LIVE Blogging: Doorashada Madaxweynaha

Muqdisho (KON) - Keydmedia Online ayaa Daqiidaq Walba Aqritayaal idiin soo gudbineyso Meshee mareyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Faallo Keydmedia Online
LIVE Blogging: Doorashada Madaxweynaha

Breaking News: Xabado dabaal deg ah ayaa hadda Muqdisho ka dhacaya.


Natiijada Hordhaca Ah: Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa Xassan Sheikh Maxamuud.


Waxaa socota Codeynta Wareegii Sadexaad - 20:02


Sidoo kale waxaa Tanasulay Cosoble


Breaking News: Cabdiweli Gaas oo Tanusulay!


LIVE STREAM-KA HADAA DONEYSID INAAD DAAWATIT HALKAAN GUJI


Afarta Musharax oo Wareega Labaad u Gudubtay

Shariif Sheekh Axmed

C/qaadir Cosoble Cali Xasan

Sheekh Maxamuud

Cabdiweli Gaas


Natiijada Hordhaca Ah Ee Wareega Kowaad Ee Doorashada

Muqdisho (KON)- Waxaa wax yar ka hor la soo gabagabeeyay tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Keydmedia waxaa ay idiin soo gudbineysaa natiijada wareega koobaad oo hordhac ah.

Hoos ka akhriso Natiijada hordhaca ah.

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow 21-Cod

2-C/waaxid Cilmi Goonjeex 3-Cod

3-C/llaahi Axmed Caddow 24-Cod

4-C/wali Maxamed Cali Gaas 30-Cod

5-Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 14-Cod

6-Axmed Ismaaciil Samatar 8-Cod

7-Xasan Sheekh Maxamuud 60-Cod

8-Shariif Sheekh Axmed 64-Cod

9-Yuusuf Garaad Cumar Axmed 9-Cod

10-Cumar Salaad Cilmi 2-Cod

11-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi 0-Cod

12- Maslax Maxamed Siyaad Barre 0-Cod

13-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin 3-Cod
14-C/qaadir Cosoble Cali 27-Cod

15-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf 3-Cod

16- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi 2-Cod

17-Maxamed Axmed Saalax 0-Cod

18-Salaad Cali Jeelle 0-Cod

19-Ibraahim Cali Xuseen 0-Cod

20-Saciid Ciise Maxamuud 1-Cod

21-Cismaan Maxamed Gacal 1-Cod

22-Maxamed C/llaahi Oomaar 01Cod 

FG: Gudiga doorashada wali si rasmi ah uma aysan shaacinin Natiijada doorashada.


Taageerayaasha Musharax Shariif Axmed oo Muqdisho Lagu Weeraray

Muqdisho (KON)- Weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaas ayaa maanta lagu weeraray taageerayaal ka tirsan taageerayaasha Musharax Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah murashixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Qaraxyada iyo weerada maanta Muqdisho lagula egtay taageerayaasha Sheekh Shariif ayaa ka dhacay xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid halkaasoo lagu weeraray taageerayaal ka tirsan kuwa Shariif kuwaasoo iyagoo wata baabuur ay ku xardhanyihiin sawirada Shariif lagu weeraray xaafada Suuq Bacaad.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 2 qof oo kamid ahaataageerayaasha Sheekh Shariif ee la weeraray ayaa ku dhintay weerarkaasi halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa 5 qof o kale.

Weerarka markuu dhacay kadib ayaa waxaa goobtii uu weerarka ka dhacay soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa murashax Sheekh Shariif kuwaasoo howlgallo ka sameeyay xaafada suuq Bacaad, waxaana goobtii laga soo qaaday dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Codeynta Wareegii Koobaad Ee Doorashada oo La Soo Gabagabeeyay iyo Tirinta oo Bilaabatay Muqdisho (KON)- Wareegii koobaad ee codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa goordhow soo idlaaday, ayadoona gudiga qaban qaabada uu hadda bilaabay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada.


Codeynta Doorashada Madaxweynaha oo Bilaabatay iyo Gudoonka Baarlamanka oo Codadkooda Dhiibtay


Xildhibaanadii Cusbaa oo La Dhaariyay- Akhriso Liiska Magacyada

Muqdisho (KON)- Waxaa daqiiqado ka hor Xarunta Iskuul Bulisiyo ee Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay inka badan 15 Xildhibaan oo kamid ahaa qab qalayaashii dalka bur buriyay kuwaasoo maanta loo ogaladaaya inay kamid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

20- Xildhibaan ee maanta loo ogalaaday kamid noqoshada Baarlamaanka ayaa waxaa wata oo ay taageersanyihiin Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah musharixiinta u taagan Madaxweynaha dalka.

Hoos Ka Akhriso magacyada:.

1-Maxamed Qanyare Afrax 2-Bootaan Ciise Caalin 3-Cumer Maxamuud Maxamed (Filish) 4-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) 5-Maxamed Ibraahim Xaabsade 6-Cabdi Casiis Sheikh Yuusuf 7-Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi 8-Axmed Ducaale Geele Xaaf 9-Xirsi Aadan Rooble 10-C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf 11-Prof. Maxamed Farax Jimcaale 12-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor) 13-Maxamed Xuseen Isaaaq Afaraale 14-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe 15-C/llaahi Shiikh Ismaacii

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Laga Saaray Xarunta Doorashada

Muqdisho (KON)- Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Xukuumadii xiligeeda dhamaaday ayaa goordhow laga saaray xarunta Iskuul Bulisiyo oo ay maanta ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Kasaarida Xildhibaan Xoosh ayaa timid kadib markii uu buuq iyo gacan ka hadal uu ka bilowday xarunta Shirka, waxaana buuqaasi iyo gacan ka hadalkaasi sameeyay Xildhibaano uu ku jiro Xoosh Jibriil.

Buuqa iyo gacan ka hadalka Xildhibaanada ayaa salka ku haya cod loo qaaday ilaa 20 qof oo kamid ahaa Xildhibaanadii loo diiday inay kamid noqdaan Baarlamaanka balse goordhow loo ogalaaday.

Wararku waxay sheegaan in C/raxmaan Xoosh ay banaanka u saareen Ciidamada AMISOM





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.