Soomaaliya: 21sano oo Fowdo ah!!

Omar A. Egal (Keydmedia) - Dabayaaqadii sannadkii 1990kii, waxaa Muqdisho ka bilawday saansaan dagaal iyo jawi colaadeed. Waxaa faraha ka baxay nidaamkii iyo kala dambeyntii, waxaana magaalada ka dillaacay dhac, boob iyo dil macno laáan ah.
Faallo Keydmedia Online
Soomaaliya: 21sano oo Fowdo ah!!

Fowdadii abuurantay waxay shacabka ku beertay cabsi, shaji iyo aamin-darro. Mar kaliya ayaa waxaa soo ifbaxay wax lagu tilmaamo waalli-wadareed oo dadkii baa waxay noqdeen mid qoriga baqdin u sita iyo mid ka baqaya kan qoriga sita oo isna qoray raadis ah.

Dadweynihii gadoodka ahaa iyo miliishooyinkii mucaaradka ee hubeysnaa ayaa ku qamaamay xeryihii militeriga, gacantana ku dhigay wixii hub ahaa ee halkaas yiilay.

Waxaa oodda laga qaaday kumayaal maxaabiis ahaa ee ku xirnaa xabsiyada dalka, kuwaas oo intooda badan ahaa gacan-ku-dhiiglayaal, tuugo iyo dad dembiyo kale ee culus ka galay ummadda Soomaaliyeed. Dembiilayaashaas waxay xalay-dhalay ka noqday dembiyadii loo haystayay, qaar badan ayagaas ka mid ahaa ayaa waxay ku biireen gadoodkii dadweyne ee socday oo weliba horgaleen.

Ciidamada Dowladda ayaa duqayn ku bilaabay xaafadaha magaalada Xamar qaarkood oo ay ku tuhmeen in ay ku soo bateen milishiyoonyinka macaaradka.Waxaa madaafiicda iyo hoobiyayaalka aan loo meel deyin lagu riday qaar ka mid ah xaafada magaalada, halkaas oo ay ku hoobteen dad rayid ah oo war-moog ahaa.

Muddo yar ka dib, dhaawac ayaa buuxdhaafiyey isbitaallada magaalada, meydkana waxaa la waayey sí loo kala aaso oo waddooyinka ayuu daadsanaa.

Qax iyo barakac xoog leh ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, dadka rayidka ahaa ee guryahoodii ka cararay ayaana markii hore u kala yaacay magaalada daafaheedda, ka dibna u sii gudbay gobollada iyo degmooyinka ku dhowaa.

Shacabkii waxa uu u kala jabay saddex: da ka barakacay magaalada muqdisho oo u kala yaacay gobollada kala oo ay ammaan bideen; qayb goáansatay qax oo ku qulqulay xuduudaha dawladaha aan deriska nahay ka dibna qaaradaha kala magengelyo u raadsaday, in baaqi ku noqotay magaalo madaxda iyo gobolladii ay degganaayeen.

Waxaa xusid mudan in dadkaas rayidka aha ee qaxayey ay ka horimanayeen soona dabamarayey dad fara badan ee ku soo qulqulayey magalada Muqdisho, ha ahaadeen milishooyin hubeysan iyo dad kale oo malaha bililiqo-doon ahaa.

27kii jennaayo 1991dii, ayada oo meydku waddooyinka daadsan yahay, waxaa magaalada Xamar ka baxay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, qaar ka mid ahaa xukuumaddiisii iyo ciidamadii daacadda u ahaa.

Ummadda soomaaliyeed, halkii ay ka sugaysey dawlad iyo hoggaanka siyaasadeed ee cusub, waxa ay ku soo baraarugtay loollan hor leh iyo khilaaf siyaasadeed ee soo kala dhexgalay hoggaamiyayaashii jabhadaha mucaaradka.

Halgankii dheeraa ee lagu riday Xukunkii Jen. Maxamed Siyaad waxaa uu u xuubsiibtay dagaal sokeeye oo ay hogaanka u qabteen waxa loogu yeeray hoggaamiye kooxeedyo ama qabqablayaalka dagaalka.

Qabqablayaalka dagaalka waxay ka mid ahaayeen shakhsiyaadkii kala qoqobay shacabka soomaaliyeed isla markaana baday silica, rafaadka iyo saxariirta.

Qabqablayaalka dagaalku ayaa ka masuul ah dil iyo layn loo geystay kumaal ka mid ahaa dadka rayidka ahaa.  Waxaa jale oo ka soo horjeesteen ama ay xagaldaaciyeen wixii dib-u-heshiisiin ahaa iyo dadaal jasta oo loo galay in Soomaaliya loo dhiso Dawlad Midnimo Qaran. Taas waxa tusaale nooga filan dhowr iyo tabankii shir dibuheshiisiin ee ku wada dhammaaday fashilka oo ayaga wax laha saarayey.

Qabqablayaalka dagaalku waxay ku sifoobeen dad ujeeddadooda weyn ay ahayd inay urursadaan xoolo sharci-darro ah ayaga oo marka hore magaalada Xamar ka sameystay baro ay dadka ku baartaan iyo isbaarooyin, ka dibna falalkaas burcadnimada ah ku baahiyey gobollada, degmooyinka iyo waddooyinka looga kala goosho.

Maxaakimta Islaamigu waxay ahaayeen ifafaale cusub ee ku soo biiray masraxa siyaasadda Soomaaliyeed, waxayna ku soo caanbexeen u-adeegidda iyo gargaarka shacabka, gaar ahaan xagga tacliinta, wacyigelinta dadweynaha iyo sugidda ammaanka iyo nabadda.

Hawlgalka Maxaakimta Islaamiga waxaa khatar u arkay qabqablayaalka dagaalka oo ay dabada ka riixaysay Dawladda Mareykanka.

Haddaba waa tii dagaallada qaraar Muqdisho ku dhexmareen Maxaakimta Islaamiga iyo Dagaaloogayaashii xulufada la ahaa Mareykanka, halkaasna ay guusha ku raacday Maxaakimta Islaamiga.

Maxaakimtii Islaamigu waxay, guusha Alle siiyey ka sokow, taageero ballaaran ka heleen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxaakimtu waxay nabad iyo xasillooni ku soo dabbaaleen magaalada Muqdisho, oo muddo 16 sano ah colaadi ka oognayd.  Waxaa kale oo ay Maxkamaduhu fureen garoonka dayaaradaha iyo dekedda Xamar oo xirnaa wixii ka dambeeyey burburkii Dawladdii Dhexe.

Maxaakimtu waxay muddo lix bilood ahayd soo celiyeen ammaankii iyo kala-dambeyntii luntay, waxaana dadka soomaaliyeed u muuqday rajo iyo inay soo ceshato maqaamkii iyo karaamadii ay ku dhex lahayd Mujtamaca adduunweynha.

Waxaa dalka soomaaliyeed weerar bareer ah ku soo qaaday ciidamada Itoobiya oo taageera ka haysta Dawladda Mareykanka oo aan ayadu qarsan inay ka dambeysey duulaankaas gardarrada ahaa, kana dhanka ahaa xeerarka dawliga.

Ujeeddada duullanka Xabashida waxay ahayd inay bakhtiiso iftiinka iyo rajada ay bidhaamiyeen Maxaakiinta Islaamiga ah.

Ciidamaada Itoobiya waxaa soo qaadeen weerar cir iyo dhul ah, waxayna qabsadeen magaalada Muqdisho iyo gobollo ka mid ah Soomaaliya.

 

Duullaankaas waxa uu meel ka dhaca iyo xadgudbba ku ahaa madaxbannaanida, qarannimada iyo dhammida dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana nasiib-darro ahayd in Qaramuha iyo hayadaheeda indhaca ka qarsadeen.

Duullaankaas waxa uu meesha ka saaray oo lagaga xoogroonaaday Maxaakimtii Islaamiga oo ayaga goáansaday isuna diyaariyey dagaal dhuumaalaysi ah iyo iska caabin.

Ciidamada Itoobiya waxba u lama harin shacbiga Soomaaliyeed aygana ubax laguma soo dhoweyn ee waxaa laga la hor yimid iska caabin iyo qoray caaraddiis.

Waa la wada xusuustaa xasuuqii foosha xumaa oo ay ciidamada Xabashida ka geysteen magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho iyo gobollo dalka ka mid waxaa ka billowday dagaal iyo duqayn loo adeegsaday madaafiic aan loo meel deyin, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dadweyne fara badan baa guryahoodii ka cararay, ka dib markii ay u adkeysan waayeen xasuuqa iyo gumaadka kaga yimid ciidamada cadowga iyo xulufadoodii.

Dawladihii Ku Meel Gaarka ahaa ee kala dambeeyey, middoodna iskuma lurin inay nidaam u dejiso hawlgallada ciidamada iyo miliishooyinka hoos yimaada. Sidoo kale ma jiro wax nidaam ah ee qeexaya hawlgallada ciidamada AMISOM.

Maalin kasta waxaa dhaca werarro sharci darro ah iyo madaafiic lagu garaaco xaafadaha Xamar iyo degaannada rayidka, marnabana ma dhicin in baaritaan lagu sameeyo xudgudubyada ka dhanka ah sharciyada dagaalka. 

Ciidamada AMISOM miyaan la bari qawaaniinta iyo xeerarka ka yaal hawlaha ay u xilsaaran yihiin iyo dhowridda mabaadída xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah?. Waxaan marna ciidamada AMISOM looga garaabi Karin duqaynta xoogga leh ee loo meel deyeyn loona kala aabbo yeeleyn.

Wixii ka dambeeyey shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay dawladda Sheekh Shariif Skheekh Axmed, waxaa soo ifbaxay firqooyin diimeedoo ay ka mid yihiin Al Shabaab, Xixbul Islaam, Raaskiyaambooni, Caanoole iwm Dhammaan firqooyinkaas waxay  ka soo horjeeda Dawladda Ku Meel Gaarka ah iyo ciidamada AMISOM ee buuxiyey booskii ay banneeyeen ciidamadii Xabashida eek u baxay heshiiskii Jabuuti.

Firqooyinka Al Shabaab iyo Xisbul Islaam waxa masraxa siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhiyeen daahira cusub ee ah inay bannaysteen dilka dadka soomaaliyeed iyo Dalka soomaaliyeed oo ay ku tilmaameen dal aan ninna lahayn iyo goob jihad ee u furan Nin kasta oo islaam ah.

Haddii kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay caadeysteen gowraca iyo argagixinta cid kasta oo ka fikrad duwan, haddii ciidamada Amisom ay xaafada magaalada Muqdisho la beegsanayaa madaafiic aan loo meel deyin, haddii Dawladda ku Meel Gaarka ah aysan xakamayn Karin ciidamada iyo maliishooyinka hoos yimaada isla markaana aysan nidaam u dejin hawlgallada ciidamada Amisom; yaa u maqan dadka soomaaliyeed?

Waxa murugo leh, dadka habqanka ah ama maalin kasta ku hoobta badweynta Hindiya; Khaliika Cadan; saxarada u dhexeeysa Suudaan iyo Liibiya iyo dadka qaxootiga ah ee ku silicsan xeryaha qaxootiga ee Yemen iyo dalaka kale ee deriska ah.

Waxaa kale oo welwel iyo caloolxumo ku nool dadka soomaaliyeed ee qurbajoogga ah ee ku kala sugan qaaradaha adduunka ee telefishinnada iyo warbaahinta kala socda silica iyo saxariirta ay ku nool yihiin dadka soomaalyeed ee dalka ku baaqiga ah.

By Dr. Omar .A. Egal - Keydmedia Correspondent.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.