Kooxda Farmaajo & Ujeedada ay ka laheyd in Dalka Imtixaan laga qaaddo

Faallo Barre Shukri Elmi

Sida aad ka arkeeysaan warsidaha Keydmedia Online dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah ardaydii imtixaanka gashay 100 Arday oo ugu boondo badan in ay Dowladdu siin doonto DEEQ WAXBARASHO oo ay Jaamacadaha caalamka lacag la'aan ku dhigan doonaan.

Kooxda Farmaajo & Ujeedada ay ka laheyd in Dalka Imtixaan laga qaaddo

Sidoo kale, waxaa kale oo aan ognahay in ay dowladdu shaacisay in 4ta iskuul oo ugu boondo badan ay ku yaalaan Gobolka Gado.

Somaalidu waxay tiraa: cilmigii aan jabneeyn caamigaba waa yaqaan waxaan macquul aheeyn Gado oo ah meel go'doon ah oo nabad Fiican aysan ka jirin oo macallin fiican oo sifiican wax u bari karo ardayda uusan tagi karin oo macallinkii aqoon leh uusan mushaar fiican ka heleeyn sidaas darteed uu ka aadi doono meel mushaar iyo dhaqaalo ka badan Gado sida caasimadda Muqdisho, 4tii iskuul oo Gado ku tiil ayaa 1,2,3 iyo 4 isku xigsaday oo kaalinta ugu horreeyso wada galay oo xataa la'waayay hal iskuul oo afartooda u dhaxeeyo taas waa sheeko RAQIIS AH OO AAN XATAA QOF10 SANO KA HOR WAASHAY AAN LOO SHEEGI KARIN. 

Inta aanan u galin ujeedka ay ka la'heeyd kooxda Farmaajo dalka ayaan imtixaan ka qaadeeynaa horta kooxda Farmaajo markii ay dalka madax ka noqotay wax yaabaha hor yaal oo ay tahay in ay kooxdu wakhti iyo hanti galiso ma'ka mid tahay wax barashada? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay wax barasho tayo leh oo midda caalamka la'jaan qaaddo ayaa dalka ka jirtay sidaas darteed kooxda Farmaajo in ay waxbarasho isku mashquuliso marne ma'aheeyn. 

Sida aan marar badan sheegay ardaygii ka soo baxay Jaamcadda Muqdisho oo Xamar ku taal 2012 oo tacliintii uu ka soo bartay Jaamacadda Muqdisho oo ah caafimaad (Nurse) ku daryeelo xagga Caafimaadka  shacabka UK ayaa ka shaqeeyo Isbitaalka UCHL oo ku yaal London central London oo dad 90% ah Caddaan ayuu daweeyaa sababtoo ah Isbitaalka ku yaal central London ee UCHL agtiisa dadka  degan waa caddaan 90%, ma'kula tahay Hooyo 60 jir ah iyo Aabbo 60 jir ah oo ku dhashay London oo ah meelaha ugu sareeyso caalamka xagga aqoonta in uu caafimaadkiisa ku aaminayo qof aan aqoon durugsan u la'heeyn caafimaadka? jawaabtu waa maya markaas ila QIRA in kooxda Farmaajo ka hor dalka ay ka jirtay wax barasho aad TAYADEEDU U SAREEYSO OO LA'MID AH TAN DALKA UK.

Mar haddii ay dalka ka jirtay wax barasho tayo leh oo la'mid ah midda Caalamka horay u maray oo uusan shacabka Soomaaliyeed dhibaato ku qabin wax barasho kooxda Farmaajo waxay aheeyd in ay xoogga saarto meesha Dhibka iyo mushkiladda ay ka jirto oo ah Amniga oo muwaadinka Soomaaliyeed maalin walba DHIIGGIISU DAADANAYO oo ay wakhti iyo hanti galiyaan in ay dalka nabad ka dhigaan.

Arintaas badalkeeda wax aan loo baahneeyn ayeey ka daba wareegeeysaa kooxda Farmaajo maxaa yeelay maba aha koox aragti Qaran lagu sixi karo wadato, tacliin iyo wax barasho waaba wax fiican inkastoo hadda ay jiraan wax yaabo ka muhiinsan balse kooxda Farmaajo waa kooxdii MALAAYIIN DOOLAR KU BIXISAY TAALOOYIN ayadoo aan hoos u fiirin dhiigga muwaadinka Soomaaliyeed oo maalin walba Qubanayo markaas waxaa kuu caddaanayo in ay kooxda Farmaajo tahay koox AAD U LIIDATO oo aanba ogeeyn wax muhiim u ah dalka maanta iyo wax aan muhiim aheeyn.

Haddii aan u soo daadago DULUCDA qoraalkeeyga iyo ujeedka ay ka la'heeyd kooxda Farmaajo in ay imtixaan qaaddo ujeedku wuxuu ahaa in ay EEX IYO CADDAALADDARO ku bixiso deeqaha wax barashada oo ay dad gaar ah iyo Gobollo gaar ah siiso deeq wax barasho oo eex ku saleeysan si ay eexdaas u XALAALEEYSO ayeey kooxda Farmaajo hindistay in ay tiraa: imtixaan ayaan qaadeeynaa kaddibne GOBOLLADA AY LA'RABTO DEEQDA WAX BARASHO IN AY EEX KU SIISO AY TIRAA ARDAYDA GOBOLKAAS AYAA KOW GASHAY maxaa yeelay kooxda Farmaajo ayadaa imtixaanka qaadeeyso oo ardaygii ay rabto in ay EEX ku siiso deeq wax barasho marka hore boondo EEX ah soo siineeyso oo maanta 70% arday ka soo jeeddo Gobolka Gedo ayeey XALAALEEYSATAY kooxda Farmaajo in deeq wax barasho oo EEX  ku dhisan siiso, UJEEDKA KOOXDA FARMAAJO OO AH IN DALKA IMTIXAAN LAGA QAADO WAA INTAAS OO KALI AH.

Somalidu waxay tiraa: runta sheeg aad xalka gaartide kooxda Farmaajo waxay u badan yihiin kooxdii Digteeytarkii Somalia la'shaqeeyn jirtay waxayne ku socdaan waddadii Digteeytarkii oo EEX IYO NAAS NUUJIN BEELO GAAR AH SHAQADIISU AHEEYD tusaale Golihii Sacabka oo Barlaman lagu sheegi Jiray 50% Beel gaar ah ayeey ahaayeen Beelaha kale oo dhan waxay la'haayeen 50% hadda maa la'siiyo Beel tirada Barlamanka 50% xaqiiqdu waxay tahay: xiligii Digteeytarkii ayaa eex iyo mushkilad dalka hareeysay oo hadda ayaa la'saxay, tusaale ayaan u soo qaatay Golihii Sacabka ee meel walba 50% iyo ka badan beel gaar ah ayaa qaadan jirtay jagooyinka Qaranka iyo deeqaha wax barashada. 

Hadda kooxda Farmaajo oo meel walba ku amaaneeyso Digteeytarkii oo ku socoto waddaadii Digteeytarkii miyaa eex la'aan laga sugayaa? Jawaabtu waa maya.

Dalkeenka Annakaa leh ee aan saxno oo aan ka weecinno dhaqankii Digteeytarkii oo eexda ku dhisnaa iyo kuwa ku socdo hadda waddadii Digteeytarkii sida kooxda Farmaajo.

Mahadsanidiin.

Barre Elmi




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.