Magac-xumo la Kala Dhaxlo Duell-kii: Lamood & Sakiin Round 1

By Prof. Mohamoud Iman Adan- Virginia (Keydmedia) - Dawladda Dhexe ee ku-meel-gaarka ah waxaa hoggaamiya labo Shariif. Madax kasta oo dawlad hoggaamisa waxay yeelan kartaa labo waji oo iska soo horjeeda, nin walbana wuxuu miciinsan doonaa wanaaggii ama xumaantii uu meel dhigtay muddadii uu madaxda ahaa.
Faallo Keydmedia Online
Magac-xumo la Kala Dhaxlo Duell-kii: Lamood & Sakiin Round 1

Hadduu wanaag ku can-baxay, wuxuu dhaxli doonaa sifooyinkan qaaliga ah, oo ay kamid yihiin: Waddaninimo. Daacadnimo. Xilkasnimo.  Hawkarnimo. Xalaal-quudasho. Bulsho kalkaalin. Cadaw takoorid. Caadilnimo. Samo-jecaylnimo. Dulmidiidid,  hoodaarnimo, iwmi. Geerida kadib, sifaalooyinkaas wada wanaagsan Rabbina waa kaa abaalmariyaa, bulshadana waxay dhaxashaa tusaale aan marna laga xiiso-dhicin.

Jiilka dambe wuxuu helaa kayd wanaagsan oo uu ku daydo oo lagu dhaato.Waxaa madax badani hilmaamsan tahay in magaca wanaagsan uu yahay hanti maguurto ah oo lagu dhaato oo ay kaa dhaxlaan carruurtooda, xaaskooda, deriskooda, xigtadooda, deegaankooda, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel walba ha joogtee  oo qadarinaysa inay ku dayato hormuud magac dheer leh.

Magaca marxuumka siyaasiga nadiifka ahaan jirey ma dhinto oo mar walba waa lagu halqabsadaa, goob walbana waa lagu xusaa, waana laysugu bogaadiyaa.

Wajiga kale ee madaxda sare yeelan karto waxaa kamid ah: Khaa’in. dulmilow. Mardadabaanlow. Diradiraale. Shisheeye kalkaal. Goobdumis. Xaaraan-quute. Cirib-laawe, Afar-jeeble. Colaad-huriye. Nabad-diid. Daanayste.  Musuq-maasuq. Xaaraan ku-naax. Xukun-qarqoosh, iwm.

Madaxda bulshada hoggaamisa waa inay ka madax-bannaan yihiin sifooyinka kor ku xusan iyadoon loo eegin diinta ay haystaan, dhaqanka ay leeyihiin iyo deegaanka ay ka taliyaan, ama ka talin jireen.

Ugu horayn, magac-xun oo kaa hara wuxuu ku seejiyaa naxariista Eebbe iyo naalada bulshadaada. Ilmahaaga iyo qoyskaagaana wuxuu dhaxalsiiya astaamo lagu takooro, afka bulshadana wuxuu ku reebaa dhadhan xaraar.

Ninka xukunka loo dhiibay ku xadgudba oo dalka iyo dakaba ku danaysta, magaciisa wuu la dhintaa oo wiilasha dhasha laguma samiyo. Waa magac laga xishoodo oo ma jirto hooyo magacaas aqbali karta, Muslin iyo gaalna aragtidaas waa laga wada midaysan yahay.

Maanta magaca “Shariif” la yiraahdo wuxuu ka lushaa dun nugul, waxaana dhici karta inaan qof dambe Shariif lagu magacaabin. Intaas waxaa kasii daran, bulshadii shariifnimada sheegan jirtey oo magacaas dartiis lagu maamuusi jireya inay lumiyaan xurmadii ay bulshadu ugu deeqi jirtey.

Canuggu markuu dhasho waxaa la siiya magac. Magacu waa hantida ugu horraysa oo qofku yeesho. Qofku wuxuu ugu jecel yahay inuu yeesho magic fiican oo lagu tixgeliyo, waayo magaca fiicanu waa hanti maguurto ah oo la kala dhaxlo.

Sida ummadda Soomaaliyeed u badan tahay, waxaa la rumaysan yahay in 2da Shariif ay ugu magac-dheer yihiin inta xumaanta ku tartanta oo hoggaamisa Dawladda Ku-Meelgaarka ah. Astaamaha lagu sifayn karo waxaa kamid ah: Hurinta xasaradda colaadeed, heshiis la’aanta siyaasadeed, hantiboobka qaran, labo canlaynta siyaasadeed, iyo shisheeye- kalkaalidda jogtada ee ka aloosan gobollada koofureed.

Si dabka colaadeed ee ka huraya gobollada koofureed uusan u damin, waxaa Soomaali weyn rumaysan tahay in 2da Shariif ay gacansaar la leeyihiin gulufyada xag-gireenka ah, sida: Al-Shabaab, Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, haddana iyaga layska horkeeno si colaadda iyo walaaca siyaasadeed usii baahdo oo dawladdu u hesho marmarsiinyo lagu waayo maamul shaqayn kara iyo hanti-dhowr xisaabtama.

Haddii Al-Shabaab tahay argagixiso caalami ah oo gacansaar- hoosaad la leh Al Qaida, 2da Shariifna ay gacansaar siyaasadeed iyo mid dhaqaale kalkaalinba la leeyihiin Al-Shabaab, haddaba 2da Shariif waxay si dabban ugu adeegaan danaha Al-Qaida. Waxaase nasiibdarro ah in labada Shariif loo arko inay ehel u yihiin hoggaaminta Dawladda ku-meel-gaarka ah, adduunka samajeclaha noo ahna uu bogaadiyo oo naasnuujiyo burcad-siyaasiga dalka cadawga ku ah.

Ma aha wax la liqi karo in la takooro xag-jireenka oo kelia; ee waa in lala takoor kuwa ku adeeganaya oo  jaalka la ah oo aan dunidu madaxa u salaaxin, kuna maal-gelinin jahawareerinta bulshada Gobollada Koofureed. Shirqoolka lagu hayo gobollada koofureed wuxuu raad weyny ku leeyahay dibu-dhaca gobollada kale, ha ahaadaan kuwa iskood u taagan iyo kuwa weli is-hufaya oo isku filnaansho tiigsanaya.

Sidoo kale, afduubka siyaasadeed iyo xasaradda colaadeed ee lagu hayo bulshada Soomaaliyeed kuma koobna 2da Shariif  oo keliya ee waxay leeyihiin guutooyin cadaw dahsoon ah oo u taagan  si gobolldaasu marna  nabad  waarta u helin oo qulquladaha colaadda iyo xiisaha siyaasaddeed  ay sii cakirmaan. Xaalad kasta oo xun oo dalku soo maray, ama soo mari doono, labada shaariif si fudud bay uga dabaalan doonaan, hantidoodana u maalgashan doonaan.

Hase ahaatee, magacooda oo sii xumaada walwal kuma hayo. Waxay laabta hu hayaan in dhaqaalaha ay abuurteen ay magacooda xumaaday ku dhaqi karaan. Waxay rumaysan yihiin in xumaan kasta oo ay falaan layska hilmaami doono, sidii loo hilmaamay kuwii xumaayday oo xukunka ay kasii dhaxleen.

Ballan-qaad magangelyo iyo gacansaar dhaqaale bay ka helaan Dawlado diiddan nabadda iyo midnima Soomaaliyeed. Labada Shariif waxay deggen yihiin god dawco oo leh irdo badan oo marka laga oodo mid ama labo ay mid kale ka baxsan karaan. Waxay kasbadeen ilo dhaqaale oo ay danahooda ugu adeegtaan, cidday rabaana ku aamusiyaan. Shillintu marka neefku baqtiyo ayay korkiisa ka daadataa, iyaguna marka bulshadu dhimato ayay ka daadan doonaan. Dabadeed, yay miciinsi bidi doonaan…?

Meeye Ciidankii Dalka Loo Soo Tababaray?

Ciidamo badan baa dalka loo soo tababaray inay xasiliyaa, siiba Muqdisho iyo meel walba oo ay gacanta ku hayaan xag-jireena nabaddiidka ah ee ka taliya gobollada Koofureed intooda badan. In yar oo ilaalisa guryaha iyo xafiisyada Dawlaadda ku-meel-gaarka ah, iyo jidadka loo maro, sida Dekedda Xamar iyo garoonka Adan Cabdulle Cusmaan mooyee, lama hayo ciidamadii dalka loo soo tababaray oo hadda ku jira gacanta dawladda.

Kama yara toban ilaa labaatan kun, haddaana in yar mooyee lama hayo cidankii qarashka badan ku baxay oo dalka loo soo tababaray? Hala wariyo 2da Shariif…! Qarashka tababarka ku baxaya ma aha tabaruc ee wuxuu kamid yahay maalgelinta loo qoondeeyey xasilinta nabadda ee gobollada koofureed.

Si loo kala diro ciidanka qaran, marka hore waxaa loo diiday mushaar iyo wixii kale oo askari  xaq u lahaan jire. Marka ku xigana jiritaankooda waa la inkiray. Marka saddexaad taliyaashii ciidanka ayaan la siin sharaftii iyo xurmadii sarkaal ciidan lahaan jirey, taladoodii iyo tusaalahoodiina waa layska tuuray. Haddana tabaruc bay ku shaqayn jireen si ay usoo celiyaan karaamadii iyo difaacii ay dalka ugu dhaarteen.

Kala daadinta ciidamada lasoo tababaray iyo saraakiishii qaranka macne weyn baa ku jira. Haddii cidamadu halwgalaan oo xaqooda lasiiyo, si fudud bay dalka nabad ugu soo celin karaa oo dawladdu way shaqyn kartaa. Maamulka dawliga ah baa si habsan u amba-qaadi kara, waana la xisaabtami doonaa. Waxaa meesha ka baxi doona hantidii qaran oo mugdiga lagu qaybsado.

Ciidamadii lasoo tababaray si dadbban baa loo kala firdhiyey, hase yeeshee waa la yaqaan meelaha ay ku sugan yihiin. Al-Shabaab waxaa loo fududeeyey inay helaan ciidan tabaran oo hubkoodii sita, mushaarkoodana labada shariif baa maalgeliya. Ulajeedada labada shariif waa inaan nabadu cagadhigan, iyaguna walaacaas bay dhaqaale ku aruursadaan.Ciidamada lasoo tababaray waxay ku kala biireen beelahoodii, qaar kale waxay hoos tageen dagaal-oogayaashii caanka ahaa. Kuwo kale suuqa aya dadka ku baartaan oo noloshooda ka helaan. In kale burcad-baddedka ayay ku biirtay.

Waxaa meesha ka bixi doona labada shariif oo daadahaynaya shandado waayen oo doolar ka buuxo oo magaca qaranka lagu soo helay.Waxaa meesha ka bixi doona baryadii lagu sako doonaan jirey. Waxaa meesha ka bixi doona Dawladihii  iyo hay’adihii loo baryo tegi jirey. Waxaa kaloo meesha ka bixi doona boholadumintii loo bartay si loo helo taakulayn dhaqaale oo nabadda lagu sugo. Bulshadu way baraari doonta oo waayo cusub ba baryi doona, dawladnimaduna waa xasili doontaa. Maxayse ku dambayn 2da shariif?

Waa maxay ulajeedadu 2da shariif ay ka leeyihiin inaan marna ciidan qaran dhismin? Waa inaan marna la helin ciidan dhisan oo qaran oo beddela kuwa AMISOM. Su’aashu waxay tahay: “Ma la wayn karaa ciidan 6kun dhan oo caabiya 2kun oo Al-Shabaab ay gacanta ku haya?  Jawaabtu waa maya. Mala samayn waayey in ciidanka Soomaaliyeed lala mushaar simo kan AMISOM oo askarigiiba qaato USD 750.? Haa! Ciidanka AMISOM difaac keliya buu u xilsaaran yahay oo weerar ma qaado. Mala samayn waayey in ciidn Soomaaliyeed lagu beddelo kan AMISOM oo diyaar u ah inay qaadaan weerar iyo difaacba labadaba, isla markaana  ku kaaftooma wax ku siman USD 100 ilaa 200 oo mushaar ah  bishiiba? Labada shariif baa hortaagan, waxayna diiddan yihiin in dawladdu xasisho oo la xisaabtamo.

Magac-xumo weligaa kaama haro. Rag dhimasho laysugu du-duway hadana markaas geeri ka  badbaaday baa laga hayaa, marka sakaraadku ku hayo waxaad ku fakartaa afar arrimood: “Adduunka magac wanaagsan ma uga tagaysaa?” “Xalaal-quute ma ahaan jirtey?” “ Hantida aad leedahay xaggee ka keentay?”  Muslin samajecle ah ma ahaan jirtey?” 2da shariif ha ogaadaan in afartaas su’aalood ay u rahman tahay marka iilka la dhigo…!

Madaxda daacadda ah bulshadooda ayay u codeeyaan oo danta ummadda ayay ka shaqeeyaan. Bulshada ayay  ku dhexnool yihiin oo dadkooda kama dhuuntaan. Kuwa is-dagaala way heshiisiiyaan, kuwa dhaawacmayna way soo booqdaan waana taakuleeyaan. Kuwa nabadda diiddan way la doodaan oo xal-nabadeed bay kula heshiiyaan, kalsoonida bulshadana way kasbadaan.

Waxbarashada iyo taakulaynta bulshada ayay ku dadaalaan, hormuudnimadoodana waxay ku muujiyaan haw-qabadkooda. Goobaha ciidamadu difaaca uga jiraan bay soo boqdaan, geeridana kama cabsadaan. 2da shariif ma laha astaamaha kor ku xusan oo waxay ku dadaalaan inay bulshadooda ka dhuuntaan, hantibursadna u tartamaan.

Haddaad bulshadaada ka dhuumato yaad madax u noqon doontaa? Haddaad magac-xumo ku can baxdo yaad ku eedaynaysaa? Haddii carruurtu tanag kaa dabatunto xaggee u ciirsan doontaa? Haddii xabaalaha Islaamku ku diidaan xaggee lagugu aasi doonaa?  Ciidamadii lasoo tababaray si dadbban baa loo kala firdhiyey, hase yeeshee waa la yaqaan meelaha ay ku sugan yihiin.

By Prof. Mohamoud Iman Adan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.