Madaxweyne Farmaajo & Mursal oo Dastuurka diiday!

Faallo Barre Shukri Elmi

Farmaajo iyo Mursal xaq ma'uleeyihiin in ay Dastuurka dalka qaarna, diidaan qaarne dhahaan waa Dastuur ee hallagu dhaqmo? Taariikdu markeey aheyd 15/08/2020 fadhigii Barlamaanka Qaranka Soomaaliyeed markii uu yimid Madaxweyne Farmaajo si uu khudbad uga jeedo shirka Barlamaanka, Guddoomiye Mursal oo ku soo dhaweeyay ayaa yiri Madaxweynaha waxaa xaq u siinayo qodobka 90aad ee Dastuurka xarafka 'G' in uu Madaxweynahu furo shirka.

Madaxweyne Farmaajo & Mursal oo Dastuurka diiday!

Barlamaanka, balse waxaa isweeydiin leh haddii ay Farmaajo iyo Mursal diideen qodobo dastuur ah ma'daliishan karaan qodobo kale oo dastuur ah? jawaabtu waxay si CAD u noqoneeysaa ma'daliishan karaan qodob dastuur ah inteey horay u diideen qodobo dastuur ah maxaa yeelay suurto gal ma'aha dastuurka dalka oo ay umadda Soomaaliyeed ku heshiisay qodobne waa diidayaa midne waa soo daliishanayaa ee hallagu Dhaqmo.

Bal hoos ka fiiri qodobada dastuurka oo ay diideen Farmaajo iyo Mursal, sidoo kale hoos ka fiiri qodobada ay dantooda ka dhax arkaan oo ay soo daliishadaan oo ay rabaan in lagu dhaqmo.

Qodobada dastuurka oo ay diideen Farmaajo iyo Mursal waa sidan:

A) Cutubka 2aad, madaxa 2 ee dastuurka Qaranka, qodobka 19aad farqada 1aad waxay leedahay: (qofne gurigiisa ama meeshii kale ee asaga gaar u ah lama baari karo lamana basaasi karo amar garsoore oo sababeeysan la'aantiis). Isla qodobka 19aad farqada 2aad  waxay leedahay: (waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo daganaha hooyga, baarahane waxaa ka reeban ku xad gudubka sharciga). 

Qodobkaan 19aad ee dastuurkii lagu heshiiyay Farmaajo waa diiday oo waakii guriga Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Shakuur sharci darro iyo amar garsoore la'aantiis ku weeraray oo waliba muwaadiniin Soomaaliyeed ku xasuuqay si sharciga iyo dastuurka baal marsan iyo qodobka 19aad, Mursal asne qodobkaan waa la'diiday Farmaajo waxaana caddeeyn u ah hal maalin Barlamaanka ma horkeenin Guddoomiye Mursal in uu Madaxweynaha dastuurkii umadda Soomaaliyeed ku heshiisay si CAD u diiday.

B) Isla cutubka 2aad, madaxa 2aad, qodobka 21aad ee xorriyadda isku socodka iyo Degitaanka farqadiisa 1aad waxay leedahay: (qof kasta oo si sharci ah ku degan dhulka Jamhuuridda Soomaliya wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u dagi karo uguna dhax socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo).

Qodobkaan 21aad oo ah dastuurkii lagu heshiiyay Farmaajo waa diiday oo waakii u diiday in ay si xor ah dalkooda Hooyo ugu dhax safraan labadii Madaxweyne oo asaga ka horreeysay oo sida sharafta badan hoggaanka Qaranka ugu wareejisay ee Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waliba madaxdii la'socotay oo waakii Farmaajo ka hor istaagay ayakoo Magaalada Beledweyne gargaar u waday, markale waakii Farmaajo u diiday senator Fartaag iyo Mudanihii kale ee Barlamaanka oo la'socday in ay si xor ah ugu socdaalaan magaalada Kismaanyo, Guddoomiye Mursal asne waa la'diiday qodobkaan sababtoo ah hal maalin su'aal kama weeydiin ku xad gudubka dastuurka  Madaxweynaha iyo diidmada qodokaan umadda Soomaaliyeed ku heshiisay.

C) Isla cutubka 2aad, madaxa 2aad, qodobka 35aad farqada 5aad waxay leedahay: (qof kasta oo la'xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48saac gudahood lagu horgeeyo maxkamadda awoodda u leh).

Qodobkaan 35aad oo ka mid ah dastuurkii lagu heshiiyay Farmaajo waa diiday oo waa Kan siyaasiga Rooboow xabsi ku hayo muddo dheer oo ka badan 48saac asagoo aan hor keenin maxkamad sidoo kale Farmaajo waakii muddo dheer oo ka badan 48saac xabsi ku hayay wasiirkii amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Janan, waxaa kale oo uu diiday Farmaajo qodobo badan oo ka mid ah dastuurkii ay umadda Soomaaliyeed ku heshiisay, Mursal asne waa la'diiday Farmaajo oo su'aal kama weeydiin ku xad gudubka dastuurka.

2) Marka ay saas ugu tumanayaan dastuurkii ay Soomaaliku heshiisay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal aaway Barlamankii Qaranka Soomaaliyeed oo uu shacabka Soomaaliyeed u doortay in ay dastuurka Soomaaligu heshiiyay ilaaliyaan oo waliba uu dastuurka awood u siiyay in ay cid kasta oo dastuurka ku xad gudubto xilka ka XAYUUBIN karaan? Jawaabtu waxay tahay: xiligii Askarta ay dalka maamuleeysay waxaa jiri jiray wax Barlaman lagu sheegay laakiin aan sifo Barlaman la'heeyn oo la'oran jiray Golaha shacabka laakiin awoodda kali ah oo ay la'haayeen ay aheeyd markii uu khudbeeynayo kaabihii Askarta in ay u SACBIYAAN oo markii uu shacabka Soomaaliyeed la'yaabay awood darridooda uu u bixiyay magacii ku habboonaa oo ah GOLAHA SACABKA, hadda Barlamaankii Qaranka oo ay Soomali dooratay wuxuu noqday GOLIHII SACABKA oo kale oo waa arkeeynay maalin dhoweeyd markii uu la'haa Farmaajo wixii shirka Dhuusamareeb lagu heshiiyo waa diidayaa wixii SACAB ay u tumayeen Farmaajo, ayakoo aan su'aal ka weeydiin Karin dastuurka ay Soomali ku heshiisay oo uu KAS ugu tumanayo Farmaajo.

Qodobada Farmaajo u daneeynayo oo uu rabo in loogu dhaqmo sidii ayaad qur'aan ah waa kuwan hoose.

A) Cutubka 4aad qodobka 89aad farqadiisa 5aad xarafka D wuxuu leeyahay: (Musharraxiinta u tartameeyso  Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed in ay noqdaan midkii helo codadka ugu badan ee Barlamaanka labadiisa Aqal ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya  noqonayo) qodobkaan 89aad farqadiisa 5aad xarafka D ayuu Farmaajo Madaxweyne ku yahay, laakiin feer uu la feertamay ugama badin Farmaajo musharraxiintii kale ee Soomaaliyeed oo la'tartantay waana u hambalyeeyeen ayakoo xushmeeynayo dastuurkii  umadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay qodobkiisa 89aad farqada 5aad xarafka D,  asne Farmaajo waa in uu xushmeeyo qodobada kale oo ka mid ah dastuurka ay Soomaaliku heshiisay. 

B) Isla Cutubka 4aad qodobka 90aad xarafka E wuxuu leeyahay: (Madaxweynaha wuxuu magacaabaa xilkane ka qaadaa taliye yaasha ciidamada heer Fedaraal kaddib markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada)  awoodda qodobkaan uu siinayo ayuu Farmaajo ku magacaabay taliye yaal ciidan oo badan isla markaane kuwa kale xilka uga qaaday, dhammaan taliye yaashii uu xilka ka qaaday waa wareejiyeen xilkii ayakoo u hoggaansan dastuurka ay Soomaaliku heshiisay qodobka 90aad xarafka E, sidoo kale taliye yaashii uu xilka u dhiibay xilkii waa la'wareegeen ayakoo u hoggaansan dastuurka lagu heshiiyay qodobkiisa 90aad xarafka E,  Farmaajo waxaa waajib ku ah in uu asne ilaaliyo oo uusan ku tuman qodobada kale ee dastuurka oo ay Soomali ku heshiisay.

Sida aan kor ku soo qeexay Farmaajo iyo Mursal waxay diideen qodobada dastuurkii lagu heshiiyay oo aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo aanan sheegin  markaas Mursal iyo Farmaajo xaq ma'uleeyihiin sidii uu Mursal fadhigii Barlamaanka u soo  daliishaday qodobka 90aad xarafka D in ay dastuur soo daliishadaan oo shacabka Soomaaliyeed u sheegaan in dastuurka la'raaco? Jawaabtu waxay tahay maya, waliba shacabka Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay in uu yiraa: Farmaajo Madaxweyne ma'tihid maxaa yeelay mar haddii aad diidday qodobka 19aad, kan 21aad, Kan 35aad iyo qodobo kale annakane waa diidnay qodobka 89aad farqadiisa 5aad xarafka D oo aad Madaxweyne ku tahay oo Madaxweyne ma'tihid hadda sababtoo ah qodobada dastuurka in qaar la'diido Qaarne lagu dhaqmo meel ay dastuurka uga qoran tahay ma'jirto.

15.08.2020 Farmaajo asagoo hor Fadhiyo Barlamaanka Qaranka Soomaaliyeed wuxuu si CAD u sheegay in uusan ogolaan doonin wixii ka soo baxo shirka Dhuusamareeb 3 isla markaane uu ula soo noqon doono Barlamaanka asagoo waliba yiri Barlamaanka ayaa doorashada horay u ansixiyay taas oo ah qof iyo cod oo ay tahay ujeedka uu ka leeyahay Farmaajo in uu Guulwade yaasha cusub ee xooggagga wadaniyiinta lagu sheegay uu yiraa ayakaa codeeynayo halkaasne uu xorriyadda iyo masiirka umadda Soomaaliyeed ku afduubo.

Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah yaa xaq u leh in ay masiirka umadda Soomaaliyeed iyo doorashada jaan gooyaan? Waxaa xaq u leh Madaxda Dowlad Goboleedyada, tusaale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee Dani wuxuu ma'suul ka yahay oo uu nabadooda sugaa ugu yaraan 100 Tuulo iyo Magaalooyin waaweeyn shacabka Soomaaliyeed oo ku nool sidaas darteed Dani ayaa uga xaq leh in uu doorashada maamulo oo uu Jaan gooyo Habka Doorashada oo kaga xaq leh  Farmaajo iyo Mursal oo aan hal Xaafad oo Magaalada  Xamar oo ay dagan yihiin ku taal shacabka Soomaaliyeed oo ku nool baahiyadooda waxba ka qaban karin sida amnigooda iwm.

Dani tusaale ayaan u soo qaatay ee Madaxweyne Qoor Qoor waakii boqollaal KM madaxdii shirkii Dhuusamareeb ka qeeyb gashay ku galbiyay si nabad ah shacabka Soomaaliyeed oo dhulkaas joogane ay nabad ku raaxeeystaan, maamul Goboleedyada kale mid walba dhowr Magaalo ugu yaraan ayuu shacabka ku nool nabadooda sugaa sidaas darteed Dowlad Goboleedyada ayaa xaq u leh jaangooynta doorashada iyo ka hadalka masiirka umadda Soomaaliyeed, doorasho uu diidan yahay hal maamul Goboleed dalka lagama qaban karo maxaa yeelay umad Soomaaliyeed ayuu maamulkaas mas'uul ka yahay oo aysan Dowladda dhexe mas'uul ka aheeyn baahida shacabkaas.

Waxay Qaran Caalamka la'jaan qaado iyo walaalo gacmaha is heeysto oo isjecel Soomaaliku noqon kartaa in ay ilaashato dastuurka ay ku heshiisay, dhanka kale waa in ay Soomali si wada jir ah u diiddo in talada umadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyso uu shaqsi QIIL u raadsado sidii uu waligiis u heeysan la'haa sidii taliskii Askarta, QIIL u raadin heeysasho hoggaanka dalka si sharciga baal marsan taas badalkeeda waa in la'qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo Soomaaliheshiis kuwada tahay kaddibne hoggaanka Qaranka loo tartamo siyaasigii ku guuleeystane sharaf loogu wareejiyo sidii sharafta badneeyd oo ay u wareejiyeen Hoggaanka dalka labadii Madaxweyne oo Farmaajo ka horreeysay ee Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Barre Shukri Elmi 

barreelmi@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.