xaq uma laha inuu cid kale ku xakameeyo waxay diiddan yihiin.
Ummadda Soomaaliyeed waxay is warinaysaa: Yaa Bulshada ku nool deegaammada Sool, Sanaag iyo Cayn ay lugta uga xiran tahay? Miyayna u madax-bannaanayn inay aayahooda ka tashadaan oo samaystaan maamul u gaar ah ama ay cid kale la wadaagaan? Miyayna Degaammada ay ku dhaadanayaan ayna hore u lahaan jirin?
Haddii Beeshu ay hore u kala qaybsanaajireen miyayna hadda midoobi Karin oo samaysan Karin maamul ay u madaxbannaan yihiin? Ma dadka ayaa lahayste ah mise deegaankooda ayaa lagu haystaa? Fasiraad badan baa laga sugayaa Mudane Faroole iyo Mudane Siilaanyo.
Keydmedia Editorial Desk -Washington
Abdirahman A. Ilmi – Washington - Keydmedia.net Chief Editor
Abdirahman.a.ilmi@keydmedia.net
Add comment
Comments