Labada qofe tusaalaha u ah munaafaqada Siyaasada Soomaaliya!

Faallo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Inkastoo siyaasada Soomaaliya ku yaryihiin, siyaasiyiin sharaftu waxkasta kala weyn tahay, dad dadnimo, damiir, shaqsiyad-wanaag, iyo moowqif cad leh, hadana waxaa jira kuwo ugu sii liita, oo tusaale loogu soo qaato, khayaanada, doc-wareenka, dhabar ka toogashada, iyo munaafaqeynta dadka aamina, ee soo dhaweysta.

Labada qofe tusaalaha u ah munaafaqada Siyaasada Soomaaliya!

Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi akhristoow, qofkasta ee bini'aadam ah, wuxuu yahay ayaa raaca, oo uu la tagaa meel kastuu ka shaqeeynayo, shaqadaa nuuceey rabtaba ha ahaatee. Hadii qofkaa aanu laheynba wax mabda' ah, oo uu yahay munaafaq, in cidi soo dhaweeysato, ama aamintaba eeysan aheyn, iyadaa ayuu meel kasta la tagayaa. Siyaasada oo wax aad u dhib badan ahna, kumaba sii jirto.

Inkastoo siyaasada Soomaaliya ku yaryihiin, siyaasiyiin sharaftu waxkasta kala weyn tahay, dad dadnimo, damiir, shaqsiyad-wanaag, iyo moowqif cad leh, hadana waxaa jira kuwo ugu sii liita, oo tusaale loogu soo qaato, khayaanada, doc-wareenka, dhabar ka toogashada, iyo munaafaqeynta dadka aamina, ee soo dhaweysta. Kuwaa waxaa kaalmaha 1-aad iyo tan 2-aad ka kala galaya: Khadiijo Maxamed Diiriye, iyo Sadiiq Warfaa.

1-Khadiijo Maxamed Diiriye.

Khadiijo waa shaqsiyad cajiib ah. Waxeey siyaasada kusoo jirtay mudo dheer, iyadoo ah qof aan waxbaran, sida siyaasiyiintuba u badan yihiin. Waloow hadda “Si farsameeysan ku dhigato” mid ka mid ah, jaamacadaha Muqdisho ku yaalla. Waxeey kasoo jeedaa beelaha Soomaalidu quursato, ee lagu sheego, in laga tiro badan yahay. Waxeey xildhibaanad iyo wasiirad kasoo aheyd dowlado dhowr ah. Sida muuqata, waxeey siyaasada ka fahantay oo kaliya, ineey madaxweyne kasta hoosta kala xiratoo, saq-dhexe habeenkiina macluumaadkasta la wadaagto, kaasoo isagana dhinaciisa ka codsada raysalwasaare kasta, inuu xukuumada kusoo daro. Markaa ayey raysalwasaare kastee cusub u mashxaradaa, magacyo ammaan ah u bixisaa, sida: “Libaax laba maaha!”, u guul-wadeeysaa, si ay kursi wasiir uga hesho. Kadib markuu kursigaa siiyo, qaabkeey u dhaqmeeyso, iyo codsiga madaxweynaha oo la isku daray darted, waxeey sii laba jibaartaa, sidii eey u noqon laheyd, wasiirka ugu dhow, oo uu sirta ku qarsado, illaa eey gacanta ku dhigto, waxkastoo u qarsoon, sidaana waxeey si joogto ah, xogtiisa ugu wada gudbisaa, madaxweeynaha markaa jooga, xitaa iyada oo aan wax khilaaf ahi jirin. Madaxweynahaa ayaa sidaa uga dhigta, “Xog-keenihiisa” usoo gudbiya xogta ugu muhiimsan.

Maalinteey madaxda dalka ugu sareeysa isku dhacaan, waxeey si aan gambasho, jixinjix, iyo xishood toona laheyn, dhabarka uga toogataa raysalwasaaraheedii. Raysalwasaarihii ugu dambeeyey, ee ay sidaa ku sameeysey, ee ku baraarugay, goor eey xeero-iyo-fandhaal kala dheceen, ayaa ahaa raysalwasaare Xasan Cali Kheeyre.

Nasiibdarro! Waxeey markii la magacaabay isla hoowsheedii ku billowday RW Maxamed Xuseen Rooble. Markiiba waxeey abaabushay xildhibannada beesha 5-aad, ee labada aqal ku jirta, inta aan midkoodna hadlinna waxeey ku dhawaaqday, inuu RW Rooble helay, taageerada beeshii ugu horeeysey (Beesha 5-aad).

Waxeey baraha bulshada soo dhigtay, hees eey u qaadeeydo raysalwasaaraha cusub. Waxeey qaab aan xishood, iyo yaxyax toona laheyn, usii sameyn doontaa, waxbadanoo eey ugu guul-wadeeyn doonto raysalwasaaraha cusub, si eey khayaanooyinkeedii usoo shaqeeyeyey mudada dheer, ugu socodsiiso. Waxaa la rajeeynayaa, inuu duruus badan ku qaadan doono RW Rooble, wixii RW Kheeyre ku dhacay, iskana fogeyn doono Khadiijo, inta bini'aadam la iska figeeyo.

2-Sadiiq Warfaa.

Sadiiq Warfaa isaga wuu ku cusub yahay siyaasada. Wuxuu ku jiraa dhalinyaradii gobolka Minnesota kasoo firxaday, ee Soomaaliya jagooyinka siyaasadeed usoo doontay. Wuxuu min-guurinayaa (Copy-Paste) munaafaqada iyo khayaanada Khadiijo, isagoo rajo ka qaba, sideey iyadaba ugu caano-maashey, inuu mudo dheer isagana sidaa si la mid ah ugu caano-maalo.

Waxaa Sadiiq Warfaa siyaasada soo galiyey MW Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhaqaale xoogan ku bixiyey, inuu Xildhibaan ka dhigo, walibana kala hadlay, hogaamiyihii markaa ee Puntland: Dr. Cabdiweli M.C.Gaas. Nasiibdarro! Sadiiq Warfaa wuu ku wacad-furay, oo wuu ka codeeyey MW Xasan Sheekh Maxamuud, maadama qabyaalada mabda’ u tahayna, dabcan qabyaaladi kama marneyn arintaa.

Mudo kooban kabacdi, wuxuu billaabay inuu isku xoqo MW Farmaajo, iyo RW Kheeyre, idaacadaha uga guul-wadeeyo, taageero u muujiyo, aad u booqdoo, u baryo madaxda, si xukuumada loogu soo daro, si mar uun loo dhoho wasiir. Nasiibwanaag! Waxaa badalkiisa la magacaabay, mas'uul ay isku beel ahaayeen, kaasoo ka aqoon, karti, iyo khibradba badnaa, markii dambena geeriyooday (AUN). Markaa ayaa RW Kheeyre xukuumada kusoo daray. Sidii Khadiijo ayuu mudo isku xoqayey, safarrada badankoodna u raacayey, si aan yaxyax laheynna ugu guul-wadeeynayey. Nasiibarro! Maalintii RW Kheeyre loo heshiinayey, wuxuu ahaa, sida Khadiijo oo kale, dadkii ugu horeeyey, ee dhabarka ka toogtay, maantana wuxuu billaabay, sidii khadiijo, u guul-wadeyta raysalwasaaraha cusub mudane Rooble.

Waxaa looga digayaa mudane Rooble, inuu isku soo dhaweysto, xitaa haduu Madaxweynaha ka codsado inuu xukuumadiisa kusoo daro.

Waxaa xusid mudan, wasiir Maxamed Abuukar Isloow, oo RW Kheeyre aad isugu dhawaayeen, inuu iska diiday, inuu gato saaxiibkiisii Kheeyre, ee aaminay, qaabkii sharci-darrada ahaa, ee RW Kheeyre lagu ridayna, aad uga dhiidhiyey, sharaftana qaatay. Waana sababta Xafiiska madaxweynaha, dagaalka ugu xoogan ugu qaadeen, ugana codsadeen RW Rooble, inuusan xukuumadiisa marnaba kusoo darin wasiir Isloow. Waxaase loo qiray inuu yahay, mas'uul qab iyo sharafba leh, shaqsiyad-wanaag, iyo dadnimana u saaxib ah, saaxiibadiina isku halleeyn karaan.

Waxa sidoo kale xusid mudan, ragii Minnesota ka yaacay, ee MW Xasan Sheekh xildhibaannada ka dhigay, inuu ka mid ah Maxamuud C/Raxmaad Beene Beene, oo illaa iyo maanta aan ku ballan-furin MW Xasan Sheekh, la shaqeeyey, una codeeyey, waliba min billoow-illaa dhamaadna mucaaraday N&N, illaa iyo maantana moowqifkiisa sidaa u cad yahayoo, waxba iska badalin.

Kursi waa la helaa, waana la waayaa, balse sumcada ayaa waxkasta ka qaalisan.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.