MA MID DHIMANE AH AYUU NOQON DOONAA MISE DHAMME?

Ilaah baan ka hoos galnay in dhimane noo dhashaa, howlaha iyo waxa uu qabanayana ay dhicisoobaan, maalka ummadda ay lunsadaan laba cali aaney is weydii, sidii horeba u dhacday ay xukun beenbeenaad muddo ay ku wadeen umadda Soomaaliyeed, Cali Mahdi iyo Cumar Carte, Cali iyo wasiirkiisii Caafimaadka waa kuwii bilaabay in Soomaaliya lagu aaso sun nooc kastoy noqoto berri iyo badba, waxaase xusid mudan abaal gudkii arinkaasi inuu si xirfad leh ula cararay wasiirkii Caafimadka isla markaana Cali Mahdi uu meel cidla ah soo dhacay.
Faallo Keydmedia Online
MA MID DHIMANE AH AYUU NOQON DOONAA MISE DHAMME?

Waalli iyo khiyaano dadweyne weliba “ehel” waxaa ahaa in dhulka u dhaxeeya cadala,mareeg iyo berriga u dhaw Aadan yabaal uu Madaxweyne Cali mahadi uu sun ku aasay, suntan iyo wasakhaha ay iska fogeeyaan warshadaha reer galbeedka ee daawooyinka sameeya iyo isbitaaladu, waxybaahaasu waxay dhul abaar weligeed ah aan waxba ka bixin lama degaan noqda ka dhigaan meelaha lagu aaso.

Waxaa dadka khubarada ku ah waxayaabaha lagu aaso badaha dowlado taliyeyaal khaa’imiin wadamadooda khiyaana, jaahiliin ama damiir laawayaal ha noqdeene ay oggolaadaan, waxayna bereiga keliyoo ma ahee baddana baab’iyaan nolaha ku nool badda dadkuna waa ku sumoobaan, haamaha wasakhahaasu ku jiraan ugu yaraan 30 sanadood ayeey badda ku aasnaadaan kadibna intay miriraan ayeey dilaacaan, waana kuwa sibir ka sameysan, kuwa birta ah waa kuwa soo caariya sida tan haatan taala xeebta jaziira agteeda.

Cumar Carta Qaalib R.wasaare wuxuu u ahaa Cali Mahdina Madaxweyne looga dhigay si uu u hor istaago Maxrxuum ex Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid sidaa waxaa ka dardaarmay keligii taliye Max’ed Siyaad Barre oo mar BBC-du ay weydiisay garasha ma u leedahay Cali Mahdi oo ku beddali, yiri maya ee xaaskiisaan aqaan sidaa iyo ceydaas wuxuu ugu jawaabay maxaa yeelay labada nin waxay isku ogaayeen iga qabo ceydiid, ka hortag isku cid baad tihiin suurta gali inaan ku soo noqdo xukunka .

Cumar carte R.wasaare wuxuu u ahaa Cali Mahdi laba sano, sanad wuxuu iska wareegayay dhulka carabta iyo Islaamka wuxuu la kulmi jiray amiirada iyo boqoradda, gabayo jacbur ah ee afcarabiga iyo boqoradda khaliijka isagoo illimo ama boohin ama ooyay, mar buu ku yiri boqor ka mid ahaa boqorrada khaliijka “ANTA BADRUN WAL AAKHARUUNA KAWAAKIBUN” macnuhu waa boqorrow adigu waxaa tahay dayax 15 jirsaday, kuwa kalana waa xidigo wuxuu cumar u tegay suldaanka Brunay Daarusalaam lacag badanna wuxuu ka soo helay, waa markii u horeysay ee R.wasaare wareegaaleysta, weliba sanad la maqlo, horay waxaan u maqli jirnay “AMBASCIATORE AMBOLANTE, MINISTRO SENZA BORRTAFOGLIO” kuwaasoo mudada ay dalalkooda ka maqnaadaan laba todobaad dhaafi jirin.

 Cali Mahdi Malaayiinta dollar ee Cumar helay inuu R.wasaare wareegeesta sanad, balaqa ayaa loo soo tuuri jiray, waa la gudbay Cartaa la tegay iyo halkaa iyo Jabuuti waxaa is sharxay C/qaasim Salaad Xasan durbadiiba tusbax yar ayuu qaatay, waayo shuyuukh ayaa timid shirka, shuyuukh diineed, intii la tirinayay codadkii ay kala heleen isaga iyo C/llaahi Axmed Caddow, C/qaasim isagoo dhididaya ayuu miiska hoostiisa tusbixii si waali ah u boobayay, xariif ku xeeldheeraaday qaadida Video-yowyada ayaa tusbixii la helay kaamerada aakhiritaankiina codadkii madaxweynanimada wuu ku guuleestay, waxaase raad ku reebtay markii uu salaanta kala noqday gabadh aheyd safiirka Maraykanka  oo in ay u hanbalyeyso damacsaneed, wuxuu ilawsanaa inuu safaleeti gacanta saaran karay Kitaab gaablaw ayaa sidaa kula taliyey.

Dr C/qaasim sida haatan dhacdeyba R.wasaare Cali khaliif Galeyr ayuu isagoo dibada jira casilay, Xasan abshirna is qabteen oo uu ku beddelay Cali khaliif, ceebihii uu la kulmay C/qaasim way badnaayeen waxaase u darnaa markii xaaskiisa oo afar milyan oo doolar wadata lagu qabtay gegada diyaaradaha ee Dubay.

Waxaa lagu yiri “Waa maxay lacagtan faraha badan ee aad sidataa? Waxay tiri anaa leh oo qaahira aan daganahay gurina ku leeyahay ayaan u socdaa, la garay in ay xaaskii madaxweyne C/qaasim tahay, waxaa lagu yiri Soomaalida ganacsatada ah 500 kun oo doolar oo cadaan ah waa u ogolaanay waayo bangiyo ma leh lacagtanse way badantahay, Haweeneydii madaxweynaha way barooratay Booliskiina waa ka naxeen waana leyska sii daayay.

C/laahi yuusuf ayaa madaxweyne noqday khilaaf iyo R/wasaareyaal laba ah ayuu sameeyay , khilaaf xoog leh ayaa dhacay R.iisul baarlamaanka ayaa nin Shiikh Aadan madoobe la yiraahda uu bedlay afhayeenka Baarlamaanka ee la bedalay waa shariif sakiin.

Intii uu korneel C/llaahi uu aas-aasay maamulka Bari iyo Nugaal wasakh fara badan ayaa xeebaha deegaankaasi lagu aasay, xittaa dhulka madaxweyne C/llaahi waa ogaa indhahana wuu ka qabsaday wax nacaladeysan oo lacag la yiraah oo sumeysan ayaa malaha indhaha tiray damiirkana wax u geestay, taa waxaa ka sii darnaa 75 Milyan ee shirkii Makka lagu heshiinayay C/llaahi Yuusuf iyo Cali geedi R.wasaarihiisii labada nin loo dhiibay meeday? Su’aal malahan  tanu si “xaq” ah ayeey labada nin u kala qeybsadeen, lacagtii Cali geedi iyada waxaa lagu ogaaday xafladihii arooska wiilkiisa ee Hotello dhawr ah oo 5 xidigood ah lagu dhigay sidoo kale Mr Cali geedi gurigii uu ka geeriyooday mr John Grang hogaamiyihii maamul gobaleedka koonfurta Suudaan ee shilkii diyaaradeed ku dhintay markuu lacag badan ku iibsaday ayaa la ogaaday.

Korneel C/llaahi isagu waxaa si deg deg ah ugu yeertay Janday Frezar markuu Baydhaba joogay si deg deg ah ayuu u aaday garoonka diyaaradaha Jomo Kenyato, gegidaas qol ku yaala ayeey kula kulantay waxayna u dhiibtay warqad akhrisana ku tiri, waxaa warqadda ku qornaa lacago dhawr bangi u taalay isaga iyo caruurtiisa dabcan lacag xaaraan ah, sidaasey tahay waxay ku tiri xukunka si deg deg ah isaga deg hadii kale lacagtaas aad midba gooni ugu qortay qoyskaaga waa la xirayaa, korneel C/llaahi maalintii xigtay Baydhabo ayuu ku soo noqday xilkii iska dhiib kadibna yamen ayuu magangalyo weydiistay .

Shariif Xasan markii laga qaaday jagadii Baarlamaanka ee Aadan madoobe ka qaaday isla markiiba xamar buu yimid markii uu maqlay maxkamadaha xamar in ay dowladoobeen, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xasan Daahir Aweys oo markaa lagu naaneesi jiray gudoomiyaha golaha shuurada ee Maxkamadaha, markan waa sheikh ka mid ah Shiikhyadii maxkamadaha meel la’aan dhici maay, waa xariif, waa ganacsade weyn mana suurtowdo in maalkiisa buurto hadii aanu jaga weyn helin.

“Lacag iyo hanti buurataa ma kala maarmaan” sidaa ayaa maskaxdiisa ka guuxda mar walba, markii uu sheikh Shariif Asmara uu koox la tagay, shariif wuxuu tabay in ku daba feelida ninka Maraykanka uu soo dhaweeyay ay hanti ka ag dhawdahay.

Sheekadii jabuuti iyo wixii soo dhacay xukuumadii ina C/rashiid iyo wixii dhacay, maalkii 11-ka wasiir lagu tuhmay iyo R.wasaaraha habkii uu noqday wasiir maaliyadeed kadibna afhayeenka Baarlamaanka waa dhacdooyin qoyan ka hadli meyno, su’aashuse waxay tahay madaxweyne sheikh Shariif canaan ayuu la soo kulmay, maalkii Soomaalida gaajeysan laga soo boobay mala soo celin doonaa, laga soo bilaabo intaan ka soo sheekeynay, intaasoo dhan iskka daa xukuumadiisu maalkii ay lumisay ma soo celin doontaa?.

Maalkii dhimanayaasha waddaniyadda iyo shariif ka dhimmaned waa u heysanaa hadaan la soo celin, madax meel la salaaxoo ka sareysa ma leh, shariif Axmedow Baarlamaankuna waa sharci ilaaliye garsoorku waa dansanyahay.

 Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent

 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.