I tusi Saaxiibadaa,

MW Farmaajo wuxuu ogal yahay in Qabiilada la caayo!

Faallo Keydmedia Online

Danjire Mahamed Caalim | Madaxweyne Farmaajo waxaa ceeb iyo gef weyn ku ah inuu Cali Daacuun u kaxeysto Shirarka xal u raadinta Soomaaliya.

MW Farmaajo wuxuu ogal yahay in Qabiilada la caayo!

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ogal yahay in Qabiilada la caayo! 

Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo hada Kheyre daaqada ka tuuray waxey dhaqanka siyaasada Soomaaliya ku soo siyaadiyeen propaganda baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, Youtube iyo Twitter, oo lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed, 

Wuxuu been abuurkaas gaaraa heer xun oo lagu caayo shaqsiyaad haldoor ah, waxaa islamarkaasna si khaldan oo musuq ah hantida dowlada loogu qasaariya buun buunin iyo xayeysiin aan jirin oo dowlada Federaalka ah loo sameynayo. 

Waxaa in badan oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee sida dhaw ula socda geedi socodka siyaasada Soomaaliya ay aad ula yaaban yihiin sababta Cali Daacuun uu ula socdo beryahan danbe wafdiyada Madaxweyne Farmaajo ku weheliya safarada, 

Iyadoo Madaxweyne Farmajo iyo dowladiisa looga fadhiyo wada-xaajood iyo is afgarad siyaasadeed  isla ogol ah oo ku aadan arrimaha doorashada inay la gaaraan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed gaar ahaan xisbiyada mucaaradka maadaama ay Dowlada Federaalka ay ku guuldaraysatay inay dalka doorasho udiyaariso/gaarsiiso waqtigana uu kaga dhamaaday waqti lumis.

Waa kuma Cali Daacuun?

Cali Daacuun waa nin wareersan oo caafimaadkiisu taam ahayn sababtoo ah hada ka hor waa ninkii sideed dabaq iska soo tuuray isagoo kursi xildhibaan doonaaya shirkii Empagathi, waa sida uu isagu sheegto.

Marka in sideed dabaq la iska soo tuuro ma waalibaa mise waxaa lagu noqonaya siyaasi?  

Mudooyinkan danbe Cali wuxuu caadeystay inuu caayo qabiilo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed si anshax darro ah oo ka baxsan dhaqanka siyasada iyo kan akhlaaqda suuban ee diinteena Islamka. 

Waxaa is weydiin mudan ninka ka shaqeynaya naceybka iyo isku dirka qabiilada Soomaaliyeed oo boogahooda damqaaya iyagoo kasoo kabanaaya traumahii Dagaalkii Sokeeye. 

Maxaa weeye waxa uu Madaxweyne Farmaajo ka faa'idayo oo talo iyo tusale ah haduu shaqsiga noocaas ah arrimaha xiriirka bulshada ama public relation person ahaan u kaxeysto? Siyaasi Cali Daacuun.

Waxaan fileynaa oo halkaas ka arkeynaa inuusan Madaxweynuhu aqoon fican iyo taariikh badan ulahayn Cali Daacuun, hadalada Nacayb ka wata ee uu ku caayayo bulshada soomaaliyeed, isalamarkaasna Madaxweynuhu qibrad badan u lahayn siyasada Soomaaliya sababtoo ah haduu la socdo xaaladihii iyo isbedeledii ay Soomaaliya soo martay 

Madaxeynuhu kama dhigteen Cali Daacuun lataliyaha arrimaha xiriirka bulshada (public relations).

'Al-xaqiiqa'!

Qore Danjire Maxamed Caalim




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.