Kooxda Godane, Axmed Madoobe, Bare Hiraale, Gaandi ... - Kismaayo Allaa U Maqan!

Yusuf Abdi Lali (Keydmedia Online) - Waa dambe ayaa laga sheekayn doonaa "Kismaayo waxay Nabad ahayd markii ay ku jirtey Gacanta Al-Shabaab" Kuwo kalena waxay isga Markhaati kici doonaan in Kismaayo ahayd gole Nabadeed markay ku jirtey gacanta Maxaakiimta.
Faallo Keydmedia Online
Kooxda Godane, Axmed Madoobe, Bare Hiraale, Gaandi ... - Kismaayo Allaa U Maqan!

Waxaa la dhihi doonaa Allow yaa noo see celiya Shabaab...?

Waxaase laysaga markhaati kici doonaa marka Kismaayo ey gasho Gacan Dagaal Oogayaal oo ay isku hardiyaan Dagaal- oogeyaal Beeleed oo ay dabada ka riixayaan danaysi Gumayste.

Hamigii Dagaal-oogeyaasha sheekada hadda keli kuma aha oo waxaa kusoo biiray danaysi Dawlado Shisheeye oo u hanqaltaagaya Kheyraadka Alle ku manaystay Deegaanka iyo Dekedda Kismaayo. Cidna weli kuma xisaabtamin in Dawladi dhalan doonto oo Hoggaamin doonto Danta Dadkeeda, sugitaanka xuduuddeeda iyo Kheyraadka Qaranka.

Kismaayo waxay weligeed ahayd Deegaan loo wada guuxo oo cid walba ay ku dhigato Summadda Geelooda. Welina lama hayo cid sidata Calan dhexdhexaad ah oo diyaar u ah inay Nabad wax kula qaybsato inta Deegaaanka la daggan, markii xabbad la adeegsadana kaftankii iyo fadhi ku dirirnimadii sheekadu way dhaafi doontaa.

Ma Dab sii hura ayaa Maanta Soomaali dani ugu jirtaa? Jawaabtu waa Maya, laakiin waxaan meesha wali ka bixin Dagaal Oogaha Qabiiliga ah iyo Dantii Shisheeye ka leyahay Dagaankaas, Kenya iyo Itoobiyana waxaa goobta u jooga Maleeshiyo Dabadhirif u ah oo sahay, saanad iyo Dhaqaalaba ey ka helaan.

Doorka Al-Shabaab & Difaaca Kismaayo

Al-Shabaab markay ogaatay ineysan Kismaayo difaaci karin waxay Hubaysay Dad Deegaaanka wax ku leh hase yeeshee hore aan Xukunkeeda laga Qayb-gelin jirin. Isma eysan dhiibin ee waxaa lagu ciili jirey Hub la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.