Ku meel gaarkii ma laga baxay?!

Bashir. M. Hersi - Xaaladdu u ekaa Dhacdadii “Iima aha!” ee dhex martay “Rag xayn ah oo u hoydey bakhayl” ee nin si fiican u yaqaani raggii ku yiri: “War kan anigaa aqaane, gacmo wax bixinaya ma lahan igana wada!” ee halhays ka dhigtay eraga “Iima aha!”
Faallo Keydmedia Online
Ku meel gaarkii ma laga baxay?!

Dhanka kale,  Kuray yar oo goor aanuu Caano filayn una baran walaalkii toosiyey oo u dhiibay Haruub Caano ka buuxaan, oo Xoortu ay karuuran tahay, oo ku yiri: “Walaal dhan caanaya!” Barbaarkii yaraa isagoo qaadan la’ dhab ahaanta Caanaha uu gamcaha ku hayo, oo walaalkiis xilligaan siinayo, lana fajacansan ayuu yiri: “Tolow walaalkay haddaa caano ima siin jirine, ma Doorshaan baa uga dhacay!”

Kala guurka la marayo, ku meel gaarka waa laga baxay la yiri iyo Dawlad daa’im ahna loo guuri doono! Waa erayo dadka lagu dawakhiyay, macnayn iyo miraynse u baahan, maqalkooda uu batay, iskaba noqday erayo caadi ah, haddaysan yididiilo gaar ah dadka galinba.

Sida caadada ahna, marka marxaladdan oo kale lagu jiro, waxaa badan isdaba marinta, miliqa iyo labka, waxaa la isku laaqaa waxyaabo badan, oo looga jeedo in la hirgaliyo arrimo gaar ah, dad gaar ahna ay wataan, kana leyihiin dano gaar ah, oo aan dadka intiisa kale la wadaagin.

Sidaa awgeed, waxay adeegsadaan wadiiqo walba oo ku waaridda dantaa, aalaaba hilinka ay maraan iyo hudda ay ka dusaan waa qalloocan yihiin iyo danta ay gaarayaanba, illeen isma keenayaan dan gaar ah iyo dan guude, gaar ahaan marka midda hore la hormariyo, ee ay noqoto yoolka la higsanayo.

Sidii loo riday Rajiimkii Maxamed Siyaad Barre, wadanku wuxuu galay fawdo iyo jaantaa rogan ay masuul ka ahaayeen KOOXDII MANAFESTO ee Madaxweyne u magacawday Cali Mahdi Maxamed, horseedna u noqday in wadanku galo dagaallo sokeeye iyo dirir beeleed, maalintaa wixii ka dambeeyey dalka waxaa soo maray dawlado dhawr ah, oo ku wada suntanaa magaca KU  MEEL GAAR, saa oy tahay, haddana waxaan ku jirnaa KALA GUUR, haddaba maxaa keenay?.

Sababaha Kala guurka

KU MEEL GAARKII lagu jiray, ee asalba caqad ahaa marka dhinacyao badan laga eego, ayaa waxaa ka soko maray KALA GUUR, ay sabab u ahayd arrimo dhawr ah oo kala ah:

  1. Waqti kordhisashadii Baarlamaanka: masuuliyaddeeda ugu horrayn waxaa qaadaya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aaden, marka xigta waxaa qaadayaa TIRA BADNAYAAL TAYA YARAYAAL” aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: Waqti kordhisashada BaarlamaankaWaalida Wadarta”.
  2. Campala Accord: waxaa soo wada galay labada Shariif, ka dib markii la isku mari waayey sida laga yeelayo KU MEEL GAARKII oo dhammaaday, baarlamaanka oo waqti ku darsaday, heshiiskaa waxaa siyaasad ahaan loo qaarijiyey mudane Formaajo, oo noqday sidii Wan Udxiya lagu bixiyey oo kale ama la isku furtay, isna wuxuu la soo istaagay: DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY!”.
  3. saxiixayaasha Roadmap: waxaa wada saxiixday qawlaysato dalkan iyo dadkan afduubatay, kana kooban SHAN NIN iyo EBER, isu gaynse la yiraa waa LIX, waxay ku heshiiyeen in talada umaddan iyo aayahooda iyagu gooyaan, iyagoon qofna wax ka weydiin, aqriste, bal sii goob qormadii ahayd: Saxiixayaasha Roadmapka iyo rabitaankooda sirgaxan!”.

haddaba, haddii marxaladdan laga boxo, waxay ka dhigan tahay in laga gudbay QABQABLAYAASHA lagu magacaabo SAXIIXAYAASHA ROADMAP-KA dadka qaarkiise u yaqaannaan LIXDA SAXAL, madaama dalku yeelan doono hoggaan, dhanka kale, idlaashaha mudadan waxay tahay in laga baxay KALA GUURKII kaliya, ee marna noqon mayso in laga baxay KU MEEL GAAR.

Hal Booli ah Nirig xalaal ah ma Dhasho!

Haddaba, waxaa si lab la kac ah loo iclaanshay in laga baxay KU MEEL GAARKII, weydiinta ugu horraysa aya ah, haddaan KALA GUURKII laga bixin, sidee KU MEEL GAARKIIlooga baxay? Haddaan wali Ku jirno KALA GUURKII, sidee na looga dhaadhicinayaa, waxaa laga baxay KU MEEL GAARKII? Ani ma garan, aqriste, adna?

Dhammaystirka qodobbadan aan sadarrada sare ku sheegay waxay keenayaan in laga gudbo KALA GUURKA oo kali ah, maadaama hannaan iyo hoggaan cusub la halayo, balse, dhawr ballanqaad oo la fulin waayey, waxay ka dhigan yihiin in aan dan iyo wanaag Soomaali u soo socon, waxay kala yihiin:

  1. Dooddii Dastuurka oo la diidayDastuurka Qabyo Qoraalka ah waxaa dood badan laga keenay qodobbo qaarkood ay Dhaqanka & Hiiddaha Soomaaliyeed ka hor imaanayaan, qaarna ay Qarannimada Soomaaliyeed kala qaarayaan, balse, diidmo cad baa lagala hor yimid, raggan sare ku xusanna ninba si buu uga hadlay, sidalabada Shariif, Gaas, Faroole iyo Xoosh, aqriste waxaad sii goobtaa qormooyinkii kala ahaa: Dastuur duran iyo Dal dayacan!” Doodda Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon!” iyo Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka” qaybta1,2 iyo 3.
  2. Odayaal Dhaqan: waxaa loo kulmiyey inay Dastuurka dib u eegis ku sameeyaan, loona ballan qaaday in ay awood u leeyihiin inay qodobbo ka badali karaan, markii muddo lagu maaweeliyey Siminaarro iyo kulammo, ayaa ugu dambayn lagu yiri, idinka xil idinka kama saarna, ee sidiisa ku gudbiya, waxaa sixi doona, wiilasha aad keensan doontaan, sidaana Odayaasha loo daba marshay Dastuurkii.
  3. Shirka Ansixinta Dastuurka: waxaa la furay shir magacaa loo baxshay, waxaana lagu yiri idinka Dastuurka sixitaankiisa shaqo kuma lihidinBaarlamaanka imaan doona yaa sixi doona, ee sidiisa ugu codeeya, waxaana loo raacshay haddaad diiddaan xitaa waa lagu dhaqmi doonaa mar walba.

Ku meel gaar lagama bixin!

Sida dadkan loo qalday, ee loogu maldahay Diin Daraysan, sida Dhaqankii iyo Hiddihii looga dhigay dibaadnimo iyo wax ka hor imaanaya ilbaxnimada, sida dadkan Beeloiyo Qabyaalad loogu kala xiray, sida dadkan Xaaraan ku naaxyo u kala iibsadaan, sidaa si la mid ah baa loo soo qabadsiiyey erayo aan jirin, oo aan waaqica la xiriirin, aan kuu tusaaleyo aqriste, ee bal sadarran sii dhugo:

Maalmahaan waxaa dadka la qabadsiiyey oo maankooda lagu daabacay in KU MEEL GAARKII laga baxay, taa oo ah Cadceed Calaacal ku qari oo kale! Maxaa yeelay marka aad eegto sida ay wax u dheceen iyo waxa dhacayaba, waxaa kuu soo baxaya inaan laga bixin KU MEEL GAARKII, waxaanna u cusknayaa dhacdoonkan kala ah:

  1. Dastuurka si ku meel gaar ah baa loo ansixiyey: markii ballantu ahayd in laga wada hadlo, la diid, Odayadiina la dabamari, kuwii gacanta u tagana lagu raad tiray.
  2. Dastuurka si ku meel gaar ah baa loogu dhaqmi doonaa: haddii Dastuurka si ku  meel gaar ah loo meelmarshay, si ku meel gaar ahna afarta sano ee soo socota loogu sii dhaqmayo, sidee nalooga dhaadhicinayaa, waxaa dhammaaday KU MEEL GAARKII oo laga baxay, saw ma ahan indha sarcaadis iyo indha carrayn?! Cidi yey kugaran weeye, Ciira isku qarin weeye
  3. Xulidda Xildhibaannada: intii dawlado ku meel gaar ah la soo dhisay, Xildhibaannada waxaa soo xuli jiray Odayaasha Dhaqanka, wali ma dhicin in shacab soo doorto ama xitaa lagu saleeyo si hufnaani ku jirto, ee mar walba waxaa lagu soo daraa kuwii umadda dhibay ee dalkaan halaagga u horseeday Wadaad iyo Waranle,xildhibaannadanna sida kuwii hore waxaa soo xulay Odayaal.
  4. Awood qaybsiga Qabiillada: wali waxaa la dabbaqayaa hannaankii gurracnaa ee ku SALAYSNAA KALA SARRAYNTA SILLOON, bal Xildhibaan awalba beel matalayey, ee haddana la yiri beel hebel adaa ka fiican, maxaad ka filan? Ayna u sii dheer tahay inaan waligii khayr lagu arag, wanaagna lagu sheegin.

Gunaanad

Marka laga soo tago inay xukunka xaaraan ku wada haystaan, marka laga soo tago inaysan cidna matalin, marka laga soo tago inaysan hoggaamin karin bulshadan, marka laga soo tago inaysan xilkasnimo lahayn, marka laga soo tago inaysan doorasho ku joogin, marka laga soo tago inaysan xukun goyn karin, marka laga soo tago inay adeegayaal yihiin,marka laga soo tago inay xaaraan ku naaxyo yihiin, marka laga soo tago inay gablan yihiin geerida Meles ka dib [Mardhaw fisha qormo ku saabsan geerida Meles]

Marka laga soo tago inta aan qodobbo soo tixay...Intaa iyo inta aanan xusin marka laga soo tago, ma waxaad naga dhaadhicinaysaan in KU MEEL GAARKII laga baxay? Ma waxaad nagu shubaysaan in KU MEEL GAARKII laga gudbay? Ma waxaad noo meerinaysaan in KU MEEL GAARKII la mooday? Ma waxaad nagu dalqinaysaan in KU MEEL GAARKII la duubay? Waxaa hubaal ah, in sida aad wax qoondayseen aysan ku dhammaanayn, midda ka sii muhimsna yaa ah, in dadku  aysan wada suuxsanayn.

Jamhuuriyadan cusub ee dhalanaysaa, ma dhalanteedkii iyo Dhaankii Dabagaalle oo naloo muujiyaa? Aqriste, bal ila eeg qodobbadan: Haddaan wali kala Guurkii laga bixin, haddii Dastuurkii Odayadii la dabamarshay, haddana Guddigii lagu saantirtay, haddii aan wali baarlamaanka tiradiisa la dhammayn, Haddii Siilaanyo inuu goostay la taagan yahay, haddii Faroole ku guddooniyo inuu goosanayo, haddii Kanya dadka iska xasuuqayso, haddii ay si Sharcidarra ah Shidaal Baddeenna iyo Berrigeenna uga baaranayso, haddii Xabashi Tuulo walba wadanka joogto, haddii maalin walba Ugandhiis la soo kordhinayo, haddii Ciidan Poslis Afrikan ah la keenay saldhigyada wadanka, haddii talada dalka Mahiga ka go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.