Aan fahamno

Khilaafka u dhexeeya DF, Madaxda DG & Midowga Musharrixiinta

Faallo Mohamud M Uluso

Ma garanayo inay tahay munaafaqnimo iyo marin habaabin ama garasho xumo, maalmahaan waxaan wararka iyo baraha bulshada ku arka danjirayaal iyo Madaxda iyo taagerayaasha DF oo ka hadlaya qodobbo aan la isku hayn isla markaana aan laga jawaabeyn qodobka la isku hayo.

Khilaafka u dhexeeya DF, Madaxda DG & Midowga Musharrixiinta

I. Khilaafaadka taagan kuma saabsana:

1. In dowladda federaalka soo saarto dekretada lagu magacaabayo guddiga doorasha heerka federaal;

2. In la rabo in wax laga beddelo heshiiska siyaasadeed 17-09-2020 iyo habraaca hirgelinta heshiiska siyaasadeed 01-12-2020.

II. Khilaafka la isku hayaa wuxuu ku saabsan yahay:

1. Mabda’a asaasiga heshiiska siyaasadeed ee doorashada dadban 2020/2021 oo ahaa “hirgelinta doorasho heshiis lagu yahay,” taaso macnaheedu yahay wadatashi joogta ah iyo ilaalinta nuxurka doorasho xor iyo xalaal ah. Madasha loogu tala galay joogteynta heshiiska waxaa “Guddiga wadatashiga Qaranka,” oo ka kooban Madaxweynaha, RW, Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF oo Madaxweyne Farmajo rabaa inuu takooro. Sidaas darted, magacaabidda Xubnaha Guddiga doorashada waa inay ahaato mid si buuxda oo xilkasnimo ku jirto uga wada tashadaan GWQ. Wadatashiga waxaa ku jira bulshada Ra’yidka iyo mucaaradka iyo waxgaradka (élite) dalka.

2. Waxaa kalo la isku haya in Xubnaha Guddiga doorashada federaalka ay sharcidarro yihiin madaama aysan buuxin ama khilaafsan yihiin shuruudaha ku qoran qodobbada 118 iyo 127 ee dastuurka kmg, sharciga shaqaalaha oo mamnuucaya in qofka shaqaalaha uusan qaban karin labo shaqo ee dowladda iyo qodobbada 1-8 ee shuruudaha xubinnimada guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ee ku qoran bogga 2aad ee habraaca hirgelinta doorashada federaalka ee uu saxiixay RW Inj. Maxamed Xussein Roble 1da Oktoobar 2020.

Shardiga 2 ee habraaca hirgelinta heshiiska doorashada 2020/2021, wuxuu dhigaya: Xubinta guddiga waa inuu yahay qof dhexdhexaad ah, kuna leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda;

Shardiga 3 wuxuu dhigaya: xubinta waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.

Shardiga 8 wuxuu dhigaya: xubinta waa inuusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagixisada.

Hubinta shuruudahaas looma xilsaarin df, dg, iyo Maxkamadda. Waa shuruudo la rabo inay ku qancaan Xubnaha guddiga wadatashiga Qaranka, saamileyda siyaasaddda, iyo dadweynaha soomaaliyeed.

Qodobka 118 (3) ee dastuurka kmg wuxuu dhigaya: waa in sharci lagu xaddidaa qaybaha shaqaalaha dowladda ee ka reeban in ay xubno ka noqdaan asxaab siyaasadeed iyo howlaha aan la socon karin xilalka ay hayaan.

Qodobka 127 wuxuu dhigaya in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:

  • dhawrista talinta sharciga, hay’adaha dimoqraddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
  • u hellanaanta ilaalinta dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
  • dhexdhexaadnimo xagga siyaasadda.

Sharciga shaqaalaha dowladda iyo kan hay’adaha Amniga ayaa caddeynaya in shaqaalaha dowladda iyo Xubnaha ka tirsan ciidammada aysan ka qayb geli karin maamulka doorashooyinka.

Sidaa darted, waxaa muhiim in laga jawaabo waxa la isku hayo, la iskana daayo jaahwareerka iyo marin habaabinta. Madaxda kuraasta ku fadhisa iyo taagerayaashooda doonaya boob iyo musuqmaasuq doorashada miyir ma leh, natiijadana waa qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne.

Saddex arrimood kale ee xoojinaya hufnaanta, daahfurnaanta, iyo kalsoonida doorashada dadban waxay kala yihiin:

1. Is casilaada ama Xil ka qaadiska Taliyaha Nabadsugidda (NISA) Fahad Yaasin;

2. Hirgelinta is afgaradka horey looga gaaray Gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka dowlad goboleedka Jubbaland;

3. Kor u qaadidda kaalinta Beesha Caalamka iyo bulshada Ra’yidka ku leeyihiin hirgelinta doorashada dadban.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.