Jabuuti oo laga duqeeyo Soomaaliya!

Keydmedia Online (KON) - Waxaa Hawada Soomaaliya kusoo badanaya Diyaaradaha loo isticmaalo Basaasnimada iyo Dilka la shiisho oo aan Duulyaha laheyn loona yaqaano "Drones".
Faallo Keydmedia Online
Jabuuti oo laga duqeeyo Soomaaliya!

Warbixin lagu soo daabacay Wargeysa Asbuuclaha ah ee "Der Spiegel" oo ugu afdheer Dalka Jarmalka ayaa wuxuu Akiday War ay soo Qortay KEYDMEDIA ONLINE Asbuuci lasoo dhaafay.

Warbixinta "Der Spiegel" waxey diirada saartay Dilalka ay fuliyaan Diyaaradaha aan Duulyaha laheyn oo loo yaqaano "Drones".

Qoraalkaan oo aad u dhuuxgalay Qaabka ay ku shaqeeyaan Diyaaradahaan iyo sida loo isticmaalo, tiradooda iyo Nuucyadooda iyo Dagaanada ay kala joogaan ayaa Warbixintu waxey tilmaamtay Horinta Drones-ka ah oo Afrika taala in Xaruntoodu tahay Dalka Jabuuti.

Warbixintu waxaa lagu sheegay in CIA-da Mareykanka ay Diyaaradahaas u adeegsato iney falal Militari ka fuliyaan Wadamada: Soomaaliya, Pakistaan iyo Yaman.

KEYDMEDIA ONLINE markii ey Warbixintaan "Der Spiegel" heshay ayeey waxey weydiisay Garyaqaan Cumar Xasan oo ku taqasusay Sharciga Caalamiga ah sida uu u arko Diyaaradahaan iyo Duqeymahaan loo geesanahayo Dadka iyo Dagaanka Soomaaliyeed. Wuxuu yiri:

"Saad u ogtihiinba Beesha Caalamka Soomaaliya waxey ku shabadeysay "Failed State" Dowlad fashilantay, waxaana walaayadii Wakiilnimada la wareegay oo ay Gacanta ugu jirtay United Nationka wixii ka horeeyay September 2002"

Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dalka waxaa heystay Kooxo hubeysan (Al-Shabaab) waxaana kasoo horjeeday mar Ciidamda Itoobiyaanka, marnah Ciidamda Itoobiyaanka, Ugaandeeska, Burundiga... oo Mareykanku siinayay Logistic-ga iyo Intelligence-ka wuxuuna ka dabooli jiray xaga Cirka"

"Marka waxaa la oron jiray Diyaaradahaas waxey duqeeyeen fariisimo Kooxaha Xagjireenka ah leeyihiin, duqeyn kasta sidaas baa Dadka loo tusin jiray ama loogu sheegi jiray, hase ahaatee waxaa dhacday in ay Goobo aysan joogin Argagixisadu Diyaaradahaas ay Duqeeyeen. Waxaa lasoo sheegay Dad reer Mii ah oo la laayay iyo Xoolo iyo Gurjo la baaba




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.