Kud ka guur oo Qanje u guur

Cabdiraxiin Hilowle Galayr — Umadda Soomaaliyeed ayaa waxay mareysaa xaalkii la yidhi "Nin buka boqol u talisay” Murtida maahmaahdan ayaa ah, ka dib burburkii Umadda Soomaaliyeed ku habsatey guud ahaan, waxaa laga dhaxlay, nin hoggaan xumo baahsani waddanka darafka ka daraf saamayso.
Faallo Keydmedia Online
Kud ka guur oo Qanje u guur

Ma doonayo inaan idiinka sheekeeyo waxaad ogtihiin ee waxaan doonayaa inaan idinla wadaago, waxaynu ka gudbi weynay, caqabada iyo qabirka labada lugood laynooga dhuuxiyey ee aynu ka dirgan la’anahay, qofka waxaa hoggaamisa Maskaxda oo ah fulliyaha dareenka iyo curinta arrin walba oo ku dhalata Nafteena, iyadoo mar walba u xilsaarta xubintaa shaqada iska leh inay, Fuliso ama ay ka hawlgasho, Dhaqaaq, Dhawaq, Dhihid, dhadhansi, Dheehasho, Dhugasho, Dhawris iyo dheelitirba.

Haddaba Umadda Soomaaliyeed markii ay haleelay cudurkan dhimirka ee “Wareerka iyo Walaahoowga” Wuxuu kaga dhacay Maskaxda oo ah “ Hoggaanka “ Hoggaankii ayaa wuxuu farriin iyo amar qaldan siinayaa, Xubnihii jidhka, Bog iyo beer iyo Badanba, isagoo Lugaha doonaya inay wax arkaan, Gacmuhuna wax maqlaan, Indhuhu wax socodsiiyaan, Dheguhuna wax dhadhanshaan, waa mid aan suuragelayn, suuragalnimadeedana aan la sugaynin, “Laf jabtay iyo maan tegay midna sidoodii ma noqdo” markaad warreysato qof xanuunka dhimirku ku dhacay, wuxuu kuu sheegayaa inuu qaladka iyo gefka ka dhacaya ogyahay, balse uusan lahayn damiir ka xakameeya oo ceebsada ama dhibsada falka qalafsan ee uu falayo.
 
Dalku wuxuu soo marey muddooyin ku dhaw 25 sano sano, "Rubuc qarni" waxaa lagu dhawaaqay muddo hadda laga joogo, Sanad iyo sideed bilood, in dalku ka baxay ku meelgaadhnimadii iyo hannaan xumadii qabyada ahayd ee dowladdaha shisheeye iyo Qaramada midoobey jaraha u hayeen, waxaa is bedelay, wax muuqda oo dalka gudihiisa ayaa xubnihii dibada lagu xuli jirey lagu xulay, Dowladi dibadda laga keeni jirey lagu dhidbay, Hoggaana lagu doortey, dalku wuxuu markaa ka baxay marxalad adag oo dagaal iyo dabino badan leh, umaddu waa boggaadisay iyagoo haddana og, Darka duulka tuba  eek u horran, Xafiisyada iyo hay’adaha dowladdu inay yihiin, Dhagarqabayaashii Shalay, Hoggaamiye diimeedkii shalay, Qabqablahii Shalay,Askarigii Shalay, Qaswadihii Shalay iyo Qarandumiskii shalay, dhammaan waa la yaqaana, Balse arrintu waxay noqotey “Waraabihii yidhi  Aamin halay baxsho, ee markii loo baxshay yidhi bal tijaabona halayga qaaddo oo halay jirabo, waxaa loo dhiibey Hal iyo Nirigteedii, labadii midna Afkuu ka goostey midna Cadhada ayuu ka goostey” haddii la yidhi isu soo godolna waxaa ka hadhay, Murtida caanbaxdayee ah” Maxay ku nuugtaa am ka nuugta”
 
Dadku Muxuu filayey? Dowladduse maxay balanqaadey?
 
Dadku wuxuu filayey?

  1. In hoggaan diiran oo lagu nasto, nabad iyo wadajirkoodii soo celiya, nidaam iyo kala dambayni timaado,
  2. In Cadaalad iyo sinnaana la helo,
  3. In Ubadku waxbarasho u dareero, Dhallintuna shaqiyo xoogsi u dareerto,
  4. In Dumarku nabad ku daanshoodaan, Duqaydiyo dareen la’aan ku joogaan,
  5. In diiftii laga reysto, in dalka laysu furo dibna looga heshiiyo, dakanadii iyo daanooyinkii Dagaallada Sokeeye.

Haddaba waa aan is weydiinee Dadku ma helay wuxuu sugayey? Aqristoow adigaan kuu daayey Jawaabta!
 
Dowladdu waxay ballan qaadey:

  1. Inay guud ahaan dalka gacanta ku dhigayso, kooxaha Argagixisada ee nolol iyo nabaddiidka la dagaallamayso,
  2. In dhammaan Heer Gobol ilaa degmo, maamulka lagu baahinayo,
  3. In la dhisayo laammaha dowladda oodhan,
  4. In la dabooli doono intii karaana Adeega Bulshada iyo baahidooda,
  5. In laga kaaftoomayo ciidamada Shisheeye lana heli doono, Ciidan Nabadgelyo iyo mid Xoog  oo ku filnaanada ilaalinta iyo ammaanka dalka guud ahaa.
  6. In dadka oodhan la tirakoobayo, lana diiwaan gelinay,
  7. In Xisbiyo siyaasadeed la furo, dadkuna codkooda dhiibtaan 2016ka, Haddaba ma fulisay wax ka mida ballanqaadkeedii dowladdu? Aqriste adigaan kuu dhaafay Jaalkayoow jawaabteeda.

Haddii xaalku sidan yahay nina wax sugayo nina la sugayo ninka la sugayaa uusan ninka sugaya inuu sugayo ogeyn, “Waa Kudka guur oo qandjo u guur” waxaa had iyo gooraale dadku is weydiinayaan maxaa isbedelay mase jiraa isbedel Siyaasadeed iyo nidaam oo ku yimid dalka maya, inay ka darto oo ciin daaqdo maahine waxba isma bedelin,  dad badan ayaa I odhan doona Filashada wanaaja oo rajadda hagaaji “ Umaba jeedee maxaan hagaajiyaa ama wanaajiyaa?
 
Haddaba bal ila eeg, waxaa dalka ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo baaxaadeg weyn, waxaa is casilay, Wasiirkii Amniga, muddo  laba bilood ku aadan ayaa waxaa la soo magacaabay nin shalay loo bedelay inuu gudan waayey xilkiisa, Taliyihii hore ee Nabadsugiga, “ Ma cid ku dhaantaa la waayey mise geediga dib u socod ah” Sahanxumo waa ku sababsataaye.

Waxaa taliye Nabadsugid laga xayuubiyey xilka, isagoo lagu eedeynayo xilgudasho xumo iyo aqoondarro dhinaca Amniga ah, waxaa loo magacaabay nin Qurbajoog ah oo isaguna aan lahayn, Xirfadda shaqo ee loo dhiibay, haddana dalka xog ogaal u ahayn,waxaa intaasba ka sii darran in Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo dhiibay nin ka tirsanaa ciidankii CID Soomaaliya oo dalalkii uu dibadda ugu qaxay ka soo cararey ka dib markii faldambiyeedyo Dagaal iyo dambiyo ka dhan Xuquuqda Aadanaha lagu eedeeyey xiligii uu ahaa, Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ee dowladdii Rajiimka.

Ka darroo dibi dhal, waxaa Ergayga Soomaali u metela, Dalka Mareykanka loo magacaabay Cumar Cabdirashiid, Cali Sharma




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.