Loolanka Labada Shariif

Dr. Bashiir M. Xersi (Italy) - Labada Masuul ee ugu sarreeya dalwadda mid walba waxaa la yiraa: Shariif, ayna xigaan magaca Sheekh, isu gaynna noqonaya magacyo qiimo gaara muujinaya, dhaqan ahaanna loo bixiyo qof mutaysta sida: Sheekha, ama qof lala jecel yahay inuu qof wanaagsan noqdo sida: Shariif, magacyadood marka laga soo tago mid walboo ka mid ah, waxaa madaxiisa ka dhakoosha koofida loo yaqaan: Koofi Baraaye, oo dadka qaar u arkaan astaan dhaqameed, muuqaalkooda laga carari maayo, wajiyadooduna laga naxi maayo, ama laga argagiximaayo, ma afxuma markay hadlayaan oo ma caytamaan, afgaabnidu waa astaanna ugu weyn ee lagu tilmaami karo, afgaabniduse waa midda nala ka gaaray.
Faallo Keydmedia Online
Loolanka Labada Shariif

Madaxweyne Shariif inta uusan siyaasad diimeedka ka dhex muuqan, wuxuu qaaddi ka ahaa magaalada Jawhar, oo uu gacanta ku hayey Maxamed Dheere, oo hadda Xabsiga dawladda muddo ku jira, ismaandhaaf isaga iyo Maxamed Dheere dhexmaray ayuu uga soo huleelay Jowhar, wuxuu saldhig fiican ka helay Muqdisho, gaar ahaan Waqooyigeeda, halkaa oo uu la kowsaday dhaqdhaqaaqii wadaadada horseeedka halaagga, wuxuu ka noqday xubin aad u firfirocoon oo si weyn uga dhex muuqday, mudadaa dad badan waxay aamineen inuu yahay Mahdigii Soomaali ka saari lahaa dhibka ragaadsaday, mase noqon oo waa lagu hungoobay, sida gayrkiisba loogu hungoobay.

Madaxweyne Shariif wuxuu siyaasadda ka soo galay daaqadda Diinta, waxaa horjooge ka dhigtay wadaadadii halaagga horseeday, aqoon ahaan lama sheegin heer sidaa ah oo uu ka gaaray, waxaase la sheegaa inuu jaamacado ka galay wadamada kala ah Libyada holcaysa iyo Sudanta kala go’day, haddana lama shegin heer uu ka gaaray iyo meeshuu ku soo qaatay waxbarashadiisii hore dugsi iyo degaanba, tanina waxay qayb ka tahay hoggaanka jahliga ee Soomaaliya la degay sanadihi u dambeeyey, eeg Shariif Sakiin, Aadan Madoobe qabqabyaashii dagaalka, Odayaasha beelaha, wadaadada halaagga IWM.

Sheekh Shariif wuxuu safka hore uga jiray wadaadadii diinta waalida wadey,  dalka galiyey dagaal daran, dukum daakum iyo deeb garas ka dhigay dad iyo duunyo, da




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.