Ma Aamisaneed in Hey’adaha reer Galbeedka la Shaqeeyaan Al-shabaab (Xogta Keydmedia)

Muqdisho (Keydmedia) - Waa suurta gal in marka aad maqasho magac Hey’adeed iyo ururka Alshabaab in durbaba maankaaga uu galayo fakar ah ma ahan wax meel u wada socon kara ama wada shaqeyn kara, laakiin way dhacday arintaasi!!.
Faallo Keydmedia Online
Ma Aamisaneed in Hey’adaha reer Galbeedka la Shaqeeyaan Al-shabaab (Xogta Keydmedia)

Waxaad maqashay Alshabaab oo hey’ado xaramahooda xiray, alshabaab oo amaro dul dhigay hey’addo iyo Alshabaab oo dad hey’ado u shaqeynayay ku tilmaamay jawaasiis, haka laba labeyn inaad maqasho Alshabaab oo ay la shaqeyneyso hey’ad huwan magaca dowladaha Yurub.

Danish Refugee Council oo loo soo gaabiyo (DRC) waa hey’ad laga leeyahay Dalka Denmark sida magacaba idinka muuqata, waxayna howala kala duwan ka qabataa wadamo caalamka ah iyadoona inta badan sheegta in arimaha qaxootiga iyo dadka barakacay ay diirada saarto, laakiin xog ee Keydmedia heshay ayaa lagu ogaaday in ay gacan saar la leedahay Alshabaab.

DRC mashaariic badan ayeey ka fulisaa Soomaaliya xiligan, waxaa ka mid ah mashaariicdaasi mashruuc ay qarashaad ku siiso hey’ado maxali ah kaasoo looga shaqeeyo la socodka iyo diiwaan galinta dhibaatooyinka Caruurta (Child protection) sidoo kale mashaariic horumarinta waxbarashada la xiriira ayeey qabataa, iyadoona dhawaan lagu wado in ay la wareegto qaab maamulka wakaalada wararka qaramada Midoobay ee IRIN.

Keydmedia ayaa mudo ka badan bil waxa ay baaritaan ku heysay sheekada tilmaameysa in DRC ay la shaqeyso Alshabaab, waxaana kiiskan uu soo ifbaxay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ay bishii dhamaatay ee February ay hareereeyeen xarunta hey’addaasi ay ku leedahay degmada wadajir gaar ahaan agagaarka Soobe.

Hareereentaasi ayaa ka danbeysay kadib markii wardoonka dowlada ay ogaadeen in mid ka mid ah shaqaalaha hey’adaasi uu gacan saar la leeyahay Alshabab isla markaana uu u fududeeyo soo dhoofinta walxaha laga sameeyo qaraxa maadaama  hey’adda magac samafal ay wadato isla markaana dunida laga qadarinayo waxayaaba ay dhoof ahaanta u wadato..

Ninka la xiray ayaa DRC u qaabilsanaa arimaha Logistic-da  waxaana fududeynta howashan la sheegay inuu lacag badan ku qaadan jiray, iyadoona xogaha la helay qaarkood ay tilmaamayaan in maamulka sare ee Soomaalida ah ay u war hayeen howasha socota ayna ku raali noqdeen.

Amkaag iyo afkala qaad ayuu ku noqday ajaaniibtii kor ka maamuleysay hey’adda fal danbiyeedka lagu helay xafiiskooda muqdisho, laakiin arinta ayaa noqotay mid aan laheyn meel looga lug baxsado maadaama danbiga uu cadyahay isla markaana magacii hey’adda lagu qabtay howlahaasi.

Tuhunada qaarkood ayaaba sheegaya in xiriirka ka dhaxeeya soomaalida hey’adda la shaqeysa iyo alshabaab ay soo xireen xubno ka tirsan ajaanibta Shabaab oo u dhashay Dalkaasi Denmark kuwaa oo saaxibo kuwooda ah oo ka tirsan madaxda cadaanka ah ee hey’adda ka codsaday in howshaasi loo fududeeyo.

Dowlada waxaa looga fadhiyay in fagaara cad ay soo taagto hey’adda howahsaasi ku lug yeelatay ee magaca samafalkana gabaadsaneysay laakiin ilaa iyo hadda kuma dhaqaaqin wax ka baxsan in ay xirto ninka Soomaaliga ah ee gacanta ugu danbeysa ee howsha inuu lahaa la ogaaday.

Qalabka dibada uga yimaadaa hey’adda DRC ee lagu soo dhex daro walxaha qarxa waxa ay ka soo dagaan Garoonka iyo Dekadda Muqdisho taasina waxa ay muujineysaa in cid walba oo lacag buuran heysata ay kala soo dagi karto garoonka iyo dekadda waxa ay doonto, maadaama mudo fogba howashan ay socotay laguna baraarugi waayay.

Alshabaab iyaga oo ka careysan kishifaada ku timid howashii ay hey’addaasi u heysay ayaa caro waxay kala dul dhaceen xarunta hey’adda taasoo todobaadkan gudihiisa Bam gacmeed ay ku weerareen kaasoo ay ku dhaawacmeen 7 qof oo rayid Soomaaliyeed ah marayayna xarunta DRC horteeda.

Hadaba akhriste sideed is leedahay ummadda Soomaaliyeed way uga nabad gali kartaa hagarta hey’adaha magaca samafal huwan ee ka shaqeynaya baab’inta umadda? Ma is leedahay in eysan Dowlada Denmark arintaas wax ka ogeen oo eysan haba yaraate la socon waxa Hey’adaheydu ey ku Howlanyihiin???? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Nacimo Cabdi - Muqdisho - Keydmedia Correspondent

_____




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.