Maamul Goboleedyada: Boob Qabiil, Burbur Qaran, & Badheed Hub Ururusi marlabaad!

Xasan A. Shire — Dhulgariirka waa laga baqaa, waayo soo dhaxaye, La dhex joogi mayoo arlada, dheelmashow qorane, Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal, dhiilka aakhiro, Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahay — “Hadraawi”.
Faallo Keydmedia Online
Maamul Goboleedyada: Boob Qabiil, Burbur Qaran, & Badheed Hub Ururusi marlabaad!

Somaalida tan iyo mudadii aay dawladdii dhexe waayeen waxaa ka dhex taagnaa dagaalo Sokeeye, kuwaas oo maray xaddi kasta oo dhiig daadin, aakhirkiina ku kala firdhiyay daafaha caalamaka, sidoo kale horseeday in dadkii uu kala jajabaan qaabiilo, ku qiimeeysan adhax ka jab tariikheed, burbur colaadeed, hirgaliyay in cidkasta oo dalkan muaraad kaleh si fudud kusoo gasho.

Waqtigan, Somaalidu waxaay qaaday dariiqii ugu aayahay xumaa, hadaan degdeg wax looga qaban, colaad aakhirka keeni karta inaay ka dhacdo aano ma guuraan ah, waxaa la sadaalin karaa inaay u kala jajabaan in ka baan sagaal maamul, taasoo saansaankeedu muujinayaan labadan qodob.

Maamul goboleedyada sameeysmaya ee faraha badan, iskoodna isu xilqaamayaa waxaay keenayaan in aakhirka cidaksata raadiso ka madaxbanaani Dawaalda federaalka ah, ee aan lahaayn awooda xoogan, sidoo kale tageeraan wadamadda jaarka ah, oo markii ay doonaan go’i karaan, sidoo kale marka maamul la sameeyo aan cidna ka amar qaadan o isagu is abaabula, waxaay keeni karaan inaay hub urursadaan iyagoo xaq u leh, sida dastuurku sheegaayo, maamualadaasi kama amar qaataan dawlada dhexe sidaa, kuwa dhowaan samaaysmay, Jubbaland, Maamulka koonfur galbeeda ee lixda gobol, Banaadir laan, iyo qaar kale oo sameeysmay intii dowladda federaalka ee Somaaliya ay jirtay, qarkood colaad ayaa k dhexmuuqataa, waxaa ku jiraa badhkood caadifad ayaa lagu abuuray, iyo aargoosi, waxaayna garabka saarayaan wadamadda qaarkood, maamuladaasi waxaay ku dhisan yihiin axdigan.

Qabiilnimo: rerkasta oo Somaliyaad waxa uu danaaynayaa isagoo dastuurka ka faiideeysanayaa inuu dhisto maamul u gaar ah, sameeystona hub u gaar ah, si uu aakhirka isaga celiyo qabiilada dhibtu dhextaalay mudadaas, Somaalidu waxaay tiraahdaa  “Waa tii oo laxa qalatay” waa qabyaaladii oo sharci loo helay, wadamona tageerayaan, sidoo kale qodobka sheegayaa labo gobol iyiii wixii ka badan, waxay keeni kartaa labo reer oo labo gobol wada dega, in mid (qabiil) damco inuu kuwa kale khasab ku qabsado.

Dhulbalaadhsi: Arinka kale ee isaguna reerkasta ku dadaalaya waxa weeyaan in dhul uu ku sameeysto maamulka kana faiideeysto qabiilada kale oo hurda, kuwii hurdayna aay soo baraarugaan, waxaa taas markhaati ka ah, arinaka u dhexeeya Jubbalaan, iyo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol-

Qodobka labaad ee keeni karaa buruburka waxaa ka mid ah Daawladaha jaarka ah oo intooda badan tageerayaa maamulada ka sameeysmayaa gobaladaas, iyagoon aan kala tashanaayn daawlada somaaliya, waxaay aakhirka keeni kartaa marka khilaf ka dhex dhaco Dawalda Somaaliya ee federaalka iyo wadamada jaarkooda, inaay hordseeddo in la abaabulo goosadka  maamuladaas, lana hubeeyo,  waa gobaad laga  wiiqi karo Dawalda Federaalka ah ee Somaaliya, wana dulin dhiiga lagaga jiqi karo, waa ardaa aay dugsadaan cidkasta oo dan gaar ah ka lehi, dawladda  Somalaiya waxaay u  ku khasbantahay inaay hogaaansanaato awaamiirtooda iyo doonistooda xidhiidhka labadaas dal, kuu doono ha ahaado, iyagoo kaga fa’iideeysanayaa cabirkooda hiigsi, una soo marayaa sdia caadada ahaayd siyaasadda Arimaha dibadda ee labada dal ama sadexdaas dalba, hadaba waxaa is waaydiin leh wadamada jaarka ah & Somaaliya maxay tahay siyaadda arimah dibadda ee dhex mari kartaa.

Siyaasadda Arimaha Dibadda:

Wadama jaarka ahi wxaay midkasta uu xeerinaya dantiisa gaarka ah inuu ku saleeyo siyaasadda arimaha dibadda, kana soo hooyo fa’iido shacabkiisu uu khushuuco, sidoo kale rergalbeedku fahmi karaan, oo danta aay ku guuleeysataan wadamadaas jaarka ahi, waxay si xoojinaysaa wadamada rergalbeedku taay guusha kaga gaadhaan.

Gudaha geeska Afrika, Somaaliya maaha wadan aay ka jirto dhisnaan dhaqaale, mid ciidan iyo mid amni, waxa uu kusoo korhdin karaa geeska way yartahay, waxaase jiraa, doonis wadamada kale oo ah dhul baladhsi, khayraadka balaadhan ee badeed ee anay lahaayn wadamadaasi, waa dhab in hunguri kaga jiro wadamadaas, waxyaabahaas dabiiciga, ah, sidoo kale wadamadaas waxaa korayaa dadka ku nool jaarka, markaay kordhaana u baahan shaqo, dhaqaale, dhul ku filan, ku darsoo wadamadaas dadka ku noli waay-kakarti badanyihiin marka loo eego dadka Somaalida ah, dhinacyada  beerashada, & wax soo saarka kale ee dhulka.

Gebogebadii maamul goboleedyada kordhayaa ee Somaaliya waxaay dhaxalsiinaysaa xaalad dhib badan oo suurto gal tahay arin sameeyn xoogan ku yeesha qoomiyada Somaalida ah, hadii aan wax laga qaban maamul goboleedyada ku sameeysmayaa hab qabiil, sababi karta aano ma guraan, ah, hadaan Dawladda somaaliya gacan u qaadan, waxaay sameeyn doontaa mustaqbalka dambe in dhulkan somalida la qabsado, sidoo kale aay sameeysmaan in ka badan labaatan maamulgoboleed, oo ka’amar qaata meelo kala duwan, sida Somaaldia taala wadamada jaarka ah, ee hoos joogaa wadamadaas lagu darayo lixdankii ka bacdi, waxaa suurto gal in wadamada qaarkood aay aaminsanyihiin in dhulka somaalidu degto  lahaayeen,  oo la yiraahdo gumeeystihii ayaa uu  kala jarjaray qaaybo, raaciyayna Somaaliya.

Sida Kenya oo aaminsan in jubooyinka ingiriiskii dagaalkii koowaad abaalmarin u siiyay Talyaaniga, hanka waddan dhisan ogoow ma baaba’o ee waxaa dhamaada damaca wadanka burbura, Baahane markasta waxkasta wuu sameeyaa, waxaase dadaal faro badan u baahan in laga baxo dib isu urursiga qabiilnimo, ee aay ku jirto ciil iyo murugo reernimo, sidoo kale cadoowga  inta  uu umuuqdo, walaakaa aad  wadaagtaan, isir, dhaqan, luuqad,  iyo diin, wanaag & guuli  kaa fog, cadoowna kugu dhoow.

Tallada & Tawfiiqda Alle aha ina garansiiyo.

Xasan A. Shire - shire202@gmail.com
Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.