Kulan dhexmara Farmaajo & Musharaxiinta waa qalad

Faallo Mohamud M Uluso

Waxaan baraha bulshada ka akhriyay war sheegaya in la qabanqaabinayo kulan dhexmara Madaxweynaha JFS iyo musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo dhawaan soo saaray qoraal ay ku soo jeediyeen qodobbo ay ku codsanayaan in dowladda federaalka wax ka qabato arrimo la xiriira doorashada laalan. 

Kulan dhexmara Farmaajo & Musharaxiinta waa qalad

Warku wuxuu sheegaya in musharrixiinta aqbaleen la kulanka Madaxweyne Farmajo. Haddii warkaas run yahay, waxaan kulaankaas u arkaa qalad weyn ee ay galeen musharrixiinta sababto ah ilaa hadda Madaxweyne Farmajo ma aqoonsana inay musharrixiinta yihiin muwaadin xaq u leh in la dhegeysto, loo jawaabo, iska inay yihiin musharrixiin. 

Looma baahneyn in isbaheysiga Musharrixiinta loo soo diro Madaxweynaha DG Galmudug Mudane Axmed Qor Qor, taaso dhaawacday isku dhafnaanta musharrixiinta, waxayna aheyd dariiq maamul qaldan ee loo soo maray Musharrixiinta. 

Tan labaad, Musharraxiinta qoraal rasmi ah kama helin Madaxweynaha iyo RW ay ku aqoonsanayaan qoraalka Musharraxiinta, isla markaana idaacadaha kama sheegin. 

Warku ma sheegayo qoraal Madaxweynaha ama RW soo qoray ee lagu martiqaadayo musharrixiinta iyo ujeedada martiqaadka, ajendaha, ka soo qayb galayaasha, taaso xaqiijin laheyd in Madaxweynaha aqoonsan yahay musharrixiinta xilka Madaxweynaha oo as saamiley dhinac ka ah qabanqaabada habka maamulka doorashada. 

Waxaa kaloo muhiim ah in Madaxweyne Farmajo la shiro “Golaha wadatashiga Qaranka” ka hor inta uusan la kulmin musharrixiinta si mowqifka dowladda federaalka loo mideeyo. Sidaasoo kale, Madaxweyne farmajo waa inuu qoraalkiisa ku caddeeya mowqifkiisa ku aadan Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ka hor wada hadallada. 

Waxaa wanaagsan in musharrixiinta xilka Madaxweynaha ay ka noqdaan la kulanka Madaxweyne Farmajo, kana codsadaan jawaab qoraal ama inuu marka hore shir isugu yeero Golaha wadatashiga Qaranka.

Haddii ay jiraan sababo arrintaas looga maarmi karo, waxaa muhiim ah inay helaan qoraal Madaxweynaha ku aqoonsanayo jiritaankooda, inay yihiin saamiley kaalin ku leh doorashada, xaq u leeyihiin la tashi, tixgelin, wax ka qabasho codsiyadooda si nidaamka dowliga ah waafaqsan. 

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.