Maansada; Guuleed: Waxaa Tiriyey Abwaan Bashiir M. Xersi

Waxaa Tiriyey; Abwaan Bashiir M. Xersi - Mudane Soomaali ah, oo xil loo dhiiba, ee marka uu wadi waayo iska casila, waxaa laga sheegay Mudane Axmed Keyse Xaaji Cabdille Wasiirka Beeraha ka ahaa xukuumaddii u horraysay dalka, iskana casilay ka dib markii nin Talyaani ah ku yiri; “Halkan anaa ku koray, adi meel fog ayaad ka timid!” oo madaxdii dalka xilligaa ay wax ka qaban waayeen, sidaana xilka isaga casilay.
Faallo Keydmedia Online
Maansada; Guuleed: Waxaa Tiriyey Abwaan Bashiir M. Xersi

Mudane Axmed Keyse, waxaa xigay kontan sano ka badan ka dib Wasiir Guuleed oo 24kii May 2014kii isna xilkii uu yahay iska casilay. Haddaba, anoo u riyaaqay tallabadaa ayaan maansadan ka curiyey isla habeenkaa, waxayna leedahay;

 Maansada; Guuleed

 Guuleed[i] salaan sare

Shalay galab anaa qoray 

Inaad gaabis tahayoo

Xilku gaasir kaa yahay

Guurguur wax tari karin.

 

Mar haddaad is garatoo

Golihii Wasiiradda[ii]

Ka GALBADEY na leedahay 

Xilka iga guddoomoo

Ka gayoodey leedahay

Gudbisoo waraaqdii

Geesinnimo u dhiibtay

Adigoon gunuusiyo

Guuguuna daba wadin

Gunno qaadan iyo shilin

Gooni aad is taagtay

Gacan qaaddey gebigood

Waa guul billow ehe

Anna waxaan guddoonsaday

Inaan kuu gabyaa oon

Geeraarro kuu diro

Kuu tiriyo Guuroow

Adigoon is giijayn

Guuleed war iga hoo.

 

Guuleed salaan sare

Garashada qofkii hela

Ee Garaad la kaashada

Taladiisa guunka ah

Garwadeenka xaajada

Geesmarin ujeeddada

Ma gefaayo weligii

Mana gebi dhacleeyee

Horta garo dhambaalkeey.

 

Guuleed salaan sare

Goobdoon qofkii ehi

Guutada kamuu haro

Gadaal kama fariistoo

Garabkooda kama baxo

Gumac iyo rasaastiyo

Gantaalaha dhexdeeduu

Ka ganaa had iyo jeer.

 

Guuleed salaan sare

Dib u gurashadaadaan

Haddii aysan Geni iyo

Diinnaar ku gaagixin

Waa goolal ugub ehe

Guusheeda kuu qiray!

 

Guuleed salaan sare

Geyigeenna Soomaal

Gobolkeenna gaarka ah

Siyaasiga ku geyfane

Gafanaha sidiisii

Ugu godaya miciyada

Geesinnimuu ka gaabshaad

Guuleed ku dheerrataye

Haddaad garatay goor uun

Gallad Eebbe weeyee

Guusheeda kuu qiray!

 

Gobonnimo waxay tahay

Taladaadan goyn karin

Ama aadan gali karin

Gorfeynteeda hagi karin

Inaad gaar ka noqotee

Xil jacayl gunnimo iyo

Waa gumaysi kula hara

Geerida ka daranoo

Cududdaada kala gura!

 

Guuleed salaan sare

Gaabiskiinna muuqdee

Gabannada dhallaankiyo

Dadka gabi ahaantiis

Ay wada gareysteen

Guuro iyo dharaar iyo

Gudcur iyo iftiin iyo

Goob walbaaba yaalla

Guuleed maxaa dhalay

Yaa guubaabo tirayoo

Guulguulay gacalkii?

Eelkiyo gunnimaad

Yaa gacanta laga galin

Luquntiyo garbaha iyo

Guntiga loogu xirayaa?

Waa goorma goortaan

Gayaankeen ka dabategi?.

 

Guuleed salaan sare

Guuxii dadweynuhu

Gaarsii i yiri baan

Kuu soo gudbinayaa

Af gobaadsi ma ehee

Guurtida warkood maqal;

Faaraxii Garsoorkiyo[iii]

Inta godobta beertiyo

Gilgilkiyo xumaantiyo

Guhaaddiyo colaaddiyo

Kuwa gooha dhaliyee

Ama gaaska ololkiyo

Kuwa beera gaajada

Gayshkii[iv] sirdoonkiyo[v]

Intaan gudan xilkoodee

Gunno iyo mushaar iyo

Gaaweeto sidataba

Giddigood is daba dhiga

Inta GADANNA yey harin!

 

GUULEED garwaaqsaye

Yaa GOOBBE[vi] garansiin

KOOFI[vii] yaa u guudmari

SAACID[viii] yaa gogol fidin

EREG[ix] yow galliin noqon?

Ha ka reebin GAAFOOW![x]

 

Googgaale maahee

Inta gocorra joogtiyo

Gaangistarkoo idil

Ha na daayo GODANANA

Garbaduub ha loo xiro

Gocoshiyo dhimaal iyo

Gabbal dhacay ka daalnaye!

 

Gunta iyo dhammaadkii

Aan gunaanadee maqal

Maskax gurani maax ma leh

Maan gudbanina miil ma leh

Guddoon xumi wanaag ma leh

Garsoor xumi garow ma leh

Umadyahaw geddaa socon

Umadyahay u guur samo

Sinnaanta iyo Gobonnimo.

 

Dhammaad.

24/05/2014

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com



[i] Wasiirkii Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, horana u ahaa, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka RW Saacid

[ii] Cabdiweli Sheekh Axmed, Wasiirka koowaad ee Xukuumadda

[iii] Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Garsoorka iyo Federaalka, horena u ahaa, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada xukuumaddii RW Saacid

[iv] Madaxda Ciidanka Qalabka sida

[v] Madaxda Sirdoonka iyo nabad sugidda

[vi] Taliyaha Hay




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.