MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Ramadan, waa bisha uu Rabbi (swt) ka doortay bilaha sanadka, markuu doonay inuu adoomihiisa usoo dajiyo, Kitaab u noqda Nuur ama Nal u iftiimiya jidka ay ku gaari lahaayeen Horumar Aduun iyo Guul Aakhiro labadaba.
Faallo Keydmedia Online
MICNAHA IYO QIIMAHA BISHA RAMADAAN

Ramadaan waa bisha 9aad ee bilaha Islaamka, Waana bil u sida dadka mu´miniinta ah Hanuun iyo khayr aad ufara badan, lagana rabo inay Rabbi (swt) aad ugu sii dhawaadaan iyagoo ka-siyaad sanaya jacayl, raxmad iyo danbi dhaaf.

Soonkuna waa Cibaado aad u fadli badan, waana  Cibaado soo jireen ah  oo uu Rabbi (swt) ku faral yeelay dhamaan Umadihii Muslimka ahaa ee inaga horeeyay.

Bishu maxay qiimahaas oo dhan ku mudatay? Jawaabtu waa inuu Rabbi (swt) soo dejiyay habeen bishan ka mid ah Quraankiisa Kariimka ah, isagoo kasoo dejiyay Looxul maxfuud una soo dejiyay meel la yiraahdo (Baytul Cissah) oo kutaala samada kowaad, kuna aadan Kacbada sharafta leh korkeeda.

Halkaas oo Malaaigta u ah Kocbada Samada ee ay Tawaafaan, sida ay Mu´miniintu u Tawaafaan Kacbada.  

Fadliga bishaa barakaysan waan ka war-bixin doonaa, laakiin inta taa ka horaysa waxaa su`aal ah sideen uga faa-iidaysan karaa fadliga iyo Ajarka bisha Ramadaan? Jawaabtuna way sahlan tahay; kow waa inaan garano oon qadarino qiimaha ay bishu inoo leedahay, kadibna aan sifiican ugu diyaar garowno. Maxaa yeelay waxaan loo diyaar garoobin oon loo tabtaysanin Guul mira dhasha lagama gaaro.

Tusaale yar hadaaan soo qaadano, qofkii lagu yiraahdo waxaa kuu soo socota marti sharaf leh, waxaa hubaal ah inuusan iska sugaynin si ay uga dul yimaadaan Gurigii oo isku dhex daadsan, oo wasakhaysan.

Balse wuxuu ku dadaali siduu Guriga usii habayn lahaa, qurxin lahaa, carfin lahaa, cunto macaana ugu sii diyaarin lahaa, wakhtigay imanayaana isagoo diyaar ah usoo dhaweny lahaa. Hadaba shaki maleh inay Bisha Ramadaan uga sharaf iyo qiimo badan tahay qofka Muslimka ah Marti kasta oo uu qadarin lahaa, laakiin nasiib darro waxaa yar inta fahmaysa qiimaha bishaas ee siinaysa darajada ay mudan tahay.  

Soonkuna waa Tiirka Afraad ee Tiirarka Islaamka ee 5 ah, qofkii diida ama inkira ama ka shakiya inuu waa jib yahayna wuxuu noqonayaa qof seetadii furtay oo Islaamka weydaartay. Waana Tiir badani ah, oo ku xariira qofka Muslimka ah ee kari kara inuu soomo, isagoon la fiirinaynin inuu qofkaasi leeyahay Hanti iyo in kale.

Halka ay Sakadu tahay Tiir Dhaqaale oo ku waajiba Maalka uu haysto qofku, isagoon la fiirinaynin Jirka ama xooga uu leeyahay qofkaasi. Halka uu Xajku yahay Tiir u baahan labadii oo wada jira; inuu qofku heli karo, Maal uu ku aado safarka Xajka iyo inuu leeyahay awood ama Caafimaad uu ku  gudan karo Acmaasha Xajka ee faraha badan.  

Hadaba waxaa su´aal ah Soonku yuu ku waajibaa?

Soonku wuxuu ku waa jibaa qof Muslim ah, oo Baaliq ah, caqligiisuna taam yahay, kana taahir ah caadada ku dhacda haweenka. Oo qofkii aan Muslim ahayn soonku kum waa jibo, lamana oranayo war maxaad u soomi wayday, ee waxaa la-waydiin ama loo bandhigi inuu kow Islaamka fahmo, ku qanco kadibna qaato kadibna soomo.(Ooda dhacmeed siday u kala horeeyeen baa loo kala jiidaa).

Ilmaha aan wali qaan gaarina Soonku waajib kuma aha, balse waxaa la rabaa markay 10sano gaaraan inla yiraahdo sooma, si ay usii bartaan, waalidkoodna u helaan Ajar. Qofka aan Caqligiisu taam ahayna soonku waajib kuma aha oo Rabbi (swt) wuu ka qaaday mas´uuliyadii qofka waalan. Haweenta qabta caadaduna way a furaysaa, maalmahaa iyaga ahna way qadayn doon-taa bisha Soon kadib.

Fadliga bisha Ramadaan waa mid ka balaaran in la koobo,  Rabbbi (swt) baana noo sheegay inay bishaas maalmeheeda kamid tahay habeen ka khayr badan kun bilood, oo noqonaysa 83 sano iyo dhawr bilood. 

Habeenkaas oo liyraahdo (LAYLATUL QADAR) habeenkii sharafta, ama darajada sare. Taasina waa nicmo uu Rabbi siiyay Ummada Nabi Muxamad (scw) ee uu Rabbi ka dhigay Ummad ka cumri gaaban umadihii ka horeeyay oo dhan. Kadibna uu doonay inuu ugu badalo Cumriga gaaban fadli aad u sareeya oo ayna umadihii hare heli jirin.

Habeenkaa isaga ahna Rabbi (scw) bisha ayuu ku dhex qariyay, oo sicad laynoo guma sheegin, maxaa yeelay Rabbi (swt) wuxuu inala rabaa inaan bisha maalmeheeda oo dhan cibaaday-sano, isagana usii dhawaano.

Rasuulkeena (scw) ayaa noo faahfaahiyay fadliga iyo qaybaha bisha, wuxuuna yiri (10 maalmood ee hore waa Raxmad, 10 dhexana waa danbi dhaaf, 10 danabana naartaa laga xoroobaa). Taasina waa tartiib layaab leh, oo inooga baahan inaan u fiirsan… Raxmad, Danbi dhaaf iyo naar kaxoroobid.

Culima qaar macneeyay xuruufta kalmada Ramadaan, oo yiri:

R: Raxmad

M: Maghfirah-Danbi dhaaf

Ballan qaad Janno

?: Amaanun mina annaar - Naar ka xoroobid

N: Nuurun mina Allah- iftiin xag Alle ka yimid.

Hadaan isku dayo inaan arintaa ku soo dhaweeyo tusaale yar waxaan oran karaa;  hooya kasta ilmaheeda aad bay u jeceshahaym waxayna aad u jeceshahay inay iyada u dhawaadaan akteeda ku ciyaaraan.

Haday aragto ilmaheedii oo soo haraaday baahi, oon iyo wassakh ay kala goosteen, waxay samaynayso waan wada fahi karaa. Inay naxdo fadhiga kaboodo, canugii qabto, musqusha kula cararto, dharkii wasakhda ahaa ka-bixiso, wasakhdii saabuun kaga dhaqdo, Saliid iyo Boder u mariso, kadibna ay dhabteeda ku seexiso ama agteeda fariisiso siisana Caano iyo Cunto kolba waxay u haysay.

Intaa kadib ayuu canugii farxaa qoslaa soona gaaraa halkii ay hooyadii la rabtay, lana qososhaa una heestaa.

Hadaba qofka Muslimka Rabbigii (scw) abuuray ayaa uga raxmad badan ilmaha hooyadiis, waxaana badan inay adoomihii isku haleeyaan Danbi, Fisqi, Rabbi kafogaan iwm. Kadibna soon baa usoo galaya, Mu´miniintiina way soo mayaan, Rabbi bayna u soo laabanayaan, wuxuuna arki Rabbi (scw) iyagoo ka fogaaday kana dhex baxay Danbigii iyo xumaantii ay ku dhex jireen, wuxuuna ku fiirin il raxmadeed.

(Hooyadii ilmaheeda Xaalkiisa ka naxday) tobankii 2aadna Danbi dhaaf, wassakh ka dhaqid iyo nadiifin iyo carfin, siuu u gaaro xaaladii u saraysay ee raali ahaan-shaha; naar ka xoroobid. Oo qof aan naxariis iyo jacayl loo haynin lama dhaqo-carfiyo, qof aan la nadiifinina magaaro darajada raali noqoshada.

Hadaba Xadhiith kaa koobani waa cashir aad u qaayo dheer, qofka Mu´minka ahna siinaya fursad aad u qiimo badan.

Waxaa kaloo Xadhiithkaa sii dhamaystiraya Xadiith kale oo oranaya; Saxaabada ayaa maqlay Rasuulka (scw) oo oranaya (Aamiin Aamiin Aamiin) ayagoon wax duca ah maqlin, kadibna Rasuuka ayay weydiiyeen, maxaad aamin u lahayd. Wuxuuna ugu jawaabay Jibril baa habaaray sadex qaybood oo dadka kamid, waxaana kamid ahaa qof soo gaaray Ramadaan oo aan mudanin inuu Rabbi (scw) udanbi dhaafo.

Waxaana fahmi karaa weynaanta culayska ay leedahay arinta uu Jibril la habaartamay, Nabi Muxamadna (scw) u jiibiyay; Aamiin u yiri. Oo qof waliba wuu dareemi karaa xumaanta iyo dulinimada ay leedahay qof kayimid meel ay dadkeedu dhamaan dharag-sanyihiin, isaguna baahi la-ildaran, maxaa kasoocay dadka oo isaga duliga ku riday.

Waa sidaas oo kale qofkii kadhex baxa Ramadaan isagoo aan Rabbigii (swt) ka mudanin xarmad, danbi dhaaf iyo naar ka-xorow.

Bisha Ramadaan markay dhalato Rabbi (swt) wuxuu ugu kaalmeeyaa dadka Mu´miniinta inuu xabsiga u taxaabo dhamaan shayaatiintii dadka dhumin jiray, xoog iyo awood badana siiyo Malaa´igta dadaka Khayrka iyo wanaaga farta ama ku dhiira galisa.

Xadhiith Qudsi ah wuxuu Rabbi (swt) kuyiri, adoomahayga acmaashooda oo dhan iyagaa iska leh, Soonka ma ehee, Soonka anaa iska leh, anaana ka abaal marinaya. Waana arin tusinaysa Soonku inuu yahay; cibaado aad u saraysa ahna Sir ka dhaxaysa Adoonak iyo Rabbigiis (swt) oo qof kale uusan ogaana karin, qiimqayna karin, abaal keedana bixin karin.

Wuxuu yiri Imam la oran jiray ibnil Jowsi; bilaha Sanadku waa 12, sida ay wiilashii Nabi Yacquuba u ahaayeen 12, bisha ramadaad waa bisha uu Rabbi u jecel yahay bilaha, sida uu Yuusuf u ahaa wiilka uu Yacquub ugu jeclaa wiilashiisa. Rabbi 11 wiil ee kale wuxuu ugu danbi dhaafay fadliga Yuusuf, sidoo kale dadka mu´miniinta ah danbiyada ka dhaca 11 bilood wuxuu Rabbi u dhaafaa bisha Ramadaan.

Lasoco Qeybta Labaad ee Qormada...

Dr. Axmad Cabdulahi - axmed.abdulahi@Keydmedia.net - Keydmedia Online




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.