Kuwaan Soomaalidu Argagax Bey U Aragtaa, Sida Norway Ay Aragagax Ugu Aragto Breivik!

Keydmedia Online (KON) - Warbixin ay dhawaan soo daabacday Keydmedia Online oo Ciwaankeedu ahaa "Norway: Istaacmaarka Cusub (New Colonialism)" ayaa waxaa aad uga hadlay Jaaliyada Norwegianka Soomaalida ah.
Faallo Keydmedia Online
Kuwaan Soomaalidu Argagax Bey U Aragtaa, Sida Norway Ay Aragagax Ugu Aragto Breivik!

Waxaa Keydmedia Online (KON) soo gaaray E-Mailo farabadan oo ay ku muujinayaan inay Arintaan ay ku noqotay Fajac ay ku baraarugeen. Jaaliyada Norwegianka Soomaalida waxey intaas raaciyeen inaysan ka maleysaneyn Dowlada Norway inay noqoto mid walaac ku kordhisa Siyaasadda Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa waxey aad uga cabteen Siyaasadda guracan ee Dowlada Norway waayahaan dambe ay Caadada ka dhigatay. Sida Faragelinta Siyaasadeed ee isku dirka iyo kalaqeybinta Dadka Soomaaliyeed, hurinta Colaad iyo Dagaal Sokeeye, Taageerida Qabqablayaalka Dagaalka ee Kismaayo ku sugan iyo kuwa ay Hoteelada Nairobi ku masruufto.

Gurubka "East African Energy Forum" ayaa waxey u gudbiyeen Qoraal Cabasho iyo Digniin ah Dowlada Norway oo taakuleysa Ciidamada Kenyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya. Cabashada Qoraalka ay gudbiyeen Gurubkaan ayaa wuxuu xabraarsanyahay Xadgudubka Sharciga Caalamka ka dhanka ah oo ay wadaan Shirkadaha Batroolka Norway (Statoil) ayagoo Dowlada Soomaaliya oo sida Democratiga ah loo doortay Dafiraya ayee waxey doorbideen inay Darishad Ciriiri ah kasoo galaan Arimaha Soomaaliya, ujeedadoodunah tahay inay boobaan Kheyraadka Dadka iyo Dalka Soomaaliya.

Shirkadahaan ayaa waxey si bareer ah ugu xadgubeen Madaxbanaanida Soomaaliya (Territorial integrity and sovereignty of Somalia).

Cabashadaas loo gudbiyay Dowlada Norway Sanad kahor, teer iyo hada bal garowsiyo iska daayee wax Jawaab ah kama bixin, taasinah waxaa loo fasiran karaa Quursi ay Quursaneyso Gurubka "East African Energy Forum" iyo Soomaalida Nabada Jecel oo dhan.

Miiska Arimaha Soomaaliya laga maamulo ee Dowlada Norway waxaa fadhida Islaan la yiraahdo Rina Kristimoen. Hada kahor waxey goob Arimaha Soomaaliya la iskugu yimid ka tiri: "Jubbaland waa Deegaan Daarood" Hadalkaas ayaa Dad badan ka yaabiyay.

Baaritaan ay Keydmedia Online sameesay kadib ayaa waxaan ku ogaanay in Islaantaas ay wali Magac ahaan u dhaxdo Nin Reer Denmark ah oo Diplomatik ahaan jiray hadase Howlgab ah, hase ahaatee waxaa la sheegaa inay la Nooshahay Nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamad C/rizaaq Maxmad Cali Abuukar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/xmaan Faroole uu Adeer u yahay.

R/wasaarihii hore Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa Maalintii ugu dambeesay ee uu Jagada ka dagayay Maxamad C/rizaaq Maxmad Cali Abuukar wuxuu u magacaabay oo uu Madax uga dhigay Hey




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.